Haahiye TV

Haahiye TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Haahiye TV, TV Channel, Mogadishu.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ansixiyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika e...
28/12/2024

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ansixiyay howlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya howlgalka la dhammaanaya sannadkan ee ATMIS. Waxa ku cusub howlgalka waa in laga reebay Itoobiya! Howlgalka cusub AUSSOM oo heysta sharciyad 12 bilood ah , waxaa waajibkooda lagu sheegay;xasillinta iyo gargaarka bani'aadannimo.

Wuxuu ahaa fadhi kulul oo ay sidoo kale joogtay Itoobiya oo ay markii u horreysay Soomaaliya caddeysay in laga reebay howlgalka Midowga Afrika ee billaabanaya 2025. Waxaa Qaraarka soo diyaariyay Ingiriiska . Waxaa u codeeyay 14 xubnood (haa), ma jirin wax diidday, waxaa ka aamusay guddoonka shirkan oo ah Mareykanka.

Maxaa ka dhacay kullanka?

Wakiilka u hadlay Itoobiya , ayaa u muujiyay ciidanka Itoobiya inay lama huraan u yihiin xasillinta Soomaaliya , wuxuu tilmaamay in kooxda AS ay isku fidinayso dalka illaa uu gaarsiiyay inay iskudayayaan inay isku ballaariyaan dhulka xeebaha Soomaaliya, natiijadana wuxuu markaa ku sheegay inay ugu dambeyn awood u yeelan karaan AS inay khalkhal galiyaan marinnada biyaha caalamiga ah, wali isagoo sharraxaya khatarta , wuxuu sheegay inuu jiro midow u dhaxeeya AS iyo Daacish. Wuxuu intaa ku daray; “ Waxaa hadda la joogaa marxalad xasaasi ah, beesha caalamka maalgelin badan ayay ku sameysay Soomaaliya, waana inaan maanta la khasaarin mirahaasi. Itoobiya waxay sii wadeysaa naf hurnimada ay ka sameysay Soomaaliya— Itoobiya way sii wadeysaa hawgalkeeda ka dib ATMIS… Itoobiya waxay wada shaqeyn lasii wadeysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya— Hase ahaatee waxaa jira dhinacyo saddexaad oo raba inay qas ka sameeyaan gobolka kuwaas oo aan wax saameyn ku lahayn gobolka, kuwaasi waa in loo sheegaa inay ficiladaas ka joogsadaan…!

Soomaaliya ayaa u muuqatay inay heysay , hadallada ay Itoobiya ka sheegi doonto kullanka, kaddib markii ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu hoos u dhigay khatarta ay soo bandhigtay Itoobiya , isagoo markaa caddeeyay inay Soomaaliya hubisay 11,000 ee askari ee muhiimka u ah howlgalka AUSSOM, iyada oo loo marayo heshiisyo laba geesood ah oo la gaaray bishii November, tallaabadaas oo ka reebaysa Itoobiya howlgalka cusub.

Macluumad kale ee kulanka lagu soo bandhigay?

1.In Itoobiya laga saaro howlgalka.

2. In Uganda ay la wareegto dhammaan goobihii ay Soomaaliya ka joogeen ciidanka Itoobiya ee laga reebay howlgalka cusub, iyadoo Uganda ay noqonayso dalka ciidanka ugu badan howlgalkan ku biiranaya oo gaaraya 7,175 oo askari.

3. Jabuuti ayaa ku sii jiraysa Soomaaliya , iyadoo howlgalka cusub ku yeelanaysa 1,800 oo askari oo goobahoodii sii joogaya.

4. Kenya ayaa ah dalka labaad ee xadduudda la leh Soomaaliya ee ku sii jiraya howlgalka , waxay ku lahaanayaan AUSSOM 1,400 oo askari oo sii joogaya aagga loogu yeero qeybta labaad oo ah Jubbaland.

5. Waddanka 4 aad ee qeybta ka ah howlgalka waa Burundi oo hoos loo dhigay , waxaana lagu soo koobay tirada ciidanka ka socda ee qeybta ka noqonaya AUSSOM 1,041 askari, balse si dhaqso leh Burundi ayaa soo bandhigtay inaysan ku faraxsanayn in la soo koobay tirada ciidanka ay ku yeelanayso AUSSOM, waxayna dalbanaysaa in loo oggolaado in la geeyo wax aan ka yarayn 2,000 oo askari. Burundi ayaa sheegtay in tiro kasta oo intaas ka yar ay shaqaalaheeda gelin doonto khatar.

