02/09/2026
MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO OO KORMEER SOCOD AH KU MARAY SUUQA WEYN IYO QAAR KA MID AH XAAFADAHA MAGAALADA
Maamulka Degmada Baydhabo ayaa maanta kormeer socod ah ku maray Suuqa Weyn ee magaalada Baydhabo iyo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo ujeeddadu ahayd in si dhow loola socdo xaaladda guud ee amniga, nadaafadda, habsami-u-socodka ganacsiga iyo adeegyada bulshada.
Kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Degmada Baydhabo, Mudane Faysal Mohamed Duuble , iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada.
Mudane Faysal Mohamed Duuble ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee maamulka degmada loogu xoojinayo amniga, kala dambeynta, nadaafadda iyo bilicda magaalada, isagoo xusay in maamulka degmada uu si joogto ah ula socon doono xaaladda Suuqa Weyn iyo xaafadaha magaalada.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bulshada iyo ganacsatada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan maamulka degmada, si loo ilaaliyo nabadgelyada, nadaafadda iyo horumarka magaalada Baydhabo.
Intii uu socday kormeerka, ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay xaaladaha ay bulshada iyo ganacsatadu la kulmaan, iyadoo maamulka degmada uu sheegay in talooyinka iyo baahiyaha shacabka laga qaadan doono tallaabooyin ku habboon.
Baydhabo — Amni, Nadaafad iyo Horumar. 🇸🇴