Xasan Balcad

Xasan Balcad Bagekani waxaa lagu soo bandhigi doonaa Muuqaallada ugu cajiibka badan ee ka dhaca Soomaaliya guud a

16/07/2026
WAR-BIXIN XASAASI AH: TALIYE CIIDAN OO KU SIFOOBAY KU TAKRI-FAL AWOODEED IYO MUSUQ-MAASUQ K**A SII MID AHAAN KARO CIIDAN...
23/03/2026

WAR-BIXIN XASAASI AH: TALIYE CIIDAN OO KU SIFOOBAY KU TAKRI-FAL AWOODEED IYO MUSUQ-MAASUQ K**A SII MID AHAAN KARO CIIDANKA.

Hor_dhac
War_bixintaan waxay iftiimineysaa dhacdooyinka xasaasiga ah ee la xiriira dibindaabyada iyo soo kabsasho la’aanta Ciidanka heysato. Taas ee uu sababteeda leeyahay Taliye Ciidan oo loo magacaabayo xil sare, balse ugu dambeyn lagu helayo falal culus oo isugu jira ku takri-fal awoodeed, musuq-maasuq, iyo lunsasho hanti qaran ka dibna aan lala xisaabtameyn Qabyaalad darteed.

Tusaale kooban oo la fahmi karo
Taliye Ciidan, oo ahaa Sarkaal muddo dheer ka tirsanaa ciidanka, laguna yaqaanay firfircooni iyo hoggaan adag kaliya. ayaa loo magacaabay xilka Taliyaha Ciidanka, isagoo helay kalsoonida madaxda sare, nasiib darrada dhacday ayaa aheyd in aan laga eegin dhanka aqoonta iyo ka hufnaanta qabyaalada.

Eedeymaha Muhiimka ah
 Ku Takri-fal Awoodeed
Taliyuhu wuxuu si cad ugu takri-falay awooddii loo igmaday, isagoo go’aanno muhiim ah u gaarayay si shaqsi ah, kana leexday nidaamkii iyo shuruucdii ciidanka.
 Dallacsiin Sharci-darro ah
Waxaa la ogaaday inuu dallacsiin siiyay qaar ka mid ah istaafkiisa, kuwaas oo intooda badan ahaayeen ehel hoose (qaraabo iyo dad xiriir gaar ah ay lahaayeen), iyadoo aan la marsiinin habraacyadii rasmiga ahaa ee Ciidanka.
 Lunsasho Hanti Qaran
Qodobka ugu culus ayaa ahaa inuu lunsaday hantidii Ciidanka. Dhulalkii hantida ma guurtada ahaa Lacagtii iyo Agabkii loogu talagalay horumarinta Ciidanka oo uu ku iibsaday:
1. Guryo qaali ah oo u gaar ah
2. Dhulal iyo hanti ma guurto u gaar ah
Waxaa intaas dheer inuu guryahaas qaar ka mid ah u wareejiyay kuna qoray istaafkiisa, isagoo siiyay fillooyin aan sharciyad lahayn.
 Saamaynta Arrintaan ay ku yeelatay Ciidanka
1. Hoos u dhac ku yimid kalsoonida Ciidanka
2. Askarta iyo Saraakiisha Ciidanka ee daacada ahaa waxay dareemeen cadaalad darro iyo niyad jab.
3. Dhibaato dhaqaale oo soo gaartay ciidanka guud ahaan
4. Hantidii lagu horumarin lahaa qalabka iyo nolosha askarta ayaa la lunsaday.
5. Sumcad xumo ku dhacday Ciidanka iyo kalsoonidii Shacabka oo dhaawac gaaray

 Go’aanka Laga Gaaray Xil ka qaadis iyo Ciqaab marsiin
Kadib baaritaan dheer oo ay sameeyeen hay’adaha ku shaqada leh kiisaska noocaan ah, waxaa si rasmi ah xilkii looga qaaday Taliyaha. Sidoo kale:
Waxaa la bilaabay baaritaan maaliyadeed oo qoto dheer oo lagu sameyn doon Taliyaha, Istaafkiisa iyo Saraakiishii uu siiyay Darajooyinka caddaalad darrada ahaa iyo Xilalka muhiimka ah.
Waxaa jiri doono dacwado sharci ah oo laga diyaarinayo dhammaan Saraakiisha ku lug yeelato eedahaan.

