Socdaal Media Center2

Socdaal Media Center2 IInvestigative reporter, focus on South West issues. All views are mine. Tel:+252615432859

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Wakiilka WFP Isuduwidda Howlaha Gargaarka Wasiirka Arrimaha Dibadda ...
08/11/2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Wakiilka WFP Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho, Mudane Elkhidir Daloum, Wakiilka ahna Agaasimaha Hay'adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee qaabilsan Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyadoo loo eegayo waxyaabaha mudnaanta qaran u leh Soomaaliya, gaar ahaan ka jawaab-celinta xaaladaha bini’aadantinimo, amniga cuntada, iyo horumarka waara.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagu dabooli lahaa baahiyaha bulshooyinka nugul iyo taageeridda barnaamijyada dhisidda adkeysiga ee dalka oo dhan.

Guddoomiye Adan Madoobe oo markii ugu horeysay go'aan diidmo ah qaatay wuxuuna yiri" “Rag rag kale wax ka dayaayo, iyo N...
08/11/2025

Guddoomiye Adan Madoobe oo markii ugu horeysay go'aan diidmo ah qaatay wuxuuna yiri" “Rag rag kale wax ka dayaayo, iyo Naag naag kale wax ka dayeeysa anaga ma rabno. Waana mamnuuc dhaqankaaas”… Gudoomiye Adan Madoobe

ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr Ali Said Fiqi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasii...
08/11/2025

ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr Ali Said Fiqi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Mudane Ali Abdi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Arimo la xiriira Xoojinta nidaamka Maaliyadeed ee Dowladda Koonfur Galbeed , kor u qaadidda Dakhliga Gudaha, iyo Hirgelinta Qorshayaasha lagu Horumarinayo Dhaqaalaha Koonfur Galbeed.

Intii uu kulanku socday, ayaa masuuliyiinta si qoto dheer uga wada hadlay Dardargelinta howlaha Maaliyadeed ee Wasaaradda, Hufnaanta Maareynta Kheyraadka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa nidaam Maamul oo daahfuran oo Waafaqsan Siyaasadda guud ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya oo xilkii ka qaadey Agaasimaha Isbitaalka Gobolka Banaadir wuxuuna u magacaabey...
07/11/2025

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya oo xilkii ka qaadey Agaasimaha Isbitaalka Gobolka Banaadir wuxuuna u magacaabey Mudane Abdirizaak Sharif Ali.

Agaasimaha Guud Wasaarada ganacisga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak Hussein ayaa kulan Muhiim ah l...
06/11/2025

Agaasimaha Guud Wasaarada ganacisga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak Hussein ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay Ms. Asta Bareisaite Madaxa mashruuca “SCALED-UP” ee uu maalgaliyo Bangiga aduuka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa Hirgelinta sharciyo iyo xeerar kala duwan oo fududeeya ganacsiga Somalia gaar ahaan ganacsiyada yaryar & kuwa dhexe “ SME’s”.

Maxmuud Mamdani  oo ah aabbaha dhalay duqa taariikhda ku sameeyay inuu noqday muslimkii u horreeyay ee duq ama guddoomiy...
06/11/2025

Maxmuud Mamdani oo ah aabbaha dhalay duqa taariikhda ku sameeyay inuu noqday muslimkii u horreeyay ee duq ama guddoomiye ka noqda magaalada New York , oo si aqlabiyad leh shalay doorashada ugu guuleystay ayaa la xaqiijiyay inuu sannadkii 1969 helay warqada u oggolaanaysa inuu noqdo muwaadin Soomaali ah, wallow ay taasi suragal noqon wayday markii la afgamiyay dawladdii rayidka oo milatariga uu xukunka la wareegay.

Mamdani, ayaa la sheegay waqtigaa oo Mareykanka uu ku sugnaa inay tuugo ka xadday baasaboorkiisa oo Ugandheys ahaa, waxaana qasab noqotay inuu tago Kampala si baasaboor cusub u helo, markaa uma surageli karin, wuxuuna arrintiisa usoo bandhigay barofeesar Xuseen Maxamed Adam oo loo garan ogaa (Tanzania) , oo ay saaxiibo dhow ahaayeen kaa oo ka caawiyay in loo soo saaro warqada uu ku helayo baasaboorka Soomaaliga, wuxuu markaa Prof. Tanzania ka faa’iideysanayay xiriir qoys oo uu la lahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee xilligaa oo codsi Islaamnimo uu ugu waydiiyay in la caawiyo Mamdani, si dawladdu gacan uga siiso caqabadaha sharci ee uu wajahayo, sida ay baahisay BBC-da oo xiganaysa sheeko xasuus qor ah.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa meelmariyey degmooyinka Ceelbuh & Baraagaha-qol oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo H...
06/11/2025

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa meelmariyey degmooyinka Ceelbuh & Baraagaha-qol oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan, iyada oo dhawaan la filayo in madaxweyne Deni uu kordhiyo saamiga gobolladaas ee xukuumadda & hey'adaha kale ee Dowladda Puntland.

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doono dalka Ukraine, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, ay...
05/11/2025

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doono dalka Ukraine, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy.

Dawladda Hoose Gaalkacayo ee Galmudug ayaa hambalyo udirtay Maayirka Dib loo doortay ee Mineapolis,Jacop Frey.Maamulka G...
05/11/2025

Dawladda Hoose Gaalkacayo ee Galmudug ayaa hambalyo udirtay Maayirka Dib loo doortay ee Mineapolis,Jacop Frey.

Maamulka Galmudug ayaa noqday Somaalidii ugu horreysay ee hambalyaysa Jacop Frey.

War Rasmi Ah : Jacop Farey ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashada duqa Magaalada Minneapolis. Wiilka Soomaaliyeed Om...
05/11/2025

War Rasmi Ah : Jacop Farey ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashada duqa Magaalada Minneapolis.

Wiilka Soomaaliyeed Omar Fatah waa laga guuleystay, iyadoo la og yahay in Soomaalida ay qeyb ka yihiin dadka ugu badan ee magaalaas ku nool.

Jacop Farrey duqa cusub ee Minneapolis

Liiban wuxuu kamid ahaa shaqsiyaadkii doorashada Minneapolis xiisaha u yeelay oo reer koraadkii isku haystay nin cadaan ...
05/11/2025

Liiban wuxuu kamid ahaa shaqsiyaadkii doorashada Minneapolis xiisaha u yeelay oo reer koraadkii isku haystay nin cadaan ah ayaa guusha loo saadalinayaa.

05/11/2025

Jacob Frey oo u mahadceliyay Soomaalida u codeysay.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Socdaal Media Center2 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share