02/07/2025
Diyaar ciidan oo ku dhacday garoonka Aadan Abdulle Osman ee Muqdisho
Subaxnimadii Arbacada ayay diyaarad ka sookacday Balidoogle ku dhacday qeybta ciidamada ee garoonka Adan Abdulle Osman.
Diyaaradda oo ay lahaayeen ciidanka nabad ilaalinta ATMIS ayaa waxaa saarnaa 8 qof.
Dan xooggan ayaa ka kacay diyaaradda markii ay dhacday, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, balse lama hubo tirada dhimashada iyo dhaawaca ee shilka.
Dhicitaanka diyaaradda ayaa sababay qarax xooggan oo laga maqlay meelo badan oo ka mid ah Muqdisho.
Qiiqa iyo uurada ka kqcay shilka diyaaradda ayaa saameyn ku yeelatay isku socodka diyaaradaha ee garoonka. Maareeyaha hey’adda duulimaadyada rayidka oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in la xiray qeyb ka mid ah jidka diyaaradaha ku duulaan, waxuuna intaa ku daray in degitaanka diyaaradaha ay si caadi ah u socoto, ayna xaaladda xakameeyeen.
Diyaaradda dhacday ayaa si caadi ah waxay ka soo kici jirtay garoonka Bali Doogle ee shabeelaha hoose.