28/02/2026
🚨 DEG DEG: GANTAALLO TOMAHAWK AH OO LAGU QAADAY TEHRAN!
Warar milateri oo soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaaday caasimadda Iran ee Tehran lagu bilaabay gantaallo nooca Tomahawk cruise missiles, kuwaas oo laga soo riday maraakiib dagaal oo Mareykan ah oo ku sugnaa Gacanka Cumaan.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in tani ay tahay tallaabo si toos ah u furaysa wejigii cusub ee dagaal furan.
🇴🇲 Oman oo mar kale dhexda ku jira xiisad qaraxday
Dalka Oman ayay u noqonaysaa markii labaad iyadoo isku dayeysa dhexdhexaadin, balse wada-xaajoodyadii u dhexeeyay Iran, Israa’iil iyo Mareykanka ayaa la sheegay inay burbureen kahor qaraxa colaadda.
🇺🇸 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarkan ku tilmaamay “bilowga howlgal militari oo ballaaran” oo lagu beddelayo nidaamka is-xukunka Iran.
Trump wuxuu sheegay in la beegsanayo xarumo istiraatiiji ah, wuxuuna dadka rayidka ah ugu baaqay inay guryahooda ku dhuntan