Deeq Axmed

Deeq Axmed Ha damin laga yaabee in aad iftiin
U tahay Qof kale

Malmaha adag oo ad ku sabartaa waxey la mid tahay, adigoo dhimbilo holcaya gacmaha ku heesta,wax waliba oo qaraar waxey ...
26/11/2025

Malmaha adag oo ad ku sabartaa waxey la mid tahay, adigoo dhimbilo holcaya gacmaha ku heesta,wax waliba oo qaraar waxey leeyihiin waqti,taas cagsigeeda wax waliba oo qurxoon waxey leeyihin waqti, ma jiro xanuun sii waaraayo,mana jiro qurux sii waareyso,waxan keliya huba in banii adamku ay dumiyan wax kasta oo qurxoon, ad bey u xun yihiin banii adamku, waxey caqabad ku noqdan riyooyin jira ,waxey caqabad ku noqdan kuwa ifka isku jeclaaa, aad bey u xun yihiin banii adamka qaarkiis markaad aragto habka ay u dhaqmayaan waxaad ogaaneysaa sababta uu Alle u abuuray Naarta, qofkasta waxan leeyahy sabar waayo adiga ayaa noqon doona qofka guuleesta ugu danbeyntii, dulmiga waxaa ka xoog badan sabarka, ha murgin
Deeq Axmed 26/11/2025

Qof walibaa wuxuu doonaayoHaloo daayo Dareemaha yaan laga dilin Aduunku waa maalmo kobaneeHaloo daayo dooqiiisa Gabar wa...
24/11/2025

Qof walibaa wuxuu doonaayo
Haloo daayo
Dareemaha yaan laga dilin
Aduunku waa maalmo kobanee
Haloo daayo dooqiiisa
Gabar waliba gayaankeyg
Jeceshahay yaan laga oodin
Xadiiskiyo quraanku waxey
Diiideen yaan daawo laga dhigin
Maalmo danbe iyo waxaa jira xisaabe
Waa iga dar daaraneee qof walibaa
wuxuu doonaayo haloo daayo
Deeq Axmed

Marka h**e, waxaan u mahad celinayaa Alle subxaanahu watacalaa, Kaas oo ii suurtageliyay tarjumaadda buugga "مدينة لا تن...
22/11/2025

Marka h**e, waxaan u mahad celinayaa Alle subxaanahu watacalaa, Kaas oo ii suurtageliyay tarjumaadda buugga "مدينة لا تنام", oo afkeenna hooyo uu noqonaya Magaalo Aan Seexan.

Buuggan, haddii Eebbe idmo wuxu si rasmi ah u soo bixi doonaa 20/1/2026. Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa dhammaan dadka igala qayb qaatay soo saaristiisa. Ehel, asxaab iyo cid walba oo garab igu siisay tarjumaaddiisa. Waxaana leeyahay abaalkiinna Eebbe ha idiin siiyo, isaga oo laba jibbaar ka khayr badan intaad qabateen.

Magaalo Aan Seexan, iyagu ma imaanayaan, xitaa haddii ay maqlaan oohinta xarafka iyo gariirka warqadda.
Haddii ay doonayeen inay joogaan, markii horaba ma ay tegi lahayn.

Mahadsanidiin dhamaantiin.
Deeq Axmed

Dareenka hablaha hala ilaaliyo Waxey isku barteen si kadis barta snapchat, barasho aan cidna sii sawiran waxaa bilawday ...
19/11/2025

Dareenka hablaha hala ilaaliyo

Waxey isku barteen si kadis barta snapchat, barasho aan cidna sii sawiran waxaa bilawday fariimo aad modid in lasii diyaariyay,qosol iyo dhoola cadeyn dareenkeda wadata, waxaa bilawday saaxitinimo aan cidna go aamin bilawgeda, waxaad moodaa in labada qof ey horay isku yaqiineen,is fahamka ka dhex abuurmay darteed, waa dareen dagay qalbiyada dhambaalada la is dhaafsanaaye waxey ahayen kuwa ashqaraar leh, waxa si kadis ah oo cidna fileyn u abuurmay, waxa uu noolaha oo idil ugu doonis badan yahay, jaceyle lagu xardhay daacadnimo iyo ixtiraam,

