Gaylen Tv

Gaylen Tv Waxaa halkan idinkugu soo gudbin dona tabintena tooska ah ee Bariga dhexe Xaalada Falastin iyo israil

09/10/2023

DEG DEG: Austria ayaa ku dhawaaqday inay hakisay $20 milyan oo kaalmo ay sii jirtay Falastiin, go’aankan waxay ku sheegeen inay uga jawaabayaan weerarrada Xamaas ee Israa’iil.

Dhinaca kale , Jarmalka ayaa isagana hakiyay kaalmadii Falastiin, iyagoo sheegay inay sidoo kale dib u eegis ku sameynayaan taageerrada ay siiyaan Falastiin.

09/10/2023

DEG DEG: Garoonka diyaaradaha Hamburg ee Jarmalka ayaa hakiyay duullimaadyadii ka dib markii hanjabaad lagu weerarayo ay uga timid Iiraan, sida ay sheegtay Reuters.

09/10/2023

DEG DEG: Madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee Qaza, wuxuu sheegay xaalad masiibo ah oo 20 sanno uusan arag inay maanta ku jirto Qaza, kaddib duqeymihii aan k**a sooca lahayn ee Israa’iil ay ku garaacayso Qaza, wuxuu intaa ku daray kaliya 5 ka mid ah kooxda gurmadka deg deg ah inay duqeynta maanta ku dhinteen.

09/10/2023

DEG DEG: Israa’iil; “Waan sii wadi doonnaa duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo Qaza mana joogsan doonaan illaa ay dib u helayaan xasillooni Israa’iiliyiinta.”

09/10/2023

DEG DEG: Ururka Xamaas ayaa sheegay in duqeynta Israa’iil ay ka geysatay Qaza ay keentay inay ku dhintaan 4 maxbuus oo Israa’iili ah iyo dagaalyahannadii afduubtay.

09/10/2023

UPDATE: 4 askari ayaa ku dhaawacmay is-rasaasayn dhexmartay ciidan ka wada tirsan kuwa Israa’iil, xadka dalka Lubnaan oo ay xiisad ka taagan tahay.

Is-rasaasaynta ayaa timid markii gaari ay la socdeen ciidanka israa’iil uu si xawaare sare leh uga gudbay bar gaadiidka lagu hubiyo isagoon wax war galin ah siin ciidanka goobta ku sugnaa.

09/10/2023

DEG DEG: Wasiirka caafimaadka Falastiin, ayaa caalamka ugu baaqay inay ka hortagaan duqeymaha Israa’iil ay ku beegsanayso iskuullada ay gabaadka ka dhigteen dadkii ka qaxay dhismayaashii ay degganaayeen , xarumaha caafimaad iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah.

UPDATE: Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ku geysatay suuq ku yaalla xerada Jabalia waqooyiga qaybt...
09/10/2023

UPDATE: Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ku geysatay suuq ku yaalla xerada Jabalia waqooyiga qaybta Qaza.

09/10/2023

DEG DEG: Wasiir Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant ayaa sheegay in go'doomin buuxda ku samaynayaan Qaza, wuxuu shaaciyay in ay jarayaan Korontada ayna xirayaan meelaha cuntada iyo shidaalku ay soo maraan.

Tallaabadan ayuu sheegay inay qeyb ka tahay dagaal ay kula jiraan Falastiiniyiinta oo uu ugu yeeray ‘bahalo’.

09/10/2023

DEG DEG: Daraasiin gantaallo ah oo laga soo riday Qaza ayaa markan ku wajahan ku dhawaad ​​dhammaan bartamaha Israa'iil ilaa koonfurta Tel Aviv,sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil

09/10/2023

UPDATE: 510 Falastiiniyiin ah ayaa ku geeriyooday 2,750 kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ee maalintii saddexaad ka socda Qaza, sida laga soo xigtay kooxaha caafimaadka:

09/10/2023

UPDATE: Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta dhammaan magaalooyinka ku xeeran Qaza, oo tan iyo Sabtidii ay ka dagaallamayeen Xamaas.

Hadal ay ka soo xigatay warbaahinta Israa’iil, afhayeenka ciidamada Israa’iil ,Daniel Hagari wuxuu sheegay in hadda aysan jirin wax dagaal ah oo ka socda gobolka, isagoo intaas ku daray: “Waxaa suurogal ah in weli deegaanka ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Fastiiniyiinta.”

09/10/2023

UPDATE: Afhayeenka ciidanka Israa’iil: “Waxaan shaqaaleysiinay 300,000 oo ciidanka kayd ah 48 saacadood gudahood”

09/10/2023

DEG DEG: Inta badan dadka degganaa magaalooyinka Israa’iil ee ku yaalla xadka Lubnaan ayaa ka baxay guryahooda, raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa sheegay.

09/10/2023

Gaylen Tv
UPDATE: “Tabar darida ciidanka Israa’iil iyo inay sirdoonka ku guul-darraysteen waa mid cad,” wargeyska Israa’iil ka soo baxa Haaretz, ayaa boggiisa ku daabacay.

7 bishan October , markii uu billowday weerarka Xamaas, waxaa lagu tilmaamay taariikhdaa inay ugu biirtay maalmihii ugu xumaa Israa’iil, oo ku dhawaad nus qarni mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa kala kulmaysa Xamaas,xilli dagaalka uu maalintii saddexaad galay ciidanka Israa’iilna ay soo gaari layihiin goobihii laga qabsaday maalintii koowaad ee dagaalka.

09/10/2023

DEG DEG: Ciidamada Israa’iil ayaa taangiyo iyo madaafiic culus geeyay 20 goobood oo ku yaalla xadka marinka Qaza, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay.

09/10/2023

DEG DEG: Guutada Al-Qassam ee Xamaas ayaa maxaabiis ahaan u qabtay koox cusub oo ciidamada Israa’iil ka tirsan, ka hor wuxuu iska hor imaad ku dhex maray xadka marinka Qaza uu la wadaago Israa’iil, sida warar Aljazeera laga soo xigtay ay sheegeen.

09/10/2023

DEG DEG: Bangiga dhexe ee Israa’iil ayaa shaaciyay inuu u baahanyahay $30 bilyan oo ku bixinayo deymaha gudaha, lacagtaa ayuu ku soo beddelan doonaa lacagta Israa’iil ee shekel , waa markii u horreysay oo Bangiga dhexe ee Israa’iil uu tan sameynayo, iyadoo loo sababeeyay hoos u dhaca ku yimid lacagta maxalliga ah oo 1 shekel lagu sarifayo 0.26 dollar.

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gaylen Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gaylen Tv:

Share