Nabad iyo Nolol

Nabad iyo Nolol Mogadishu
(1)

14/07/2026

Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay 1.5Malyan guryo ah oo loo dhisayo danyar Itoobiya, Kenya ayaa sidaas oo kale horey u hirgalisay, hayeeshee Soomaaliya barakacayaal cusub ayay dowladnimadu abuurtay.

14/07/2026

Nasab-beelka Siyaasadeed

Dalkeenna malaayiin qof ayaa ku nool saboolnimo ba’an. Kumannaan qoys oo ay colaado, abaaro, argagixiso iyo fatahaado barakiciyeen ayaa qaxooti ku ah gudaha dalka, halka maamulka Xasan Sheekh uu isaguna abuuray boqolaal kun oo barakacayaal cusub ah.

Shaqo la’aanta dhalinyaradu waxay ka mid tahay kuwa ugu sarreeya dunida. Qoysas badanna waxay ku nool yihiin lacagaha ay dibadda uga soo diraan eheladooda.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka lafteedu waxay ku tiirsan tahay deeqaha beesha caalamka. In ka badan 70% miisaaniyadda dowladda waa kaalmo dibadeed, amniga dalkuna weli wuxuu ku tiirsan yahay ciidamo shisheeye. Labaduba qarka ayay u saaran yihiin inay meesha ka baxaan.

Waxaa la filayay in hoggaanka dalka iyo dabaqadda siyaasadda (Political Elite) ay duruufahaas adag kaga jawaabaan masuuliyad, daacadnimo, isla markaana si xilkasnimo leh ugu adeegaan shacabka. Nasiib darro, waxaa dhacay taas lidkeeda.

Halkii xilka qaranku ka ahaan lahaa amaano, wuxuu noqday dabin lagu ugaarsado. Halkii siyaasaddu ka ahaan lahayd awood lagu xalliyo dhibaatooyinka dalka, waxay isu beddeshay tartan lagu kala qabsado awoodda, xilalka, qandaraasyada iyo hantida kooban ee qaranka.

Sidaas ayay ku dhalatay dabaqad siyaasadeed (Political Elite) dhiigmiirad ah. Waxaa meesha ka baxay damiirkii, akhlaaqdii dowladnimo, yaxyaxii iyo xishoodkii, dhaqankaaas ciqaabkiisii wuxuu noqday in loo nasab iyo gobbonimo beelo siyaasadii.

Nasab-beelka siyaasadeed waa marka qofku is dhiibo, kana tanaasulo qofnimadiisii, karaamadii iyo qabkiisii shakhsiyadeed, kuna beddesho xil, xoolo iyo saameyn siyaasadeed. Waa inuu yasid iyo bahdilaad ku raadiyo raallinimada madaxda.

Ciqaabta kale ee dhaqankani laga dhaxlay; waa in la quursado siyaasadda iyo siyaasiga. Maanta bulshada waxaa ugu yasmo badan qofka sheegta xil dowladeed.

Sababtu waxay tahay in shacabku siyaasi u arko qof ku tartamaya sida loogu naaxo awoodda, hantina looga tabcado canshuurta laga qaado shacabka saboolka ah, lacagaha ay qurbo-joogtu u soo diraan ehelkooda iyo taageerada beesha caalamka.

Laakiin su’aashu waxay tahay: ilaa intee ayay bulshadu u sii dulqaadan doontaa kuwii loo dhiibay hoggaanka dalka oo hantidii dowladda kala boobaya?

Ilaa intee ayay aamusi doonaan malaayiinta dhalinyarada ah ee ku nool shaqo la’aan, fursad la’aan iyo hubanti la’aan mustaqbalkooda, iyagoo arkaya elite-kii siyaasadeed oo ku naaxaya awoodda, halka iyagana lagu maaweelinayo khudbado been ah iyo ballanqaadyo aan rumoobin?

Ma kula tahay inaysan arkaynin in xilalka qaranka lagu tacbayo hanti, laguna naaxinayo qaraabo, qoysas iyo saaxiibo?

Qofna ma saadaalin karo waxa dhici doona mustaqbalka. Laakiin hal xaqiiqo ayay taariikhdu mar walba caddaysaa: marka elite-ka siyaasadeed iyo hoggaanka dalku ka go’aan waaqaca, kana dan la’aadaan duruufaha bulshada, xukunkana iyo siyaasaddana u qaataan meel iyaga u xiran oo ay keligood kala ritaan, waxay carada, ciilka iyo quusta shacabka ogaadaan marka uu qarxo burkaanka ay iyagu abuureen.

06/07/2026
15/06/2026

Hawar gidir oo Runta loo sheegay

04/06/2026

Mudane farmaajo oo uga digay mucaaradka

04/06/2026

Deg Deg hadal jeedin madaxweyne farmaajo

23/05/2026

Gabdha soomaalida sidaan in loo galo raga soomaalida ayaa ka dambeeya

Address

Somalia
Mogadishu
00252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nabad iyo Nolol posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nabad iyo Nolol:

Shortcuts

Share