Ururka Iskaashatada Dhalinyarada Somaliyeed-IDS

  • Home
  • Ururka Iskaashatada Dhalinyarada Somaliyeed-IDS

Ururka Iskaashatada Dhalinyarada Somaliyeed-IDS Waxaan u taaganahay horumarinta dhalinyarada, adeegga bulshada, iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan. 🇸🇴

  dambe diyaar ahaada sxbylUDS is inviting you to a scheduled Zoom meeting.Topic: UDS's Zoom MeetingTime: Sep 13, 2026 0...
12/09/2026

dambe diyaar ahaada sxbyl

UDS is inviting you to a scheduled Zoom meeting.

Topic: UDS's Zoom Meeting
Time: Sep 13, 2026 06:00 PM London
Join Zoom Meeting
https://us06web.zoom.us/j/87108806197?pwd=aKyJnNGXA6cxK3CYvwKh4KalpcMB21.1

Meeting chat link
https://us06web.zoom.us/launch/jc/87108806197

Meeting ID: 871 0880 6197
Passcode: 228188

---

One tap mobile
+16465588656,,87108806197 #,,,,*228188 # US (New York)
+16469313860,,87108806197 #,,,,*228188 # US

---

Join by SIP
[email protected]

Join instructions
https://us06web.zoom.us/meetings/87108806197/invitations?signature=6S3ee_eroUEG0VVD4ua_zY7wvn1F-yy3qzTqu3QLm1c

HAMBALYO IYO BOGAADINKu: Sadro IbrahimUrurka Iskaashatada Dhalinyarada Soomaaliyeed (IDS) wuxuu si kal iyo laab ah ugu h...
22/08/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN

Ku: Sadro Ibrahim

Ururka Iskaashatada Dhalinyarada Soomaaliyeed (IDS) wuxuu si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa Sadro Ibrahim, oo ka tirsan xubnaha ururka, guusha weyn ee ay ka gaartay Imtixaanka Qaranka, kadib markii maanta la shaaciyay natiijada, iyadoo si heer sare ah uga dhex muuqatay ardaydii ku guuleysatay Imtixaanka Qaranka.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalkaaga, dulqaadkaaga, go’aankaaga adag iyo riyadaada waxbarasho. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aad ka mid tahay gabdhaha kartida iyo hal-abuurka leh ee Ururka IDS.

Hambalyo mar kale, Sadro Ibrahim! 🎓🎉
Guushaadu waa guusha Ururka IDS.

20/08/2026

Laaanta Laascaano ee Ururka Iskaashatada Dhalinyarada Somaliyeed-IDS oo olole wacyigalin caafimd kasameyay suuqayada magalo madaxda Waqooyi Bari State House e laascano

IDS oo Laascaanood ka sameeyay Olole Wacyigelin Caafimaad iyo NadaafadeedLaascaanood, Soomaaliya | Ururka Iskaashatada D...
14/08/2026

IDS oo Laascaanood ka sameeyay Olole Wacyigelin Caafimaad iyo Nadaafadeed

Laascaanood, Soomaaliya | Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS) ayaa magaalada Laascaanood ka sameeyay olole wacyigelin caafimaad iyo nadaafadeed, kaas oo bulshada lagu baraarujinayay muhiimadda ay nadaafaddu u leedahay caafimaadka iyo nolol wanaagsan.

Ololaha ayaa lagu xoojiyay wacyiga bulshada ee ku aaddan nadaafadda deegaanka, gacmo-dhaqashada, isticmaalka biyaha nadiifka ah, ilaalinta caafimaadka iyo ka qaybqaadashada dadaallada lagu horumarinayo nadaafadda bulshada.

Intii uu ololuhu socday, xubnaha IDS waxay sidoo kale ka qaybqaateen nadiifinta deegaanka iyo qaadista qashinka, iyagoo bulshada ku boorriyay in qof walba uu kaalin ka qaato ilaalinta nadaafadda deegaanka uu ku nool yahay.

Ururka IDS wuxuu aaminsan yahay in bulsho caafimaad qabta ay ka bilaabato deegaan nadiif ah, isla markaana dhalinyaradu ay door muhiim ah ka qaadan karaan wacyigelinta iyo horumarinta bulshada.

🎓 Hambalyo iyo BogaadinUrurka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Kaaliy...
12/08/2026

🎓 Hambalyo iyo Bogaadin

Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS) wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Kaaliyaha Laanta Muqdisho Mawra 𝗡𝗮𝗶𝗺𝗮 𝗔𝗯𝗱𝘂𝘄𝗮𝗹𝗶 𝗙𝗮𝗿𝗮𝘅, oo maanta si guul leh u difaacatay thesis-keeda heerka koowaad ee jaamacadda.

Waxaan la wadaagaynaa farxadda guushan, waxaana u rajaynaynaa horumar iyo guulo waaweyn mustaqbalka.

