06/08/2025
WAR DEGDEG: Kulan sadex geesood oo udhexeeyo Dowladaha Itoobiyo,Kenya iyo Maamulka Jubbaland ayaa ka dhacay Suufka. Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo kula shir guddominayay ayaa loga hadlay xaalada amni ee xaduudaha iyo qul-qulatooyinkii amni daro ee ka dhacay magaaloyinka xaduudda ku teedsan
🫡Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa ku edeyay DF inay qorsho amnidaro usoo guurisay xaduudaha Kenya iyo Itoobiyo ay lawadagaan Soomaaliya, dood dheer ka dib waxay labada Dowladod balanqadeen inay Jubbaland ku gacansinayaan xaqiijinta amniga magaaloyinka ay maamulaan. Dhawaan ayay ahayd markii Itoobiyo ay warqad cabasho ah la wadaagtay xafiiska Q/M Soomaaliya James Swan midaas oo ay ku dooneyso inay ku degto magaalada Baladxaawo si ay amniga xaduudaha halkaasi kaga sugto sida ay u degantahay Dolow iyo Luuq oo kale.
📌Saraakiil dabagal ku ah xasarada ka tagaan xaduuda ayay Itoobiyo soo dirtay kuwaas oo kulamo la qaatay Saraakiisha gobalka ugu sareyay,balse shaqada laga ceyriyay, Odayaasha degmada Dolow iyo kulanka maanta dhacay ee ay la qateen Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Taliye Ku-xigeenka Daraawiishta Cali Xasan Deer iyo Guddomiyaha Dolow Lafey. Saarkiisha Itoobiyo dhowr kulan ay dhinacyada la qateen waxay cadeyaan in xaalada cabsi ah ay ka soo socoto xaduudaha iyago ku edeyay saraakiil Dowladda ay dhawaan halkaasi usoo dirtay inay xambaarsanyihiin ajendayaal caalami ah oo xaduudaha iyo gobalka qatar galin karo Amnigoda.
🔥Kulanka maanta ayay saraakiidha ku sheegen in Dowladdaaha dariska ay iska kaashandonan ajendo caalami ah oo lagula dagaalamaayo Al-Shabab iyo cid kasto oo xaduudaha qatar ku ah.
💯Warar hor-dhac ah ayaa sheegayo haddii uu suurtogal noqdo qorshah Itoobiyo ay ku dageyso Baladxaawo inay fariisimo ka dhigandonan buurka magaalada iyo garoonka cusub ee magaalada laga dhisayay.