Hilaal Somali TV

Hilaal Somali TV Hilaal Somali TV, Waa Warbaahin Madax bannaan oo Xaruntiisa tahay Muqdisho, Waxa uu idiin Soo gudbinayaa Wararka Soomaalida Iyo Caalamkaba

Deg Deg Nuur dheere Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ayaa diiday Amarkii Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf ee Ahaa in Am...
20/09/2026

Deg Deg Nuur dheere Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ayaa diiday Amarkii Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf ee Ahaa in Amarka Cali Guudlaawe uusan ka shaqeynin Gobalka Hiiraan.

Nuur dheere Ayaa Ugaas Yuusf Si Cad Usheegay inuu ku shaqeynayo Amarka Cali Guudlaawe iyo Danaha Hirshabelle, Taas ayaana Abuurtay Walaac culus.

Inkabadan Shan kun oo Macawiisley ah ayaana lagu Amray iney Gacanta si guud ugu dhigaan Degmada Jalalaqsi oo hada Nuur dheere uu difaacyo adak ka dhex Sameystay, Xaalada Aad ayey u adkaatay.

La soco wixii soo kordha

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta hoygiisa Ololaha ee magaa...
14/09/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta hoygiisa Ololaha ee magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynihii h**e Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa ku-xigeenka Golaha Khoone, Guddoomiyayaashii h**e Gobalka Hiiraan Muuse Salaad, Cabdifataax Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Ganeey.

Golaha ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay Madaxweynaha waxana ay xuseen inay si buuxdo garab ugu yihiin ayna ka qeyb qaadan doonaan doorashada qof iyo codka ah.

14/09/2026

Madaxweynihii h**e ee Hirshabeele Cali Osoble iyo Xildhibaan Qoone oo reer hiiraan gaar ahaan Beesha XL oo Madaxweyne cali Guudlawe ugu hambalyey hanashada Kaarka JSP.

Xildhibaanada Hirshabeelle ee ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabtay kulan ay warbaahinta ...
14/09/2026

Xildhibaanada Hirshabeelle ee ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabtay kulan ay warbaahinta kula hadleen, iyagoo hambalyo iyo taageero u diray Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe.

Xildhibaanadu waxay bogaadiyeen dib u doorashada Madaxweyne Guudlaawe ee Xisbiga JSP uu kaarka kusiiyey kaligii, iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan hoggaanka iyo horumarka dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono), ayaa hambalyo i...
13/09/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), kaddib markii uu mar kale ku guuleystay in loo doorto musharraxa JSP ee hoggaaminta Maamulka Hirshabeelle muddo shan sano ah.

Qoono ayaa sheegay in guusha Madaxweyne Guudlaawe ay tahay tallaabo muhiim ah oo la xiriirta sii wadidda hoggaanka iyo horumarka Hirshabeelle. Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taageerada iyo kalsoonida uu u muujiyey Madaxweyne Guudlaawe.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle ayaa Madaxweyne Guudlaawe ugu duceeyey inuu si hufan u guto xilka culus ee loo igmaday, isla markaana uu horseedo nabad, midnimo iyo horumar waara oo ka hanaqaada Hirshabeelle.

DEG DEG: Golaha Fulinta JSP ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe u ansixiyay kaarka Hirshabeelle
13/09/2026

DEG DEG: Golaha Fulinta JSP ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe u ansixiyay kaarka Hirshabeelle

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Gobolka ay ku qasabtay in ay feejignaan ...
02/09/2026

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Gobolka ay ku qasabtay in ay feejignaan galaan 👉

Hilaal Somali TV

Markab Shidaal waday ayaa lagu beegsaday meel u dhow Marinka Hormuz, lama sheegin cidda beegsatay iyo khasaaraha ka dhas...
01/09/2026

Markab Shidaal waday ayaa lagu beegsaday meel u dhow Marinka Hormuz, lama sheegin cidda beegsatay iyo khasaaraha ka dhashay

Iiraan ayaa sheegtay in ay gantaallo culus ku garaacday Saldhigyo Maraykanka uu ku leeyahay Jordar iyo Imaaraatka
31/08/2026

Iiraan ayaa sheegtay in ay gantaallo culus ku garaacday Saldhigyo Maraykanka uu ku leeyahay Jordar iyo Imaaraatka

Istanbul ayaa maanta Martigelinaysa Kulankii ugu horreeyay ee Isbahaysiga Difaaca Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakist...
31/08/2026

Istanbul ayaa maanta Martigelinaysa Kulankii ugu horreeyay ee Isbahaysiga Difaaca Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan.

Magaalada Istanbul waxaa maanta oo Isniin ah ay martigelinaysaa kulan heer sare ah oo ay isugu imanayaan madaxda ugu sarreysa ee dhinacyada diblomaasiyadda iyo difaaca ee Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, waana kulankii ugu horreeyay ee saddexdan dal yeeshaan tan iyo markii ay horraantii bishan saxiixeen Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya Wasiirrada; Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Turkiga.

Kulankan ayaa gogol-xaar u noqonaya dhismaha rasmi ah ee Guddiga Istaraatiijiga ah ee Siyaasadda iyo Difaaca, kaas oo noqon doona madal ay saddexda dal iskaga kaashanayaan dejinta siyaasadaha amniga, qorsheynta difaaca iyo xoojinta iskaashiga Military.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa sheegtay in ajandaha kulanka uu diiradda saarayo xaaladaha amniga caalamiga ah, iyadoo sidoo kale laga wada hadli doono sidii loo horumarin lahaa awoodda ciidamada, iskaashiga difaaca iyo wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee xubnaha heshiiska.

Heshiiskii difaaca ee Maka (Makka Joint defense Agreement), ayaa lagu tilmaamay hannaan cusub oo ku dhisan difaac wadajir ah, kaas oo mabda’ ahaan u eg xulafada NATO, iyadoo weerar lagu qaado hal xubin loo arki karo weerar ku dhan ah dhammaan xubnaha isbahaysiga. Aasaaska isbahaysigan ayaa yimid kaddib isbeddelladii waaweynaa ee amniga gobolka bariga dhexe iyo xiisadihii ka dhashay dagaalkii dhaxmaray; Maraykanka, Israa’iil iyo Iran.

Turkigu, wuxuu leeyahay ciidanka 2aad ee ugu weyn NATO, Pakistan waa awoodda Nuclear ee keliya ee dunida Muslimka ah, halka Sacuudi Carabiya ay tahay quwad dhaqaale iyo tamareed oo miisaan culus ku leh gobolka iyo caalamkaba.!

Dhanka ballaarinta isbahaysiga, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa wareysi uu bishii Agoosto siiyay Al Jazeera ku sheegay in Masar ay mustaqbalka qayb ka noqon karto heshiiskan. Bangladesh-na waxay dhankeeda sheegtay inay aad uga fiirsanayso ku biirista isbahaysigaan seddaxda dal.

Suuragalnimada ballaarinta xulafadaan ayaa walaac iyo cadaadis mustaqbalka ah gaar ah ku abuurtay dalka Hindiya. New Delhi ayaa si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqaan maadaama Pakistan oo ay deris yihiin door wayn ku leedahay samaysanka Isbahaysigaan, taas oo wallaaca kor u qaadi karta haddii Bangaladesh ku biirto Isbahaysigaan.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hilaal Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category