10/07/2026
Galmudugta Cusub ee Liibaan: Himilo ku dhisan Amni, Horumar iyo Isla Xisaabtan
Galmudugta cusub ee uu hiigsanayo Liibaan Ahmed Xasan waxay ku dhisan tahay qorshe cad oo mudnaanta siinaya amniga, horumarka dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo dowladnimo hufan.
1. Xoreynta deegaannada weli gacanta Al-Shabaab ku jira
Mudnaanta koowaad waxay noqon doontaa in deegaannada weli ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab laga xoreeyo sida ugu dhaqsiyaha badan, si shacabka Galmudug ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo xorriyad buuxda.
2. Shaqo-abuur iyo maalgashi degdeg ah
Qorshuhu wuxuu xoogga saarayaa abuurista fursado shaqo oo degdeg ah, gaar ahaan dhalinyarada. Khayraadka dabiiciga ah ee Galmudug ayaa loo adeegsan doonaa kobcinta dhaqaalaha, iyadoo la soo jiidanayo maalgashi gudaha iyo dibaddaba si loo abuuro shaqooyin waara.
3. Waddooyin isku xira Galmudug
Waxaa mudnaan gaar ah la siin doonaa dhismaha waddooyinka waaweyn ee isku xira magaalooyinka Galmudug, halka mashaariicda socda la dardargelin doono si isu socodka dadka iyo ganacsigu u fududaado.
4. Dekedda Hobyo
Dhismaha Dekedda Hobyo waxaa loo bilaabi doonaa si xowli leh, iyadoo loo dejin doono jadwal cad oo lagu hirgelinayo. Dekeddu waxay noqon kartaa albaabka ganacsiga iyo koboca dhaqaale ee Galmudug iyo Soomaaliya inteeda kale.
5. Waxbarasho tayo leh
Waxaa la kordhin doonaa tirada ardayda waxbarashada helaysa, iyadoo la ballaarin doono fursadaha waxbarasho si jiilka cusub loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.
6. Dowladnimo iyo isla xisaabtan
Galmudugta cusub waxay hiigsanaysaa dowlad ay ku dhisan tahay daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Mas’uuliyiintu waxay la xisaabtami doonaan shacabka, shacabkuna waxay yeelan doonaan awood ay kula xisaabtamaan hoggaankooda. Taasi waxay dhisi doontaa kalsooni, caddaalad iyo maamul u adeega dadka.
Himiladu waa Galmudug ammaan ah, shaqo leh, waddooyin casri ah leh, deked dhaqaale abuureysa leh, waxbarasho horumarsan leh, iyo dowlad ay shacabka kalsooni ku qabaan. Taasi waa Galmudugta cusub ee la hiigsanayo.
WQ Hassan Noor Mohamed