Gunaanad
Kiiskan wuxuu tusaale u yahay halista ka dhalan karta marka awoodda talada Dalka wax laga siiyo Qof aan ehel u aheyn oo aan ilaalineynin mas’uuliyadda saaran. Waxay sidoo kale muujineysaa muhiimadda ay leedahay in Mas’uulka la idmanayo laga eego qodobadaan hoo ku qoran:
1. Aqoon Diini iyo Maadi
2. Ogolaansho La xisaabtan
3. Hufnaan iyo Hagar la’aan
4. Daacadnimo iyo Caddaalad

Talooyin muhiim ah oo ku saabsan in aan mar kale lagu kadsoomin Dadka noocaan ah.
1. In la xoojiyo nidaamka kormeerka gudaha Ciidanka
2. In la hirgeliyo hannaan caddaalad ah oo quseeyo dallacaadaha
3. In la ciqaabo cid kasta oo ku kacda musuq-maasuq si looga hortago dhacdooyin la mid ah kuwii h**e mustaqbalka
4. In magacaabista Xilalka lagu saleeyo Aqoon iyadoo qof kasto lagu aadinayo booska uu ku haboonyahay.

14/03/2026

Oraahdii (Caawada ayaa iga xigsada Ceebta Aduun iyo Cadaabta Aakhiro) Nabadoon Afar-jeeble (Nabad-doon Xume).

Nabad-doon hoggaan u ahaa Beel ka mid ah Beelaha Degan Somalia laguna tilmaamo Laan-dheerayaal Wiilashoodana aad ugu Xeel-dheer yihiin Aar-goosiga, iyo caadifada qabyaalada ayaa hadda ka hor Shir isugu yeeray dhallinyarada Beesha.

Koolkaas ayuu Shirkii ka istaagay isagoo aad isu oohinayo indhuhuna yihiin xurub guduudan waxaana hareerihiisa taagan dhammaan intii Wiil-hoog ku jirtay Beeshiisa, markaas ayey ku dheheen Adeer hadalka soo tuf ha ooyine annaga ayaa garbahaaga ah oo kuu hiillineyne eh, markaas ayuu dhahay “Caaw yaa iga xigsanayo Ceebta Adduun iyo Cadaabta Aakhiro”.

Markaas maxaa dhacay ayaa is leedahay? Waxaaba gacanta taagay oo Nabad-doonkii la qiireysan iyagoo waxba hubsan Kala-bar dhallin-yaradii isugu timid goobta Shirka, Kolkaas ayuu Odaygii Warkiisa horay usii watay, wuxuuna ka dhawaajiyay in Duullaan lagu qaado Beel deriska ah Walaal ah oo nagala dhexeeyay Saami qeybsi Siyaasadeed wuxuuna Amray in la dilo Carruur iyo Cirroole Ciddi la arko cafis maleh.

Sababtana wuxuu noogu Sharraxay in Beesha lagu duulayo ay qaadatay dhammaan jagooyinkii Siyaasadeed ee aan ku laheyn Dowlada dhexe, Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmada, wuxuuna intaas noogu sii daray haddii aan la abuurin fitno Dagaal oo aan Beeshaas Deriska ah Walaalkana ah laga soo ridan Kursiga Siyaasadeed ee ugu sarreeyo oo naga dhexeeyo in aan Beesha aayaheeda waxba laga weydiin doonin, kuna dambeyn doonaan Qaxootinimo iyo Tuugsi maadaama lagala wareegay Saldanadii iyo Maamulkii Degaanka.