Haddii aad is waydiinayso Masar, lama soo bandhigin doorka Masar , tan oo meesha ka saaraysa walaaca laga qabay sida ay Soomaaliya u wada joogi karaan waddamada waqtiga dheer khilaafku ka dhaxeeyay ee Itoobiya iyo Masar!

Muxuu laakin Mareykanka uga aamusay ansixinta howlgalka AUSSOM?

Ku-xigeenka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay,Dorothy Camille ahna shir-guddoonka kulanka golaha ammaanka ee maanta lagu ansixiyay howlgalka AUSSOM, ayaa sharraxaday sababta uu Mareykanka u noqday dalka kaliya ee ka aamusay ansixinta howlgalkan, waxayna sheegtay ; “ Sababta Mareyanku u taageeri karin qaraarkan waa in markii h**e naloo sheegay in 75% kaliya kharashaadka ku baxaya AUSSOM looga baahan yahay deeq bixiyaasha, halka 25% soo hartay ay tahay inay wadajir u bixiyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika… Haddase waxaa muuqata in la gaarsiiyay 90% guud ahaan kharashka ku baxaya AUSSOM inay tahay in deeq bixiyaashu bixiyaan.
Taasi ma aha mid aan aqbali karno.”

Kulanka waxaa laga arkay inay jirto xaalad dhaqaale oo uu la kulmi karo howlgalka cusub AUSSOM, illaa laga sheegay in Midowga Afrika uu dib u eegis ku sameyn doono arrimaha dhaqaalaha si loo dheelitiro, sababtoo ah Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay si cad u sheegeen inaysan heyn dhaqaale badan oo ay ku bixin karaan howlgalkan, tani waxay Soomaaliya uga dhigantahay howlgalkan midkii u dambeeyay ee dhaqaale ay u heli karto , waa wax u dhigma ‘waa inay Soomaaliya muddadaa sannadka ah ku gaartaa inay ku filnaato ammaankeeda , sababtoo ah ma jiro doono howl kale oo si dhaqso ah ay Soomaaliya dhaqaale uga heli karto. Laakin halkan malaga yaabaa inay fursad u qaadato Itoobiya oo ay la timaado ciidan ay iyadu la baxayso kharashka ku baxaya? Dabcan way ku adagtahay waqtigan inay Itoobiya dhaqaale u hesho ciidan joogaya Soomaaliya , haddii aysan helin dhaqaale dibadda uga imaanaya! Mid ka mid ah muhiimada howlgallada Soomaaliya , ee dalalka ay ku qabeen waa dhaqaalaha badan ee ay ka heli jireen ciidanka ay ku biirinayaan, taa oo markii u horreysay la arkayo caqabado ka imaan kara, halka sidoo kale Midowga Afrika uu la kulmayo inay xal u helaan xaaladda dhaqaale ee hortaal howlgalka AUSSOM..!

15/12/2024

Saaka Ceerigaabo waa Lagu kala baxay Sidii Raaskambooni Guul Ciidamada SSC KHAATUMO Isaaq daba cayuun waa inla Geeyaa ilaa Burco

Dhaha Muuqaalka Guul DAAROOD WEYNE D5

15/12/2024
"Puntland hal dollar oo taageero mushahar ah iyo mid amni ah ma hesho, waxay adeegyada dowliga ah ku fulisaa xoogaaga dh...
15/12/2024

"Puntland hal dollar oo taageero mushahar ah iyo mid amni ah ma hesho, waxay adeegyada dowliga ah ku fulisaa xoogaaga dhaqaalaha ah ee shacabka laga qaado", Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan.

Doonista badda ee Itoobiya , waa qorshihii lagu dhisay Qudus..! Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu wuxuu b...
15/12/2024

Doonista badda ee Itoobiya , waa qorshihii lagu dhisay Qudus..!

