14/06/2024
Maanta waa maalinta 8aad ee bisha Dul-Xij waxaana loo yaqaanaa Yowmu-Tarwiyah.
Waa mid kamid ah maalmaha ugu fadliga badan sanadka, waa maalinta uu bilowdo Xaj-ka oo xujeyda ayaa maalintaas Xaj-ka xirata, qofka xaajiga ah maalintaas wuxuu aadayaa buurta Mini asigoo halkaas ku baryaya (seexanaya) ilaa habeenkeeda wuxuuna Yowmu Tarwiyah xaajiga fulinayaa acmaasha Xaj-ka oo ay kamid yihiin;
-Inuu Qubeysto xajkana xirto.
2-Inuu ku labisto dharka Muxramka ah.
3-Tahliisha Xaj-ka inuu bilaabo asigoo leh Labeyka Allahuma Labeyka.
4-Inuu aado buurta Mini kadibna halkaas salaadaha ku tukado dhammaantooda (Duhur, Casar, Maqrib, Cishe, Subax) asigoo soo gaabinayo.
5-Sunada waxaa kamid ah inuu habeenkaas Mini seexdo kadibna maalinta xigta aroorteeda u kalaho Buurta Carafa.
Sababta loogu bixiyay magacaan maalinta 8aad ee Dul-Xij labo warin ayaa jirto, mid waxay leedahay maalintaan xujeyda waxay aad u cabi jireen biyaha maadaama maalinta sagaalaad soon tahay sidaas ayaana loogu bixiyay Yowmu-Tarwiyah (Maalintii haraad go'a).
Culimada qaar kale ayaa leh maalintaan waa maalintii uu Nabi Ibraahim ku riyooday asigoo gowracayo wiilkiisa Ismaaciil subaxii ayuuna dadka qaar uga wariyay riyadaas sidaas ayayna ugu baxday Yowmu-Tarwiyah (Maalintii Warinta).
Yowmu-Tarwiyah kaliya Xujeyda lagama rabo acmaal iney la yimaadaan sidoo kale waxaa acmaal laga rabaa dadka aanan xajineynin waxaana acmaashaas kamid ah;
1-Ducada oo la badiyo maalintaan waayo Yowmu-Tarwiyah ducada qofka lama soo celiyo.
-In soon suno ah la soomo.
3-Salliga Nabiga scw oo labadiyo.
4-Qur'aanka oo la akhriyo, sadaqada oo la badiyo iyo in la booqdo qaraabada.
5-Salaada oo waqtigeeda la ilaaliyo, badinta sunooyinka iyo habeenkeeda oo Tahajud loo kaco.
6-Takbiirta iyo Tahliisha oo la badiyo.
Sii faafi oo kheyrka dadka kale gaarsii.