Gar-Maqal Media

Gar-Maqal Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gar-Maqal Media, Media/News Company, Banaadir, Mogadishu.

Gar-Maqal Media Waxaa uu ka shaqeyn doonaa arrimaha Garsoorka, cadaaladda, shaqooyinka Maxkamadaha, Sharciga iyo xeerarka dalka, Wareysiyo iyo Faalooyin Garsoor, Hagaha bulshada ee Sharuucda dalka.

Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka – January 2026Hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC) bisha Ja...
03/01/2026

Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka – January 2026

Hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC) bisha January 2026 ma aha oo keliya xil maamul, balse waa qalab sharci iyo diblomaasiyadeed oo leh saameyn istiraatiiji ah.

Inkasta oo shir-guddoomiyaha uusan lahayn cod dheeri ah, haddana waxa uu awood u leeyahay dejinta ajandaha, hagidda doodaha, iyo fasiraadda habraacyada Golaha, taas oo si toos ah u saameyn karta jihada doodaha iyo natiijooyinka ka soo baxa.

Soomaaliya waxa ay helaysaa fursad ay ku xoojiso mabda’a Xeerka Caalamiga ah, gaar ahaan marka la eego arrimaha miiska saaran bisha January 2026, kuwaas oo ay ka mid yihiin Yemen, Sudan, Suuriya, iyo amniga Badda Cas. Guddoominta doodahaas waxay Soomaaliya u suurtagelinaysaa in ay jihayso doodaha ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dowladaha, amniga maraakiibta caalamiga ah, iyo waajibaadka ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, ka-qaybgalka firfircoon ee doodaha ku saabsan qaraarrada iyo hawlgallada Qaramada Midoobay ee ku jira ajandaha bisha January sida (UNMHA, UNFICYP iyo BINUH) wuxuu xoojinayaa kaalinta Soomaaliya ee ah dal fahamsan hab-dhiska iyo shaqada hay’adaha caalamiga ah, isla markaana leh awood uu ku dhex-dhexaadiyo aragtiyo iska soo horjeeda.

Waxaa intaa dheer, doodaha heerka sare ee ku saabsan dib-u-qaabaynta Xeerka Caalamiga ah, kuwaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu guddoomin doono, waxa ay Soomaaliya siinayaan fursad ay si sharci ah ugu muujiso in dalalka soo kabanaya, sida Soomaaliya, ay kaalin muuqata ay ku yeeshaan dejinta iyo horumarinta nidaamka sharciga caalamiga ah.

Ugu dambayn, guddoonka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka wuxuu si weyn u xoojinayaa sumcadda sharci iyo mid siyaasadeed ee dalka, isagoo ka dhigaya Soomaaliya dal ka soo baxay marxaladdii uu ahaa mid kaliya qaata go’aannada, una gudbay marxalad uu ka mid yahay kuwa qaabeeya doodaha iyo jihada sharciga caalamiga ah.

W/Q Avv. Cali Somali

03/01/2026

Kiiska Qaraxii 2017, Maxaa Cashar ah oo laga bartay. ?

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidanka Qalabka sida Axmed Iiman.

Address

Banaadir
Mogadishu
25261

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gar-Maqal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share