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu wuxuu bishii September sannadkii 2019-kii ku qaabbilay magaalada Qudus — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo inta uu kulanka socday usoo bandhigay inay Israa’iil arkayso khatar uga imaan karta badda cas oo ay Iran u adeegsan karto goob ay hubka uga soo gudbiso ururka Xamaas ee marinka Qasa, markaa wuxuu Netanyahu usoo bandhigay Abiy , heshiis amni oo ay qeyb ka tahay in Itoobiya ay tagto badda cas, si meesha looga saaro khatarta ay Israa’iil kala kulmeyso saameynta Iran ee badda cas — waqtigaa wuxuu ahaa xilliga ay ku xoogeysteen badda cas kooxda Xuutiyiinta Yemen oo inta sannadkaa lagu jiray qabsaday dhowr markab iyo doomo ganacsi .

Markiiba si cad Itoobiya , waxay ku dhaqaaqday qorshe uu usoo bandhigay Netanyahu oo siinaya taageerro dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed, tallaabada u horreysa ee Netanyahu waxay ahayd inuu dhisay xiriir adag oo dhexmara Abiy Axmed iyo Amiirka Imaaraadka Carabta , Sh. Maxamed bin-Zayed Al Nahyan, balse bilo kaddib kulanka Qudus , waxay dunidda gashay xaalad go’doon ah uu ka dhalatay cududarka COVID-19 , markii laga soo baxay Covid-19 , wuxuu tagay Abiy Axmed , magaalada Abu Dhabi ee xarunta Imaaraadka Carabta , halkaa oo uu kala kulmay Al Nahyan oo ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira xoojinta doorka Itoobiya ee dekedda Berbera , marka kaliya ma uusan dooneyn Abiy inay qeyb ka ahaadan maalgashi ee wuxuu raadinayay in sidoo kale uu Imaaraadka maalgeliyo saldhig ciidan, isagoo markaa u sheegaya inuu saldhigga gacan ka siinayo sidii Imaaraadka u weerarri karo kooxda Xuutiyiinta oo Imaaraadku uu dagaal kula jiray, waxaa kalo uu kulanka ku aadday xilli ay Somaliland ku dhawaaqday inuu burburay saamiga Itoobiya ee 19% oo ay ku lahayd dekedda Berbera.

Burburka ku yimid saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera , wuxuu salka ku hayay inaysan Itoobiya fulin arrimaha lagu ballamay oo ay ka mid ahayd hirgelinta horumarinta adeegyada aasaasiga ee suragelinaya in dekedda Berbera lagu xiro aagga ganacsi ee Wajaale, taa oo dekedda Berbera ku xiri kartay suuqa ballaaran ee Itoobiya. Wixii waqtigaa ka dambeeyay ma jirin wax rabitaan ah oo laga arkay Addis Ababa oo ay u qabto adeegsiga dekedda Berbera, waxay sii waday Itoobiya ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti, halka ay Somaliland doonaysay inay Itoobiya horumariso iskaashiga ganacsi ee labada dhinac , iyadoo dekedda Berbera ay noqonayso goob u furan suuqa ganacsi ee Itoobiya , tan oo haddii ay dhici lahayd wax badan ka beddeli lahayd dhaqaalaha Somaliland ee ku tiirsan deeq bixiyaasha caalamiga ah, wallow sannadihii u dambeeyay ay awooday Somaliland inay ballaariso wax soosaarka gudaha oo isbeddel ku sameeyay hannaanka dhaqaalaha.

