Deeq Axmed

Deeq Axmed Ha damin laga yaabee in aad iftiin
U tahay Qof kale

25/08/2026

Daji qalbigaaga

“Waxaan si xad dhaaf ah ugu mashquulnay fikirka iyo ka welwelka arrimaheenna, ilaa aan illoownay in wax kasta oo nagu dhaca horay loo sii qoray. Waxaan ku sii dheeraannay walwalka iyo murugada, ilaa aan illoownay in uu jiro Alle weyne og arrimaheenna. Waxaan ka baqaynaa mustaqbalka, annagoo hilmaamnay in wax walba oo nolosheenna ku saabsan ay ku jiraan gacanta Alle.

Waxaan sidoo kale aad uga welwelnay waxa ay dadku naga yeeli karaan, annagoo illaawnay in haddii dhammaan insiga iyo jinnigu isku dayaan inay wax ku yeelaan, aysan waxba ku yeeli karin,
Ilaa wax uusan Alle kuu qorin,

waxaan ka cabsaneyna banii adamka, ilaa an illaawnay cabsida Alle, Sidaas darteed, qalbigaaga deji oo Alle ku kalsoonaaw. Waxa kuu qoran way kuu iman doonaan, waxa aan kuu qorneen ne weligaa ma heli doontid.”

Deeq Axmed

"Dhabarkaaga mooyee, cid kale ma xamisho culeyskaaga. Dadka badankood waxay rabaan oo keliya inay maqlaan/ ogaadaan shee...
03/08/2026

"Dhabarkaaga mooyee, cid kale ma xamisho culeyskaaga. Dadka badankood waxay rabaan oo keliya inay maqlaan/ ogaadaan sheekadaada. Oo keliya "

Deeq Axmed

21/07/2026

Wax walba waan arkay, ma arkin wax ka qurux badan nabadda. Waxaa si isla eg u koraya aadamaha, dhirta, dhulka, daaraha,waddooyinka, iyo dhammaan noolaha kala duwan ee nabaddaas ku hoos nool. Dal walba oo gaaray horumar iyo wax la taaban karo, wuxuu ku gaaray nabad,

nabaddu waxay soo saartaa tamarteenna iyo caqligeenna kuwooda toosan. Dhammaan noolaha kala duwan ee dunida ku nool waxay ka siman yihiin rabitaanka nabadda iyo xasilloonida.
☮️ ❤️
Deeq Axmed

Kullu Caam Wa Antum Bil Khayr.​Caawa waxaynu si rasmi ah u galnay sannadka cusub ee Islaamka ee 1448-ka. Waa shan iyo to...
15/06/2026

Kullu Caam Wa Antum Bil Khayr.

​Caawa waxaynu si rasmi ah u galnay sannadka cusub ee Islaamka ee 1448-ka. Waa shan iyo toban qarni ku dhowaad tan iyo maalintii uu Rasuulkii Alle, Nebi Muxammad (Calayhi Salaatu Wasalaam), uu kasoo hijrooday magalada Makkah una soo hijrooday magalada Maddinah.
Dhacdadaas masiiriga ahayd waxay ahayd barta ay ka dhalatay dowladdii iyo ilbaxnimadii Islaamka ee iftiisay caalamka, taas oo badashay taariikhda aadanaha.

​Haddaba, waxaa mudan in la is weydiiyo su'aal. Maxay tahay sababta marka uu dhasho Sannadka Cusub ee Miilaadiga ah ay madax iyo shacabba ugu dabbaaldegaan, uuna ugu noqdo ajande weyn oo la hadal hayo; halka Sannadka Cusub ee Hijriga oo ah aqoonsigeenna rasmiga ah iyo udub-dhexaadka taariikhdeenna aynu si fudud u dhaafno, oo xataa badankeenna aysan niyaddaba ugu soo dhicin?

​Waa xaqiiqo xanuun leh in aynaan u weynayn kalandarka Hijriga siday mudnayd iyo si u dhiganta qiimaha uu inoo leeyahay. Tani waxay calaamad u tahay in "hiigsigii" iyo "dhaqankii" dadka kale uu inagu dhex weynaaday, halka kii asalka iyo hiddaha inoo ahaa uu inagu noqday mid ku kooban taariikh buugaagta ku dhex jirta oo keliya. Wey haboon tahay inaan dib u midayno dareenkeenna iyo taariikhdeenna, si aan kor ugu qaadno aqoonsigeenna, mid guud iyo mid gaar ah intuba

​كل عام وأنتم بخير
Deeq Axmed

Mar walba balan qaadka rabbi waa halkiisii.Culays kastaa fudayd baa ku xiga, Hadii uu kaa xirmo hal albaab oo aad rajo k...
12/06/2026

Mar walba balan qaadka rabbi waa halkiisii.
Culays kastaa fudayd baa ku xiga, Hadii uu kaa xirmo hal albaab oo aad rajo ka qabtay iyo guulo, ogow waxaaa kuu furmaya albaaba kale oo adan ogeyn,

Omar Abdulkadir Artan

Alxamdulillah, waxaan si guul leh u dhammaystiray koorsada caalamiga ah ee "Voluntary National Reviews (VNR) and the Hig...
05/06/2026

Alxamdulillah, waxaan si guul leh u dhammaystiray koorsada caalamiga ah ee "Voluntary National Reviews (VNR) and the High-level Political Forum" ee ay bixiso akademiyada FAO elearning Academy ee Qaramada Midoobay.

Koorsadan rasmiga ah waxay si gaara u falanqeysa nidaamka "Voluntary National Reviews (VNR)", kaas oo ah habka ay waddammadu ku qiimeeyaan kuna soo bandhigaan horumarka ay ka sameeyeen Yoolalka horumarka Waara (SDGs) ee Ajandaha 2030. Waxay xoogga saartaa sidii loo qaabayn lahaa siyaasado wax ku ool ah, oo isku xira nidaamyada beeraha iyo cuntada, iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal loo dhan yahay oo heer qaran ah.

