11/02/2026
Somalia oo ku guuleesatay xubinimada golaha nabada iyo amniga midowga Afrika (2026-2028). Mid kamida guulihi ugu danbeeyay ee diblomaasiyadda Somalia ay sameeneysay xilliyadi danbe.
Xaqiiqooyinka golaha nabada iyo amniga midowga Afrika:
- Qaab-dhismeedka & Habka: Waxa uu ka kooban yahay 15 dal/ xubnood ah oo ay soo doortaan Golaha Midowga Afrika (AU Assembly) iyadoo lagu saleynayo matalaadda daafaha qaarada, malahan xubno joogto ah ama awood diidmo (veto power). Xubnaha waxay u adeegaan muddo xileed wareegto ah oo 2 ama 3 sano.
- Waajibaadka: Guddiga Nabadda iyo Amniga (PSC) waxa uu diiradda saaraa digniinaha horleh, waxa uu diyaariya diblomaasiyad kahortagta qataraha, abuurista nabadda, daninta hawlgallada taageerada nabadda, iyo faragelinta dawladaha xubnaha ka ah marka xaaladaha gaarka ah ee halista ah ku jiraan.
- Hawlgallada: Waxa uu u shaqeeyaa sidii hay’ad nabadgalyo oo wadajira, inta badan waxa uu sameeyaa hawlgallo qorsheesan, soo rogida cunaqabatayn, iyo maaraynta dhibaatooyinka, isaga oo inta badan u shaqeeya si la mid ah Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay laakiin go’aannada ayaa diiradda saaraya Afrika oo dhan.
- Tiirarka Taageerada: Waxa taageera Nidaamka Digniinta H**e ee Qaaradda (CEWS), Ciidanka heeganka ee Afrika (ASF), Guddiga Xikmadaha (Panel of the Wise), iyo Sanduuq Gaar ah ee midowga Afrika.
Guddiga Nabadda iyo Amniga (PSC) waxa uu kulmaa ugu yaraan laba jeer bishii heer safiir (ambassadorial level), inta badan waxa uu ku kulmaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.