Kenya , ayaa sidoo kale diyaar u ahayd inay bixiso deked ganacsi oo Itoobiya u suragelinaya inay kala soo degto shixnadaha ganacsi , taa oo ay Nairobi ka dhex arkaysay hab ay uga faa’iideynayso suuqa ballaaran ee ka jira Itoobiya oo aan bad lahayn. Jabuuti ayaa sidoo kale si cad usoo bandhigtay inay diyaar ula tahay Itoobiya inay ku wareejiso deked, halkaa oo ah goob uu ku diyaarsan marinka tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Addis, balse Itoobiya baaqa k**a jawaabin..! Dabcan waxaa badan suragalnimada inaysan Itoobiya wax rabitaan ah u heyn shixnad la soo dejiyo..! Laakin wax badan ma qaadan , iyadoo Itoobiya aysan ka soo bixin heshiiskii ay qeybta ka ahayd ee dekedda Berbera , waxaa si kadis ah loo maqlay 1 bishiii Jannaayo ee sannadkan 2024, in Addis Ababa ay is afgarad ku kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland , kaasoo la xiriira inay Itoobiya gaarto gacanka cadmeed , halkaa oo ay Itoobiya ka hirgelinayso deked ay maamulkeedu gacanteeda ku jiro iyo saldhig ciidamada badda ah; xasuusnow in Itoobiya wixii ka dambeeyay sannadkii 2019 -kii ay u maalgelisay si aan waqti h**e oo kale loo maalgelin ciidankeeda badda , waxayna Itoobiya oo aan lahayn bad leedahay ciidan ka tiri iyo qalab badan dalka iska leh badda ugu dheer gobolka ee Soomaaliya oo ku guul-darraystay inuu dhiso ciidanka badda — inta aan ku jiray baaritaanka arrimaha la xiriira doonista badda ee Itoobiya , k**a maqal khudbadihii ay jeediyiin xilliga doorashada saddexda madaxweyne ee Soomaaliya ee kala ah ;Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh muddo xileedkiisii h**e , Farmaajo iyo muddo xileedkan oo Villa Somalia uu ku soo laabtay madaxweyne Xasan , wax qorshe ah oo ay ka leeyihiin dhismaha ciidanka badda , muddo 15 sanno ah oo ka soo wareegatay doorashadii Madaxweyne Shariif , kuma aysan guuleysan saddexdan hoggaamiye inay dhisaan ciidanka badda ama ay soo bandhigaan qorshe lagu gaarayo dhismaha ciidanka badda , taa beddelkeeda khataro la abuuray oo ay burcad badeedka ay ka mid ahayd , waxay sabab u noqdeen xaaluf sharci darro ah oo illaa hadda ku socda biyaha Soomaaliya , halka hoggaamiyayaasha siyaasadda ee gobollada xeebaha iyo Federaalka ay hab ganacsi shaqsiyadeed uga faa’iideystaan shatiyada doomaha iyo maraakiibta jiliifka, mar kasta oo laga hadlayo arrimaha badda iyo ka faa’iideysiga badda waa marka si dhammeystiran loo arki karo , wajiga Soomaalida iyo Soomaaliya ..!

Hadda dabcan, waxaan oggaanay inaysan Itoobiya marna niyad u heyn deked ganacsi ee doonisteedu tahay saldhig ciidan, iyadoo u helaysa maalgelin ka imaan karta Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta , midkood , marka natiijada warbixinta waa in nooc kasta oo heshiis aysan ka muuqan waxa ay doonayso Itoobiya ee ah saldhig ciidan, sida is afgaradka Somaliland ee lagu sheego inay ku jirto hirgelinta saldhig ciidan , kaa oo aysan wali haddii xataa uu dhacay is afgarad dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya aysan si cad u sheegin Addis Abab inay ka baxday, markaa ma dhaqangelin doonto Itoobiya nooc kasta oo heshiis ku kooban ganacsiga , sababtoo 2016 waxay heshay dekedda Berbera oo u furnayd inay adeegsato! Hadda si ka badan 2019-kii iyo muhiimad ka ballaaran ayuu Telaabib u leeyahay inay hesho saldhig ciidanka badda oo ku yaalla badda cas , si ay uga howlgallaan sirdoonka iyo diyaaradaheeda — dabcan way ku adkaanaysa inay Israa’iil iyadoo adeegsanaysa magaceeda ay soo degto badda kasta , sabab la xiriirta in weerarro joogta ah uu saldhigga kula kulmi doono Xuutiyiinta iyo Iran , taa beddelkeeda waa inay heshaa Israa’iil dal kale oo halkaa saldhig ku leh si la mid ah saldhigyada khaliijka ee Mareykanka oo lagu sheego kuwa u furan Israa’iil, tan oo jirta waxaa soo baxaysa surtagalnimada inuu Mareykanka doonayo inuu ballaariyo iskaashigiisa Somaliland , isagoo la yeelanaya la macaamil gaar ah, taa beddelkeedana uu saldhig ka sameysanayo gacanka cadmeed, markaa oo haddii uu guul-darraysto qorshaha Itoobiya , waxay Telaabiib helaysa hab kale oo ay ku gaarayso gacanka cadmeed, waana in Mareykanka uu ka hirgeliyo saldhig..!

Waxaan kaga tagay fikradaada

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haahiye TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share