Codka Dalka

Codka Dalka News program

24/07/2026

Midowga Afrika (AU) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u diray fariin degdeg ah oo ku saabsan shirarka muhiimka ah ee la xiriira howlgalka AUSSOM. AU ayaa ku adkaysay in Soomaaliya si dhaqso leh u soo magacawdo ergooyinka ka qeybgalaya kulammada ka dhici doona Addis Ababa, iyadoo ballanqaadday inay bixin doonto dhammaan kharashaadka wufuudda.
Kulammadan ayaa gogol-xaar u noqonaya Shir-madaxeedka Aan Caadiga Ahayn ee Kampala oo qabsoomi doona 31-ka Luulyo 2026, halkaas oo lagu ansixin doono go'aannada muhiimka ah ee la xiriira ciidamada iyo miisaaniyadda howlgalka AUSSOM.

10/04/2026
War Deg Deg : Madaxweyne Ismacil Cumar Geelle ayaa markii lixaad oo xiriir ah ku guuleystay Doorashada Madaxtinimada Jab...
10/04/2026

War Deg Deg : Madaxweyne Ismacil Cumar Geelle ayaa markii lixaad oo xiriir ah ku guuleystay Doorashada Madaxtinimada Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta  ka qayb galay munaasabadda so...
10/04/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.

Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra'iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa goordhow soo g...
10/04/2026

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda soo dhoweynta Markabka qodaya shidaalka Çağrı Be oo shalay ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.

04/04/2026

KOOFUR GALBEED OO MAR KALE KACSAN&LAFTAGAREEN KADIB MAXAA SOO KORDHAY?

04/04/2026

COLAADDA AWDAL & SALAL OO SII KORDHAY! Tallaabo Degdeg Ah Oo La Qaaday!

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka Dalka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share