03/02/2026
Waa xaqiiqo in wajiga wiilkan dhalinyarada ah uu noqday mid ku cusub indhaha bulshada.
Maalmo ka hor ayuu ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo lagu eedeeyay inuu geystay dil loo gaystay laba dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada shacab, kuwaas oo loo yaqaanno “dhar-cad”.
Intii uu kiisku socday, maxkamadda waxaa la horkeenay dad sheegtay inay ahaayeen markhaatiyaal goob-joog ah xilligii uu falka dilku dhacayay, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga warramay wixii ay arkeen.
Wiilku wuxuu qirtay in rasaasta la riday ay isaga ka timid, balse uu sheegay inuusan hubin tirada dadka ku dhintay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in labadaas dhalinyaro ee dhar-cadka ahaa ay isku dayeen inay hubkiisa ka qaataan, taasoo uu jawaabteeda ka dhigay rasaas.
Haddaba, ma daawatay muuqaalka wiilkan? Maxaase kaaga soo baxay hadallada iyo falcelinta (comments-ka)? Nagula wadaag aragtidaada.