13/09/2026
Horta ma anaga shalay baan dhalanay?
1, Janaayo 1993, waxay ahayd maalin ku suntanayd u gurmashada iyo badbaadinta inta maanta nool ee ku abtirsata deegaanada KGS ayadoo ay Soomaalida inta kale u kala baxday, kuwo ku soo duulay oo xoolihii iyo bakaarihiiba ka furtay, halka kuwo kalena u diideen gergaarkii loo keeney si loogu bedbaadiyo dadkii macluusha saameysey!
Booqashadii Madaxweynihii dalka Mareykanka George H.W. Bush ee magaalada Baydhabo waxay dhacday Janaayo 1, 1993
Booqashadan taariikhiga ahayd waxay qayb ka ahayd hawlgalkii "Operation Restore Hope" (Howl-galkii Abaaraha iyo Raja Soo Celinta) oo uu Bush u diray ciidamada Mareykanka si ay u gargaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay ragaadiyeen abaartii iyo dagaalladii sokeeye, gaar ahaan deegaanadeena.
Qodobbada ugu muhiimsan ee booqashadiisii Baydhabo waxaa ka mid ahaa:
1. ( of ): Baydhabo xilligaas waxay ahayd xudunta macaluushii ugu xumayd ee ka dhalatay burburkii dowladdii dhexe iyo dhacii loo geystey xoolihii dadka dega KGS. Waxaa loo aqoon jiray " " ama magaalada geerida sababo la xiriira boqolaal qof oo maalin walba u dhimanayay gaajo iyo macaluul.
2. Booqashada Xarunta Agoonta: Madaxweyne Bush waxa uu si gaar ah u booqday iyo oo ahaa xarun lagu xannaaneeyo carruurta agoonta ah iyo goobaha raashinka lagu qaybiyo ee magaalada Baydhabo. Sawirradii laga soo qaaday isagoo la jooga carruurta nafaqo-darrada hayso waxay dareen weyn ku abuurtay caalamka.
3. Kormeerka Ciidamada: Wuxuu u kuurgalay xaaladda ciidanka badda ee Mareykanka (U.S. Marines) oo dhowr toddobaad ka hor soo degay magaalada si ay u sugaan amniga marinnada gargaarka.
4. Beddelidda Xaaladda: Booqashada ka dib iyo imaanshiyaha ciidamada, waxaa suurtagashay in raashinkii gargaarka ee ay horay u dhici jireen maleeshiyaadkii USC uu gaaro dadkii tabaalaysnaa, taasoo hoos u dhigtay dhimashadii badneyd ee magaalada ka jirtay.
Booqashadaas waxay ahayd mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee dowladdii George H.W. Bush ka hor inta aanu xilka ku wareejin Madaxweyne Bill Clinton bishii Janaayo 1993.
Laga bilaabo maalintaas ilaa maanta Dalka Mareykanka wuxuu garab taagnaa guud ahaan dalka Soomaaliya haday noqoto dhismooyinkii iyo taaba-gelintii dowladihii dalka Soomaaliya isaga danbeeyey, la degaalanka argagixisada, dhisidda iyo taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida iyo dhaqaale siinta howlgalkii AMISON ee hada u guurey AUSSOM.
Ogaada dowladda intaas inagu taageertey, hal doolar maalin inagama faa’idin. Deked, Garoon-diyaaradeed iyo Isbitaal ay si faa’ido doonnimo ah u maalgashteena malahan marka laga reebo garoonka Balidoogle oo ay inoogu tababaraan ciidanka ugu xirfadda wanaagsan ee lagula degaalamo argagixisada✅
Taariikh la ilaabay unbaan xusaayay✍️
Waxaa qorey waziir joon oo ahaa dhalayadirdii lafatagareen xilka ka tuurey