29/06/2025
Ka waran haddii aan ku qaldannay fahamka Ya'juuj iyo Ma'juuj, sidii ay Yuhuuddu ugu khaldantay Nabi Ciise (CSW) oo ay ilaa maanta u sugayaan Masiixu Dajjaal, iyagoo u haysta inuu yahay masiixii saxda ahaa? Ka waran haddii aan dhufeyska meel khaldan kaga jirno; oo Ya'juuj iyo Ma'juuj la soo daayay waqti h**e? Waxaa laga yaabaa inaan maalin walba aragno, laakiin aysan ahayn sidii aan filaynay—ma ahan makhluuq cawaan ah misana dhago dhaadheer mid ku seexda midna hogsada, wax kasta oo ka hor yimaada cuna. Ka waran haddii aan wax walba si khaldan u fahamnay?
Su'aashan, waa su’aal udub-dhexaadka aragtida Sheekh Imraan Nasser Xuseen (Imran Nasser Hosein), oo si xeeldheer uga hadla cilmiga Aakhiro-samaanka. Sheekh Imraan wuxuu soo bandhigayaa aragti iyo fasiraad gaar ah oo ku aaddan Ya'juuj iyo Ma'juuj, taasoo si weyn uga duwan fahamka guud ee Muslimiinta. Aragtidiisu ma aha oo kaliya dood cilmiyeed, balse waa hab uu Muslimiinta ugu horseedayo inay ku fahmaan xaqiiqada dunida casriga ah iyagoo adeegsanaya tilmaamihii Qur'aanka iyo Sunnada Nebiga (SCW).
Sida uu qabo Sheekh Imraan, khaladaadka ugu waaweyn ee laga aaminsan yahay Ya'juuj iyo Ma'juuj waxaa ka mid ah in la filayo inay si kedis ah uga soo muuqan doonaan darbi weyn oo ku yaal meel dunida ka mid ah. Wuxuu sheegay in sii-deyntoodu ay h**ey u dhacday, awooddooduna ay soo koraysay qarniyo badan, taasoo horseedday gacan-ku-haynta ay maanta adduunka ku leeyihiin.
Sheekh Imraan wuxuu gidaarkii uu dhisay Dul-Qarnayn ku tilmaamaa inuu ku yaallo Buuraha Caucasus, gaar ahaan inta u dhaxaysa Armeniya iyo Asarbayjaan. Wuxuu tixraacayaa ilo taariikheed oo qadiimi ah oo tilmaamaya derbi uu halkaas ka dhisay Alexander the Great; hoggaamiye inta badan lagu khaldo Dul-Qarnayn. Ujeeddada derbigaasi waxay ahayd in laga difaaco qabaa'il reer guuraa ah oo woqooyiga ka yimaada, kuwaas oo dhibaato ku hayay marinkaas. Marinkan muhiimka ah wuxuu ahaa albaab isku xira qaaradaha Aasiya iyo Yurub, waxaana loo adeegsan jiray ganacsiga iyo duullaannada milatari.
Sheekhu wuxuu meesha ka saarayaa sheegashada ah in Darbiga Weyn ee Shiinaha (The Great Wall of China) uu yahay kan la sheegay, wuxuuna ku adkaysanayaa in marinka Darial (Darial Gorge), oo sidoo kale loo yaqaan 'Albaabada Caspian' (Caspian Gates) ama 'Albaabada Alexander' (Gates of Alexander), ay tahay meesha ugu macquulsan. Waddadan buuraleyda ah ee u dhaxaysa Badda Madow iyo Badda Caspian, oo taariikh ahaan si weyn loo ilaalin jiray, waxay la jaanqaadaysaa sharraxaadda Qur'aaniga ah ee ah "bayna al-saddayn" (inta u dhaxaysa laba buurood).
Dooddiisa wuxuu ku xoojiyaa xaddiis ku sugan Saxiix Al-Bukhaari iyo Saxiix Muslim, oo laga soo wariyay Saynab bint Jaxsh (RC). Waxay soo warisay in Nebi Muxamed (SCW) uu mar hurdada ka soo kacay isagoo wejigiisu guduudan yahay, kuna dhawaaqay:
لا إله إلا الله، ويل للعرب من شر قد اقترب، فتح اليوم من ردم يأجوج ومأجوج مثل هذه" ويشير بإصبعه الإبهام والتي تليها
"Ilaah kale oo xaq lagu caabudo ma jiro Allaah mooyee! Hoog ayaa u sugnaaday Carabta shar weyn oo soo dhowaaday awgiis! Maanta waxaa darbigii Yajuuj iyo Majuuj ka furmay dalool sidan oo kale ah,” isagoo suulkiisa iyo farta ku xigta isku-qabtay si uu goobaabin u sameeyo. 👌
Sheekh Imraan wuxuu u fasirayaa xaddiiskan inuusan ahayn sii-sheegid dhacdo mustaqbalka fog dhici doonta, balse uu ahaa xaqiijin dhacdo h**e u dhacday xilligii Nebiga. Wuxuu ku doodayaa in daloolkaas uu ahaa bilowgii soo-bixitaanka Ya'juuj iyo Ma'juuj, kaasoo bilaabay silsilad dhacdooyin ah oo si tartiib-tartiib ah u horseeday koritaankooda. Awooddoodu kuma soo bixin hal mar, balse waxay ahayd mid si tartiib ah u fidaysay. Erayga "Hoog ayaa u sugnaaday Carabta" wuxuu u arkaa inay tilmaan u tahay in saamaynta iyo dulmiga ugu weyn uu ku wajahan yahay dhulka Muslimiinta, taasoo uu aaminsan yahay inay la jaanqaadayso taariikhda casriga ah.