Waxaa bilawday in la kulmo waliba guriga gabdha, gabdha hooyadey aad bey u soo dhaweysay jaceelkaan ugubka ah,barasho iyo ixtiraama,waxaa halkiisa ka koraya jaceylkii walib xawaare aan macqulgal aheyn, waxaa sii siyaaday ixtiraamka ka dhaxeeyo labada lamaane, waxey aas aaseen nolal ku tiirsan is ilaalin iyo wadatashi, in la iska danbeeyo waxey u noqotay rugniga ugu weyn ey leeyihiin, jaceylka iyo guud ahaan nolasha waxaan ka marneen qilaafka iyo gafka, mar waliba oo la isku dhaco waa la wada hadli jiray ayadon caadifad iyo caro jirin,

Wuxuu xariirkas socday sanad buuxa, wali ma harin oonkii ay isku qabeen, habiin waliba waxaa la naqshadeeyaa oo lasii sawirtaa qaabka ay nolashooda u ekaan doonto kadib marka ay is guursadaan, dhambaalada la is dhaafsanaayo waa kuwa ku qotomo jacel iyo iska farxin, waxaa intas u dheeraa kaftan qaan gaaray oo ka dhaxeeyay labadooda, nolasha dhankoda waa u biseyl, waxey ku jiraan jawi cid waliba ay ku hamineyso,ashkharaarka uu leeyahay dartiis,

Waxaa bilawday maalmo aan cidna sii saadaalin
Gabdha aabahed wuu geeriyooday, waxaana ka weyn dhowr wiilal, mid ka mid ah wiilasha oo dagan dal ka mid ah qaarada africa gar ahaan south africa, ayaa dhowr mar yiri nin bn kuu hayaa, gabadhane wey diidi jirtay, banii adamku waxa quruxda badan ma eegi karaan wey dumiyan aaqirkii,waxaa dhacday in habiin si kadis ah u soo wacay gabdha kuna dhahahy nin baan ku siiyay, ileen wali waxaa danbeeya dad dumarka ka faaideysta oo iib geeya, maadaba danahooda ay ka dhex arkeen qofka aay u keenen gabdha,

Waxaa halkas ka sii bilawday mugdigii gabdha iyo wiilka ay is jeclaayen kala geyn lahaa, cagaftii bur burineysay jaceylka waxaa darawal ka noqday walalked waxaana shidaalka ugu shubay oday adeerked ah, aaba la aanto waa ciil iyo damaqasho, waa tiir haduu dumo ay dumeyso nolashaada iyo farxadeeda, gabdha waxaa halkeda ugu socda murugtii oo markaan sii siyaaday,

waxey go aansatay in ay fariin u qorto walalked
Dhambaal lagu qoray ilmo aay ka buuxan biyo iyo wadno garaaciisa iyo guuxiisa ad lo maqlaayo iyo faro dhididku xadkiisa dhaafay,waxeyna u raacisay sunta dooliga ay soo iibsatay, bal si uu ugu naxo oo darenkeeda u ilaaliyo kana tanaasulo,ninka uu ka iibsan rabo,ileyn ma dhihi karno jaceyl uu u qabo ayuu u siiyay, kadib markiii fariinta gaartay,wuxuu ku yiri naa heedhe meel fadhiiyo aniga nin bn ku siiyay naag la qabaa tahay oo marwaa?

