Ris Media News

Ris Media News page rasmiga ah ee Ris media news

19/02/2026

Waxaa siguul ah kusoo dhamaaday shirkii golaha mustaqbalka Somaliyeed iyo dowlada federaalka udhexeeyay ee maanta kadhacay aqalka madaxtooyada ee viila somalia

Shirku wuxuu kusoo dhamaaday is afgarad iyo
Jawi nabdoon waxaana lagu balamay kulanaka labaad iyo berito insha Allah.


16/02/2026

Xariifad magaalo halkaan ka wac see more....

   Team Ahmed Madoobe oo hubkooda culus xambaarsan ayaa goordhow soo cagadhiganaya Garoonka Aden Abdulle ee Muqdisho—dhi...
10/02/2026

Team Ahmed Madoobe oo hubkooda culus xambaarsan ayaa goordhow soo cagadhiganaya Garoonka Aden Abdulle ee Muqdisho—dhib ma jiro waa isla intii 2021 lee.

  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga X...
04/02/2026



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii h**e Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, kaddib munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay doorkii iyo hoggaamintii Taliye Odowaa Yuusuf Raage intii uu xilka hayay, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen guulo muhiim ah oo la xiriira dagaalka lagula jiro khawaarijta, isla markaana ay sare u kacday kalsoonida shacabka ee ciidankooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Taliyaha cusub kula farey inuu sii xoojiyo dadaallada dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya difaaca dalka, ilaalinta midnimada qaranka iyo ciribtirka argagixisada khawaarijta ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay ciidamada, isla markaana ay ka go’an tahay inay wax ka qabato baahiyaha ciidan, mid tababar iyo mid qalabeynba.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in xil-wareejintani ay qeyb ka tahay hannaanka dowladnimo, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay sii dardargelineyso dadaallada lagu horumarinayo awoodda, anshaxa iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Taliyihii h**e dadaalkii iyo naf-hurnimadii uu muujiyay, isagoo Taliyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna ballanqaaday taageero buuxda oo dhinaca wasaaradda ah si loo xaqiijiyo amniga dalka loogana guuleysto cadowga gudaha iyo kan dibadda.

Munaasabadda xil-wareejinta, waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cabdi Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi, taliyayaasha talisyada ciidamada, mas'uuliyiin, danjirayaasha dalalka Turkiga iyo ergooyinka beesha caalamka, iyo marti sharaf kale.

Mogadishu Caasimada ummada Somaliyeed ❤️💯
03/02/2026

Mogadishu Caasimada ummada Somaliyeed ❤️💯

01/02/2026

Dowlada ayaa la wareegtay Gawaari Cabdi-bilayaal ah oo gaaraya ku dhawaad 20-Gaadiid dagaal ah oo loo geeyay garoonka aadan cadde inay soo daad gureeyaan Ciidanka ilaalada Madaxda Jubland iyo Puntland marka ay diyaarada kasoo degaan.

Dowlada ayay layaab ku noqotay halka lagu diyaariyay Baabuurtaas waxaana baaritaan lagu wadaa darawaladii ka xeynayay iyadoo sidookale la baarayo meeshi lagu diyaariyay iyo Shaqsiyaadkii ka shaqeeyay.

 Dhul Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Soomaaliyeed oo Kulmay Maanta
31/01/2026



Dhul Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Soomaaliyeed oo Kulmay Maanta

29/01/2026

Runtii waa qiso xanuun badan dhageyso ilaa dhamaadka😪🙏

  Shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia ayaa sheegtay in aan weli loo cusboonaysiin oggolaanshaha ay ku mari karto ha...
29/01/2026



Shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia ayaa sheegtay in aan weli loo cusboonaysiin oggolaanshaha ay ku mari karto hawada Soomaaliya, kaas oo ka dhacday dhammaadka bishaan Janaayo, taasoo keeni karta in ay beddeshaan jidka ay u maraan duullimaadka Thailand.

“Habraacyada duulista caalamiga ah awgeed, shirkaduhu mar kasta way cusboonaysiiyaan oggolaanshaha ay ku maraan hawada dalal kala duwan,” ayay Arkia ku tiri bayaan. “Ilaa hadda, weli ma helin cusboonaysiinta oggolaanshaha bisha Febraayo ee ku saabsan marista hawada Soomaaliya.”

“Haddii aan oggolaansho la helin bilowga Febraayo, duullimaadyada waxaa loo wareejin doonaa marin kale,” ayay shirkaddu raacisay.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay Soomaaliya ay muujisay diidmo xooggan oo ka dhan ah aqoonsiga ay Israa’iil siisay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Arkia waxay sheegtay in arrintan ay gacanta ku hayaan hay’adaha Israa’iil, oo ay ku jiraan Hay’adda Duulista Rayidka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dowladda Soomaaliya wali war rasmi ah sooma saarin oo arrintaan la xiriirta.

  : Golaha wasiirada ayaa goordhoweyd xilka ka qaaday taliyaha Ciidanka xooga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage, Waxaana xi...
29/01/2026

:

Golaha wasiirada ayaa goordhoweyd xilka ka qaaday taliyaha Ciidanka xooga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage, Waxaana xilkaas loo magacaabay General Ibraahim Maxamed oo qeybta taakuleynta ciidamada heysan jiray.

Isbedelkaan ma,horseedi karaa isbedel iyo in furimihii dib looga Soo baxay lagu laabto gooba horlehna laxoreeyo sida CEELBUUR GALHAREERI JOWLE iyo degmooyin badan oon weli cagta lasaarin ❗

28/01/2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay helitaanka 3 diyaaradood oo dagaal ah nooca F-16, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay.

Diyaaradahan casriga ah ayaa leh awood sare oo ay ku gaaraan meelaha fog-fog, kuna fulin karaan hawlgallo istaraatiiji ah oo muhiim ah. Waxa ay door weyn ka qaadan doonaan xoojinta amniga dalka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo kor u qaadaya awoodda difaac iyo tan hawlgal ee ciidanka cirka Soomaaliyeed.

Tani waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumar iyo adkeyn ku yimid awoodda millatari ee Soomaaliya. 🇸🇴✈️🔥

28/01/2026

Wasiirkii abniga sen,fartaag oo maanta abniga baarlamaanka gacantiisa kusugay asagoo ay ciidamadiisa daafaha magaalada abniga kasugayaan

Ninkaan waa halyaay guuleyso ayaan leenahay

Address

Jidka 30 Ka
Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ris Media News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share