Sheekhu wuxuu si faahfaahsan isugu xiraa sifooyinkii Ya'juuj iyo Ma'juuj ee Qur'aanka iyo Axaaddiista ku xusan iyo xaaladda dunida maanta. Qur'aanka (Suuradda Al-Anbiya, 21:96) wuxuu sheegay inay "ka soo yaaci doonaan taag kasta." Wuxuu ku fasiray inay yihiin quwadaha adduunka maanta ka taliya ee ku suntan gumeysiga, dulmiga, faafinta anshax-xumada, iyo nidaamyada maaliyadeed ee ribada iyo dhaca ku dhisan. Aragtidiisa, isbahaysiga reer galbeedka ee casriga ah, gaar ahaan nidaamka caalamiga ah ee ay Sahyuuniyaddu hoggaamiso, wuxuu huwan yahay sifooyinkii lagu sheegay: inay yihiin wakiillada fasaadka (corruption) oo ay fidinayaan, iyo cadaawad ay u qabaan xaqa.
Qaybtan waa meesha fasiraadda Sheekh Imraan ay si gaar ah uga soocan tahay kuwa kale. Wuxuu ku sheegay in "Ya'juuj" ay yihiin isbahaysiga Sahyuuniyadda Anglo-Maraykanka (Anglo-American Zionism), halka "Ma'juuj" ay yihiin Ruushka iyo xulafadiisa. Wuxuu ku doodayaa in isbahaysiga Ya'juuj (Gog) uu matalo awoodda ugu weyn ee maanta, marka la eego isku-darka awooddooda militari, dhaqaale, iyo doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Nidaamka Cusub ee Adduunka (New World Order) iyo taageeradooda dowladnimada Israa'iil. Dhinaca
kale, wuxuu Ruushka ku tilmaamaa Ma'juuj (Magog). Inkastoo ay u muuqdaan inay iska soo horjeedaan reer galbeedka, haddana wuxuu u arkaa inay isku asal yihiin oo ay labaduba qayb ka yihiin dhacdooyinka Aakhiro-samaanka.
Magaalada Qudus waxay udub-dhexaad u tahay fahamka Sheekha. Wuxuu cuskadaa aayadda Qur'aanka ah:
وَحَرَٰمٌ عَلَىٰ قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَـٰهَآ أَنَّهُمْ لَا يَرْجِعُونَ
حَتَّىٰٓ إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٍۢ يَنسِلُونَ
"Waxaa ka reebban magaalo aan hallignay inay dadkeedii ku soo noqdaan (95) Ilaa la soo daayo Ya'juuj iyo Ma'juuj, iyagoo ka soo yaacaya taag kasta (96)" (Qur'aan 21:95-96).
Sheekhu wuxuu u arkaa in magaaladan la sheegay ay tahay Qudus (Jerusalem). Wuxuu aayaddan u fasirayaa in dadkeedii h**e (Yuhuudda) laga mamnuucay inay si wadareed oo awood siyaasadeed leh ugu soo laabtaan magaalada ilaa inta laga soo deynayo Ya'juuj iyo Ma'juuj. Sidaa darteed, aasaaska dowladda Israa'iil ee casrigan waa caddeyn toos ah oo muujinaysa in Ya'juuj iyo Ma'juuj h**e loo soo daayay oo ay si firfircoon uga shaqeeyeen fududeynta soo laabashadaas.