Waxaa Gacanta taagay oo qaatay Ceebtii Aduun iyo Cadaabkii Aakhiraba kala bar Dhallin-yaradii Beesha oo u badnaa Reer Baadiye (Reer Miiyi), waxaana halkaas ka billowday Colaad sokeeye oo ay isku ugaarsanayaan Dhallinyarada labada Beel ee Walaalaha ahaa, iyadoona la’iska dilayo Dadka Wax-garadka ee markoodii horaba ka digi jiray awr-kacsiga qaldan ee Odayaasha Ahlu-Naarka ah Sida Culimmaa’udiinka, Macallimiinta Iskuullada, Abwaaniinta, Dhakhaatiirta iyo Saraakiisha_Dowladeeda.

Waxaan xusuustaa oo aan Hebel iyo Hebel u tirin karaa Maanta Rag badan oo ku dhintay Colaadaas oo Ciyaalkooda Agoontoobeen iyaga oo aan weligood Hub gacantooda taaban ahaana Wax-tarka Bulshada 2da Beelood, kuwaas oo ahaa

1. Macallimiin laga faa’iidi jiray, Aqoon Diini iyo Maadi
2. Dhakhaatiir Caafimaadka Dadka, Duunyada iyo Degaanka
3. Abwaaniin Gabayada, Xikmadaha iyo Dhaqanka suuban

Maanta Dadka iyo Degaankaba ma heystaan 3daan faa’iido ee sare ku xusan waana ka arradanahay waxaana sabab u ah Dhaqanka iyo Siyaasada is dhex galay, taas oo sababtay in uu Siyaasiga fashilmaaba soo dhex-galo Odayaasha Dhaqanka Beesha, isagoo ka shaqeynayo kaliya sidii u Kursi ku heli lahaa.

Muuddo 3 Sanadood ah oo uu ka socday Deegaanka Dagaal sokeeye oo sababay Aanfo aad u daran oo ah, Abaar, Barakac, Jahli iyo Caafimaad la’aan, waxaa Saamigii Siyaasadeed ee Dadka Degaanka dib u hantay Dagaal Oogihii Adeegsanayay Nabad-doonada iyo Dhallinyarada Reer baadiyaha ah.

Waxaan maqli jiray (ka dar oo dibi dhal), Maanta waxaan arkeynaa iyadoo naloo qarameeyay oo la leeyahay waa Saraakiil iyo Askar Dowladeed ama Maamul-Deegaan Gacan ku dhiiglayaashii Shalay laayay Wax-garadkii Degaanka, waana kuwaas weli isku sii dilayo dhexdooda Xilal Dowladu u idmatay oo laga sugayay in ay ugu adeegaan Shacabka Degaanka ee tabaaleysan oo ay isugu darsameen Abaarta iyo Colaada.

(Hal Booli ah ma dhasho Nirig xalaal ah) Odayaasha Dhaqankow idinkaa Mas’uul ka ah Dadka iyo Degaankaba haaddii aad rabtaan Adduun iyo Aakhiro in aad liibaantaan waan idin baryeynaa, naga daaya Siyaasiga Adduunyo doonka ah ee aad noosoo saareysaan oo aad u ololeyneysaan iyo Awr-kacsiga aad ku halaagteen Dhallinyarada.

Bal eeg Gacan ku dhiiglihii weli wuu noolyahay wax-garadkiina sidii ayuu u dilayaa, Siyaasigii sidii ayuu u tacbayaa Adduunyo, Daarana u jeexanayaa, Dadkeynii sidoodii ayey weli u yihiin Barakacayaal, Adiga sheeganayo Nabad-doon oo ay kaasoo billaabatay Colaadaan Aakhirana wax lagaa weydiin doono ma heysatid Amni iyo Xasillooni aad ku mari karto Meeshaad doonto.

Maxaan faa’iidnay Dadkeygow?

Address

Mogadishu

Telephone

682054251

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xasan Balcad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xasan Balcad:

Shortcuts

Share

Category