Fatwa.so

Fatwa.so Fatwo, waa madal u gaar ah suaalaha iyo jaawabaha diiniga ah ee culimada soomaaliyeed Fatwoodeen.

Bal ka warran haddii la helo website sida ChatGPT oo kale su'aalaha loo waydiiyo oo kaaga jawaabaya su'aalaha la xiriira...
09/03/2026

Bal ka warran haddii la helo website sida ChatGPT oo kale su'aalaha loo waydiiyo oo kaaga jawaabaya su'aalaha la xiriira axkaamta shareecada, kuna siinaya tixraac lagu kalsoonaan karo?

Waxaan samaynay fatwa agent oo qofku su'aalahaas uu waydiin karo, jawaab lagu kalsoonyahayna ku siinaya. AI-geenu jawaabaha iskiis uma allifayo ee fatwa Agent wuxuu ku siinaya jawaabihii culimada ee lagu tababaray oo kaliya.

Hadda wuxuu ku jiraa marxaladda tijaabada, waxaana la waydiin karaa qaar ka mid ah jawaabaha culimada Soomaalida ee la xiriira axkaamta Soonka, waana sii balaarin doonna insha Allah.
Waxaan si wayn ugu mahadcelinaynaa bahda Goobo Labs oo qayb wayn ka qaatay hirgalinta mashruucaan.

Halkaan ayaad su'aalaha toos uga waydiin kartaa: https://agent.fatwa.so/chat
Link-ga web-ka agent-ga: https://agent.fatwa.so/

Waxaan fududeenay qaabka jawaabaha aad ku heli jirteen. Hadda waxaad hal meel ka wada heli kartaa jawaabta qoraalka ah i...
22/02/2026

Waxaan fududeenay qaabka jawaabaha aad ku heli jirteen. Hadda waxaad hal meel ka wada heli kartaa jawaabta qoraalka ah iyo midda muuqaalka ah. Uma baahnid inaad Youtube-ka aadid si aad muuqaalka tixraaca ah ee jawaabta aad u fiirsatid.

Waxaan dib u cusboonaysiin ku samaynay design-ka website-ka Fatwa.so Sidoo kale waxaan ku soo darnay su'aalo cusub oo in...
20/02/2026

Waxaan dib u cusboonaysiin ku samaynay design-ka website-ka Fatwa.so Sidoo kale waxaan ku soo darnay su'aalo cusub oo in badan oo ka mid ah ay la xiriiraan axkaamta Soonka.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fatwa.so posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share