Gabdhii aad bey u qalbi jabtay waxeyna gashay xaalad aan qofna qiyaasi karin, waxaana halkas kula sii kacay sheydaamo ay qabi jirtay, waxaa halkas ka bilawday murugo aan miisan la saari karin mugo aay xambarsan tahy awgeed,quraan iyo duco kadib waxaa dib u soo laabtay gabdhii,
Xaalku halkan ayuu marayaa, wana wax aan sii sugi doono waxa xiga qisadan anigaa goob joog u ah waxeyna ka dhacday Mogadishu

Dumarka dareenkoda yaan laga ganacsan nin waliba oo ku takri falo awood uu alle siiyay maalin bey hor imaan doontaa waxa uu ku dheelay, hablaha doorashadooda hala tex galiyo oo yaan lagu qasbin waxad rabtin, cida guursaneyso adinka maaha waa ayaga, ragu si waliba ay u fiican yihinn marka aay guri la galaan hablaha wey is badalan, yaan la hoos geyn dumarka cid aysan rabin oo aysan u heyn jaceyl iyo muxibo,

Dareenka dumarka hala ilaaliyo
Deeq Axmed

Ixtiraamka aan dadka siino waa muraayad ka tarjumaysa heerka aad taagan tahay. Ma aha in aan eegno cidey yihiin, waxa ay...
15/11/2025

Ixtiraamka aan dadka siino waa muraayad ka tarjumaysa heerka aad taagan tahay. Ma aha in aan eegno cidey yihiin, waxa ay aaminsan yihiin, ama halka ay ka yimaadeen. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in loola dhaqmo si sharaf leh, sababtoo ah ixtiraamku waa dhaqanka ugu muhiimsan ee naga dhigaya bini’aadam dhab ah. Marka aan qof ixtiraamno, waxaan muujineynaa anshax, dadnimo, iyo in aan fahamsanahay qiimaha ay leedahay naxariista guud ee bani’aadamka oo dhan
Deeq Axmed @

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa isoo badanaya dhacdooyin aan h**e looga baran dhulka Soomaaliyeed, dhacdooyin murugo,iyo ...
13/11/2025

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa isoo badanaya dhacdooyin aan h**e looga baran dhulka Soomaaliyeed, dhacdooyin murugo,iyo amakaag leh.

Waxaa caadi noqday in qof banii’aadam ah si ula kac ah dab loo qabadsiiyo, iyadoo sabab kasta oo la sheegto aanay marnaba ka dhigeyn falkaas mid la aqbali karo.

Waa calaamad muujineysa hoos u dhac xagga naxariista, insaaniyadda, iyo Diinta. In qof banii adam ah dab la qabadsiiyo, waxay astaan u tahay dhaawac ku yimid qiimihii nolosha iyo dareenkii bani’aadantinimo ee bulshada dhexdeeda.

Waxaase la gudboon qof kasta oo damiirkiisu nool yahay inuu ka dhiidhiya, ka fikiro sababta aan u noqonnay bulsho daawaneysa gubashada naf kale, naf ay diinteennu tiri “Qofkii si xaq darro ah u dilo qof, waxa ay lamid tahay inuu dilay dadka oo dhan.”

Nolosha waa hadiyad, qofna xaq uma laha inuu dilo,dhaawaco,gubo,kufsado naf kale oo Alle weyne karaameyay, qof waliba oo dhibaateyay banii adamka naftiisa,maalkiisa,sifo an sharci aheyn, ha u xigsan walalnimo,ehel ahaan,iyo qabiil ahaan, hadii aan nahay umada Nabi Maxamed ﷺ waxaan la jirnaa oo ehel inoo ah cadaalada iyo kitaabka Eebe, oo keliya,u hiiliya cadaalada

Alle wuxuu yiri
(وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا)

Qofkii si ula kac ah u dilo qof mu’min ah, ciqaabtiisu waa Jahannamo, wuuna ku waari doonaa abid, Eebbana wuu ka cadhooday, wuu lacnadeeyey, wuxuuna u diyaariyey cadaab weyn.