Hoos u dhaca ku yimid heerka biyaha ee Harada Tiberias (Sea of Galilee), ayaa ah calaamad muhiim ah oo u baahan in si weyn loo fahmo, sida uu qabo Sheekh Xuseen. Wuxuu Sheekhu cuskaday xaddiis saxiix ah oo ku jira Saxiix Muslim, kaas oo si qoto-dheer u sifeeya socdaalka Yajuuj iyo Ma'juuj:
(وَيَبْعَثُ اللَّهُ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ {وَهُمْ مِنْ كُلِّ حَدَبٍ يَنْسِلُونَ} فَيَمُرُّ أَوَائِلُهُمْ عَلَى بَحِيرَةِ طَبَرِيَّةَ، فَيَشْرَبُونَ مَا فِيهَا، وَيَمُرُ آخِرُهُمْ فَيَقُولُ: لَقَدْ كَانَ بِهَذِهِ مَرَّةً مَاءٌ)
"Markaas kaddib, wuxuu Eebbe soo diri doonaa Yajuuj iyo Ma'juuj, iyagoo ka soo butaacaya meel kasta oo sare. Kooxdooda h**e waxay soo mari doontaa Harada Dabariya, wayna wada cabbi doonaan biyaheeda oo dhan. Marka kooxdooda dambe ay soo marto, waxay oran doonaan, 'Halkan mar biyaa ku jiri jiray.'"
Sheekh Xuseen wuxuu ku doodayaa in arrintani aysan ahayn saadaal mustaqbalka fog dhici doonto, balse ay tahay dhacdo xilligan xaadirka ah indhaheenna ku hor socota. Wuxuu guritaanka harada si toos ah ugu xiriirinayaa isticmaalka biyaha ee xad-dhaafka ah iyo mashaariicda warshadaha ee lagu yaqaanno nidaamka casriga ah, isagoo u arka inay tani tahay rumowga dhabta ah ee calaamaddaas Nebiga (SCW) laga soo wariyay.
Intaa waxaa dheer, Sheekhu wuxuu arrintan la xiriiriyaa Dajjaal, oo isna xaddiis kale lagu sheegay inuu xaaladda harada weydiiyay saxaabigii la kulmay (Tamiim Ad-Daari), isagoo sii sheegay inay haradu gebi ahaanba guri doonto goor dhow.
Haddaba, aragtida Sheekha iyo fasiraaddiisa ku aaddan calaamadaha Aakhiro-samaanka waxay ina tusinayaan in calaamado badan loo fasiran karo dhacdooyin hadda taagan oo socda, halkii jiil walba uu sugi lahaa wax mustaqbalka dhici doona. Tusaale ahaan, sheegidda ah in Ya'juuj iyo Ma'juuj ay cabbi doonaan biyaha Harada Dabariya (Sea of Galilee) ilaa ay ka gurto, waxay si toos ah ula xiriirtaa xaaladda hadda taagan. Haradu waa gabaabsi, waxaana xusid mudan in dawladda Israa'iil, oo mar isha biyaha ee ugu weyn ka dhigatay haradan, ay hadda ku tiirsan tahay biyo-sifeynta badda si ay biyo la cabbo u hesho.
Waxaa intaas barbar socda, nidaamka caalamiga ah ee maanta (New World Order), oo ah matalaadda dhabta ah ee Ya'juuj iyo Ma'juuj sida uu qabo Sheekhu, wuxuu ku sifoobay inuu si xad-dhaaf ah u baabbi'iyo kheyraadka dabiiciga ah. Tani waxay sababtay isbeddelka cimilada, qalalka haraha iyo webiyada, roob yarida, iyo wasakhowga hawada. Marka lagu daro nidaamka maaliyadeed ee ribada ku dhisan iyo dagaallada joogtada ah, waxaa caddaanaysa in fasaadka iyo baabi'inta lagu sifeeyay Ya'juuj iyo Ma'juuj ay yihiin kuwa maanta dunida ka jira, ee aysan ahayn makhluuq aan maskaxda ku sawiranno oo dadka cunaya badahana hal mar wada cabbaya.
Sidaa darteed, hoos u dhaca heerka biyaha harada wuxuu Sheekhu ku tilmaamay calaamad muuqata oo markhaati ka ah geeddi-socodkan fasaadka ah.
Aragtidan waxaa xoojinaya xaddithka Nebiga (SCW):
"لا إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ، وَيْلٌ لِلْعَرَبِ مِنْ شَرٍّ قَدِ اقْتَرَبَ، فُتِحَ الْيَوْمَ مِنْ رَدْمِ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مِثْلُ هَذِهِ ". وَحَلَّقَ بِإِصْبَعِهِ الإِبْهَامِ وَالَّتِي تَلِيهَا.
"Ilaah kale oo xaq lagu caabudo ma jiro Allaah mooyee! Hoog ayaa u sugnaaday Carabta shar weyn oo soo dhowaaday awgiis! Maanta waxaa darbigii Yajuuj iyo Majuuj ka furmay dalool sidan oo kale ah,” isagoo suulkiisa iyo farta ku xigta isku-qabtay si uu goobaabin u sameeyo.
Tani waxay tilmaamaysaa in arrimaha la sii sheegay aysan ahayn dhacdooyin hal mar la sugayo, balse ay yihiin xaqiiqooyin si isdaba-joog ah u socda, una baahan feejignaan iyo garasho.
W/Q: Abdullahi Hussein Osman (Abdalla Adow)