Mukeyle news

Mukeyle news Halkaan waxaad ka haleysaa warar warbixin la hubo raad iyo meel loo raaco leh

25/04/2025

Wargeyska Middle East Eye ee kasoo baxa dalka Ingariiska ayaa daabacay warbixin cusub oo uu kaga hadlayo, qorshayaasha dhagareysan ee uu Imaaraatka Carabta ka wado Soomaaliya.

Warbixinta uu daabacay wargeyska ayaa lagu sheegay, in Xukuumadda Abuu Dhabi ay si maalinle ah mid kamid ah garoomada diyaaradeed ee ku yaalla Soomaaliya uga dhoofiso, hub loogu talagalay maleeshiyaadka RSF ee dhibaatada xooggaan ka wada dalka Suudaan.

Ila wareedyo uu soo xiganayo wargeyska ayaaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in Imaaraatka Carabta uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso hub uga dhoofiyo maleeshiyaadka RSF ee ka dagaallama dalka Suudaan, halkaasna ay si maalinle ah usoo gaaraan diyaarado sida shixnado hub iyo rasaas ah, iyadoo xilliyada qaar halkii maalin garoonka laga dhoofiyo 5 shixnadood oo hub ah sida ay tilmaameyso warbixintaan.

25/04/2025

๐—ช๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ž๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐˜† ๐—•๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐˜‚๐—น ๐—”๐—บ๐—ถ๐—ถ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐—ฟ ๐—ฎ๐—ต ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ ๐—ž๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎn๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ฎ
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar Xalay saqdii dhexe ka dhacay tuulada Baladul Amiin ee duleedka degmada Wanlaweyn, kaasoo lagu beegsaday guri ay deganaayeen dad rayid ah. Ugu yaraan laba carruur ah ayaa ku dhintay, halka la xaqiijiyay in sidoo kale ay dhinteen labo askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Babkarafta oo la sheegay inay fuliyeen weerarka.
Maleeshiyaadka Babkarafta oo ah ciidamo si gaar ah u tababaran, kana amar qaata Mareykanka, ayaa sheegay in yoolkooda uu ahaa nin sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kaasoo la rumeysan yahay inuu ku sugnaa guriga la beegsaday.
Warar la helay ayaa tilmaamaya in ninka lala damacsanaa weerarka uu sameeyay iska caabin culus, taasoo dhalisay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac. Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada labada askari ee Babkarafta ah, waxaana ninkii bartilmaameedka ahaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday intii lagu jiray israsaaseynta.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday guriga uu ahaa mid si lama filaan ah ku yimid, iyadoo diyaarado helikoptarro ah ay si toos ah rasaas ugu fureen gurigaasi, taasoo sababtay dhimashada carruurta iyo dhaawa haweeney uu qabay ninka lagu sheegey inuu shabaabka ahaa
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM weli k**a aysan hadlin weerarka, balse dadka deegaanka ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, iyagoo ku baaqay in la joojiyo weerarada halista ku ah shacabka aan waxba galabsan.

FG:

25/04/2025

๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ’ช.
Waxaa qarxay dagaalkii la filaayay Pakistan iyo Hinduuska.
ู†ุตุฑ ู…ู† ุงู„ู„ู‡ ูˆูุชุญ ู‚ุฑูŠุจ ุฅู† ุดุงุก ุงู„ู„ู‡ .

25/04/2025

Dowladaha Afrikaanta ah ee ciidamadoodu isbaheysiga ku joogaan Soomaaliya ayaa qarka usaaran in ay ku kala tagaan shir uga socda magaalada Kampala ee caasimadda Uganda.

Madaxweynayaasha qaarkood ayaa ku goodiyay in ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya sababa laxiriira dhaqaalo la'aan iyo zaadkii ciida oo aan laheyn

Hlkaan kala soco waxii ka soo kordho

FG:

Address

Baar Ubax Street
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mukeyle news posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share