Mar kale Alle weyne wuxuu yiri

مِنْ أَجْلِ ذَٰلِكَ كَتَبْنَا عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنَّهُ مَن قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا ۚ وَلَقَدْ جَاءَتْهُمْ رُسُلُنَا بِالْبَيِّنَاتِ ثُمَّ إِنَّ كَثِيرًا مِّنْهُم بَعْدَ ذَٰلِكَ فِي الْأَرْضِ لَمُسْرِفُونَ,

Faldembiyeedkan dilka ah sababtiisa ayaynu ugu jidaynay reer Banii Israa'iil in qofkii u dila naf sabab aan qisaas ahayn ama aan ahayn fasahaadinta dhulka nooc kasta oo fasaadka ka mid ah ee keenaya dil sida shirkiga iyo burcadnimada, in uu la mid yahay qof dilay dadka oo idil;

waayo waxaa xagga Alle uga waajibtay ciqaab wayn, qofkii bedbaadiya naf uu Alle xarrimay dilkeeda waxa uu la mid yahay qof nooleeyay dadka oo idil; waayo dhowridda xurmada hal qof waa dhowridda xurmada dadka oo idil.

Wallee rususheennu waxay ula timid reer Banii Israa'iil xujooyin iyo tusaalayaal tusinaya saxnimada wixii ay ugu yeereen oo ah rumaynta Rabbigood, iyo gudashada wixii lagu waajibiyay, intaa dabadeed ayaa in badan oo iyaga ka mid ah kolka ay rusushu u timid kadib waxa ay ka tallaabeen soohdimaha Alle oo waxay sameeyeen wixii uu Alle xarrimay, wixii uu farayna way ka tageen.

Waa laba dhacdo sawiradan oo an u dhaxeyn malmo badan
Deeq Axmed

Malmuhu wey is badalayaan, waxaa hubanti ah Subax waliba in aadan kuso Kaceyn caafimad iyo Taam ahaansho, kuwa kula mid ...
08/11/2025

Malmuhu wey is badalayaan, waxaa hubanti ah Subax waliba in aadan kuso Kaceyn caafimad iyo Taam ahaansho, kuwa kula mid ah ayaa jiifa Hospital ka, kuwa kale waxaa loo sii wadaa Gurigooda saxda ahaa, qaarbaa ayagoo garaab ah Loo so wadaa hospital ka, dhacdooyinka marna Ma maqna, ee bal subax waliba qof walalka ah Ayey heysataa, yeysan ku sirin malmaha qurxoon Waxa jiri doono maalma adan ogaan doonin waxa Ka socdo hareerahaaga, garan meysid xiliga ad la Kulmeysid,geerida ,shilka, dhaawaca, Naafanimada , ee u diyaar garow la kulanka Rabigaa had iyo jeer,
Deeq Axmed

Waddada xalaasha ah waxaa ka jira dhib ay ragga uun qaadi karaan, waxay qaadaan culaysyo naf iyo jidhba ka baxsan, iyaga...
26/10/2025

Waddada xalaasha ah waxaa ka jira dhib ay ragga uun qaadi karaan, waxay qaadaan culaysyo naf iyo jidhba ka baxsan, iyaga oo aan cabasho lahayn, iyaga oo og in kasbashada xalaasha ahi ay leedahay barako iyo sharaf, waxaan hubaa in haweyn badan ay heleen lacag ka timid dhiig la daadiyay iyo fara go ay, iyo cidiyo baxay. U mahad celiya ragiina ma ogidiin waxa ay ku sugan yihiin iyo halka ay wax ka keenaan nabad galyo korkiina ha ahaato raga qaaday wadada xalaasha ah
Hablow ragiina idin maqan u naxariista u naxariista
Deeq Axmed

,,H**e adigaa ii ahaa nabad, haddana adigaa ah Waxa i cabsi geliya,,Deeq Axmed
18/10/2025

,,H**e adigaa ii ahaa nabad, haddana adigaa ah Waxa i cabsi geliya,,
Deeq Axmed

Halka ugu fiican ee aan laga rajo dhigin,Deeq Axmed
13/10/2025

Halka ugu fiican ee aan laga rajo dhigin,
Deeq Axmed

Audio 👨🏿‍💻Deeq Axmed
13/10/2025

Audio 👨🏿‍💻
Deeq Axmed

Yaa Allahمع الذين أنعم الله عليهم من النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقاDeeq Axmed
13/10/2025

Yaa Allah

مع الذين أنعم الله عليهم من النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقا
Deeq Axmed

Address

Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Deeq Axmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share