09/03/2026
Dadkoo dhan adduunka ku nool waxay raadiyaan farxad. Qof walba wuxuu doonayaa inuu faraxsan noqdo. Laakiin su’aasha dhabta ah waa: sidee farxad loo helaa?
Dadka qaar waxay u arkaan farxad inay tahay qanacsanaan iyo in qofku ku raalli noqdo waxa uu haysto.
Qaar kalena waxay u yaqaanaan lacag, waxayna dhahaan haddii ay lacag haystaan way faraxsan yihiin.
Dadka kale waxay farxad ka helaan dadka ay jecel yihiin, sida qoyska, saaxiibada, ama qof ay la nool yihiin.
Waxaa sidoo kale jira dad farxad ka hela wax bixinta iyo caawinta dadka kale.
Haddaba, cilmi-baarisyo badan waxay sheegaan in farxadda lagu soo koobi karo 3 arragti:
1. Raaxo – sida safar, cunto wanaagsan, lacag, iyo madadaalo. Kuwani waxay keenaan farxad, laakiin badanaa waa ku meel gaar.
2. Hadaf iyo macno nololeed – sida inaad mashruuc waddo, qoyskaaga u shaqeyso, dadka caawiso, ama Ilaahay caabudo.
3. Xiriir wanaagsan – sida xiriirka waalidka, xaaska ama ninka, saaxiibada, iyo dadka aad jeceshahay.
Farxadda dhabta ah hal shay keliya k**a timaado. Waxay timaadaa marka aad isku dheellitirto raaxo, hadaf, iyo xiriir wanaagsan.
Laakiin waxa ugu muhiimsan waa xiriirka aad la leedahay Ilaahay. Qofka haddii uusan Ilaahay ku xirnayn, lacag iyo guul adduunyo keliya qalbiga ma buuxin karto.
Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku leeyahay:
وَمَنْ أَعْرَضَ عَن ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنكًا
Qofka ka jeesta xuska Ilaahay, noloshiisu waxay noqotaa mid cidhiidhi ah.
Haddii aad rabto farxad dhab ah, hagaaji xiriirkaaga Ilaahay, dhis xiriir wanaagsan oo dadka ah, oo yeelo hadaf nololeed.
Adigana noo sheeg: maxaa ku farxad geliya adiga?