Hambalyo 𝗡𝗮𝗶𝗺𝗮! Guushaadu waa guusha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS), 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱-𝗔𝗺𝗶𝗶𝗻 𝗡𝘂𝘂𝗿, iyo Madaxa Laanta Muqdisho...
29/07/2026

Guddoomiyaha Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS), 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱-𝗔𝗺𝗶𝗶𝗻 𝗡𝘂𝘂𝗿, iyo Madaxa Laanta Muqdisho, 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗦𝗮𝗹𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝘄𝗮𝗹𝗶, ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka 𝗗𝗵𝗶𝗿𝗲𝗲𝗻 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻.

Ka qaybgalka munaasabaddan wuxuu muujinayaa muhiimadda ay IDS siinayso xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed.

IDS waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka cusub ee Ururka 𝗗𝗵𝗶𝗿𝗲𝗲𝗻 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻, iyadoo u rajeynaysa in Alle ku asturo xilka loo doortay, kana dhigo kuwo bulshada iyo dhallinyarada u horseeda horumar, midnimo iyo waxqabad wanaagsan.

Waxaan rajaynaynaa iskaashi miro dhal ah oo ka dhexeeya IDS iyo Ururka 𝗗𝗵𝗶𝗿𝗲𝗲𝗻 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻, si wadajir loogu hormariyo doorka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS), 𝗘𝗻𝗴. 𝗠𝗮𝗮𝗶𝗱, ayaa xalay ka qayb galay munaasabaddii ay s...
29/07/2026

Afhayeenka Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS), 𝗘𝗻𝗴. 𝗠𝗮𝗮𝗶𝗱, ayaa xalay ka qayb galay munaasabaddii ay soo qabanqaabiyeen Bahda "Cafis", taas oo ku beegnayd 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗳𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda dhaqanka cafiska, dib-u-heshiisiinta, is-ixtiraamka iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

IDS waxay aaminsan tahay in cafisku yahay saldhig muhiim u ah nabadda, midnimada iyo horumarka bulshada, waxayna sii wadi doontaa taageeridda dadaallada iyo barnaamijyada dhiirrigeliya isku duubnida iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelineynaa Bahda Cafis casuumaadda iyo qabanqaabada munaasabaddan qiimaha leh, waxaana u rajaynaynaa guul iyo horumar dadaalladooda.

Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS) wuxuu sharaf u arkay ka qaybgalka kulankii uu Madaxweynaha Dowladda...
17/07/2026

Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS) wuxuu sharaf u arkay ka qaybgalka kulankii uu Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari State House , Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, la yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada caasimadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo dhallinyarada, iyadoo laga wada hadlay sidii dhallinyaradu uga qaadan lahaayeen door muuqda horumarinta bulshada, hoggaaminta iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

IDS wuxuu rumeysan yahay in dhallinyaradu yihiin tiirka ugu muhiimsan ee horumarka bulshada, wuxuuna sii wadi doonaa ka qaybgalka madallada wada-tashiga iyo dadaallada lagu xoojinayo codka, kaalinta iyo ka qaybgalka dhallinyarada ee horumarka dalka.

Waxaan uga mahadcelineynaa Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari iyo dhammaan masuuliyiintii soo qabanqaabisay kulankan muhiimka ah, waxaana rajeynaynaa in kulammadan oo kale ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo dhallinyarada.

BAYAANKA TACSIGA EE URURKA IDSإِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَUrurka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed ...
03/07/2026

BAYAANKA TACSIGA EE URURKA IDS

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS) wuxuu tacsi iyo tiiraanyo la wadaagayaa La-taliyaha Ururka, Eng. Aadan, iyo dhammaan qoyskiisa, qaraabadiisa iyo ehelkiisa, geerida naxdinta leh ee ku timid Nabadoon Maxamed Axmed Yare, oo Alle SWT u oofsaday.

Marxuum Nabadoon Maxamed Axmed Yare waxaan Alle uga baryeynaa inuu u naxariisto, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, nuur iyo nabadna ka yeelo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa.

Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa Eng. Aadan iyo dhammaan ehelka iyo qaraabada uu ka baxay inuu ka siiyo samir iyo iimaan, qalbigoodana dejiyo, kana abaalmariyo samirka ay muujiyaan.

Ururka IDS wuxuu garab taagan yahay qoyska marxuumka xilligan adag, wuxuuna la qaybsanayaa murugada geerida.

Alle ha u naxariisto Nabadoon Maxamed Axmed Yare, samir iyo iimaanna Allaha ka siiyo dhammaan ehelkiisa iyo qaraabadiisa. Aamiin.

Ururka Iskaashatada Dhallinyarada Soomaaliyeed (IDS) 🇸🇴🤲

Address

KM 5, Zobe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Iskaashatada Dhalinyarada Somaliyeed-IDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share