​Waxaan u mahadcelinayaa Allaha oo ii sahlay ka qeeb galka iyo dhamestirka koorsadan, sidaas oo kele waxan u mahad celinayaa nafteyda oo muujisay dadaal iyo dhabar adeeg markale mahadsanid nafteydaay,

waxbarashadu malahan dhamaad, qof waliba oo dhalinyara waxan leeyahay walal fursadaha waxey yeelan sariirtada korkeda, ma jirto sabab ad u cabato, ma jirto sabab aad u fadhido, hal sadarba Allaha ka dhigee wax un maalintada ku kordhi, cilmigu wuu is koraa ee adigu bilaw xitaa hal xaraf 🎓✨
Deeq Axmed
​

Ninka raga ah waxaa laga doonayaa in uu barto dhaqidda iyo feeraynta dharkiisa, iyo sidoo kale hagaajinta qolkiisa. Waa ...
21/05/2026

Ninka raga ah waxaa laga doonayaa in uu barto dhaqidda iyo feeraynta dharkiisa, iyo sidoo kale hagaajinta qolkiisa. Waa in uu yaqaannaa sida loo karsado wax uu gaajada iskaga difaaco, wax kasta oo ay yihiinba. In uu intaas barto cid kale waxba u tari meyso, ee waxay anfacaysaa naftiisa oo keliya.

​In aad howlahaga gaarka ah qabsatid ma aha sunno (ama doorasho), ee waa waajib kugu saaran. Xitaa marka aad xaasle tahay, waxay muhiimad weyn kuugu leedahay in aad naftaada wax u qabsan kartid; sababtoo ah ma jirto cid uu Alle u xilsaaray in ay adeegto qof kale.
Deeq Axmed

Yaan taagernaaNin kasta oo xil iyo meel sare raba, wuxuu shidaal iyo gaari ka dhigtaa dhiigga iyo dheecaanka dhalinyarad...
16/05/2026

Yaan taagernaa

Nin kasta oo xil iyo meel sare raba, wuxuu shidaal iyo gaari ka dhigtaa dhiigga iyo dheecaanka dhalinyarada Soomaaliyeed. Masuul kasta, marka uu waayo dantiisa gaarka ah, wuxuu masraxyada ka yiraahdaa: 'Waa in dhalinyaradu soo baxaan oo xaqooda dhacsadaan!'

​Marna ma dhacayso in siyaasigu qori qaato oo uu aag ka galo dagaal kasta oo jira, xitaa kan dalka lagu difaacayo. Waxa is dilaaya waa dhalinyaro aan garanayn waxa ay isku dilayaan. Nasiib wanaag, dhalintu maanta waa ay fahmeen caqliga iyo tabaha kuwa isku tilmaamay siyaasiyiinta dalka.

​Intaas ka dib, yaan taageernaa? Ma waxaan taageernaa kuwa maanta cabanaya ee xil doonka ah? Ma waxaan taageernaa kuwii shalay cabanayay ee maanta xilka haya? Mise waxaan taageernaa kuwii xilka haayay shalay ee maanta cabanaya? Yaan aaminaa? Ma waxaan aaminaa adinka (siyaasiyiinta maanta)? Ma waxaan aaminaa kuwii shalay u hadli jiray sida aad maanta u hadal macaan tihiin, haddana markii ay kursiga ku fadhiisteeny inooga daray oo dabka nagu shubay?"
Deeq Axmed

Waxan rajeynaa in ad kaso qeeb gali doontiin Alle idinkiii Deeq Axmed  Qalinbila
13/05/2026

Waxan rajeynaa in ad kaso qeeb gali doontiin Alle idinkiii Deeq Axmed
Qalinbila

Ilaali SumcadaadaWaxa ugu weyn ee dunida saaran waa naftaada, waxa ku xigana waa sumcadaada, waayo labadani waa tiirarka...
09/05/2026

Ilaali Sumcadaada

Waxa ugu weyn ee dunida saaran waa naftaada, waxa ku xigana waa sumcadaada, waayo labadani waa tiirarka qofka ka dhiga mid qiimo leh oo dunida raad ku leh. Si kasta oo aad maal u leedahay iyo magac weyn, marna sharaf ma lihid haddii ay sumcadaadu dhaawacan tahay ama aad tahay qof aan garanayn inta uu le’eg yahay qiimaha uu u qalmo.

Qiimahaagu wuxuu ka bilaabmaa gudahaaga iyo sida aad adigu naftaada u ixtiraamto, waayo haddii aadan adigu naftaada meel sare dhigin, dadku marna kuuma aqoonsan doonaan qof qiimo leh marka aad garato qiimahaaga, waxaad si dabiici ah u bilaabaysaa inaad ilaaliso sumcadaada, taas oo ah dhaxalka kaliya ee sii noolaanaya xitaa geeridaada ka dib.

Adduunka waxaa laga sheekeyn doonaa waxyaabihii wanaagsanaa iyo kuwii xumaa ee aad qabatay labaduba, laakiin dadka taariikhda xustay badana waa kuwii lahaa sumcadda wanaagsan oo keliya, maadaama sumcaddu ay ka weyn tahay hantida, quruxda, iyo wax kasta oo kale oo dunida saaran. Markaad isku darsato inaad naftaada qiimayso iyo inaad sumcadaada dhowrto, waxaad dhisaysaa sumcad aan la loodin karin, taas oo ku dhex noolaan doonta quluubta dadka iyo xusuusta taariikhda
Deeq Axmed

Address

Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Deeq Axmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share