25/08/2026
๐๐๐ ๐๐๐๐๐ | ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ ๐๐๐ง๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐๐๐๐ฅ๐๐ง๐ ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐ฒ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐๐ฅ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐
Taliyihii h**e ee Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, oo dhawaan u wareegay dhinaca Jubbaland, isla markaana gaaray magaalada Nairobi ee Kenya, ayaa la sheegay inuu Jubbaland ka dalbaday xilal iyo fursado siyaasadeed.
Xogta ayaa sheegaysa in Janan uu dalbaday xildhibaan federaal, xil wasiirnimo oo Jubbaland ah iyo dalabyo kale, kuwaas oo la xiriira doorkiisa iyo wareejintii Beledxaawo.
Si kastaba, qaar kamid ah dalabyadaas ayaa la sheegay inaanay weli wada aqbalin Madaxtooyada Jubbaland, iyadoo Janan aan weli kulan rasmi ah la qaadan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Dhanka kale, Jubbaland ayaa la filayaa in toddobaadkan ay diiwaangeliso ciidamadii h**ey ula safnaa Dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo, kuwaas oo hadda la filayo inay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Jubbaland.
Isbeddelladan ayaa kusoo beegmaya xilli loollan siyaasadeed iyo mid ciidan uu ka dhex jiray Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubbaland, iyadoo loo diyaar garoobayo wadahadallada iyo heshiisyada la xiriira doorashada federaalka ee la filayo in laga gaaro dhammaadka sannadkan.