Cadale TV

Cadale TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cadale TV, TV Channel, yaaqshiid, Mogadishu.

30/03/2026

"Laabtiin dejiye". Waa ciidanka dowladda oo gacanta kusoo dhigay qaar ka tirsan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed

Laftagareen haddii laga adkaado, waxaa niyad-jabi doona Shan qolo.* Mucaaradka dowladda oo hadda naftooda ku sasabaya in...
30/03/2026

Laftagareen haddii laga adkaado, waxaa niyad-jabi doona Shan qolo.

* Mucaaradka dowladda oo hadda naftooda ku sasabaya inay Hassan Sheikh Mohamud u diri doonaan teendhadii haddii laga adkaado.

*Jubaland iyo Puntland oo isku dayey in ay loolanka siyaasadeed u leexiyaan mid qabiil, oo Xasan Sheekh ay ku soo dhinac hareen kaliya Galmudug iyo HirShabeelle. Bixitaanka Lafta-gareen wuxuu xaqiijinayaa in Xasan Sheekh raacsan yihiin Koonfur Galbeed, Waqooyi Bari, Galmudug, iyo xildhibaanada waqooyi.

* Kuwii diidanaa in dalkani ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, isla markaana ku fakarayay in dib loogu noqdo doorashooyinkii dadbanaa ee horseeday jahawareerka siyaasadeed iyo is-maandhaafka joogtada ah.

*-Kuwa Hassan Sheikh Mohamud qabiilka uu yahay dartii u diidan, oo hoos iyo kor ugu qaylinaya “Hassan ha dhaco” iyagoo aan daliil iyo sabab macquul ah midna hayn, kana duulaya dareen aan ku salaysnayn danta guud ee qaranka.

* Kuwa neceb dowladnimada Soomaaliyeed, ee qabyaaladda iyo qaylada ka wada Facebook-ga, kuwaas oo danta ay leeyihiin tahay in dowladnimadu burburto, laguna laabto qabyaaladdii iyo colaaddii h**e ee ummadda kala geysay.

Garsoorka Soomaaliyeed oo gaaray heer caalami ah.Waxaa si weyn u soo kordhaya sumcadda iyo kalsoonida lagu qabo garsoork...
30/03/2026

Garsoorka Soomaaliyeed oo gaaray heer caalami ah.

Waxaa si weyn u soo kordhaya sumcadda iyo kalsoonida lagu qabo garsoorka Soomaaliyeed, kadib markii garsoore Soomaaliyeed lagu aaminay inuu dhex-dhexaadiyo kulan caalami ah oo muhiim ah.

Garsoore Kaafi Shiine ayaa caawa saacadda markay tahay 7:00 fiidnimo waqtiga Geeska Afrika, garsoori doona ciyaarta k**a dambaysta ah (Final) ee u dhaxaysa xulalka Rwanda iyo Estonia. Ciyaartan oo ka tirsan tartanka FIFA Series Cup, ayaa lagu qaban doonaa magaalada Kigali, caasimadda dalka Rwanda.

Doorashada garsoore Soomaaliyeed ee kulan heerkan ah waxay muujinaysaa horumarka iyo kalsoonida sii kordheysa ee garsoorka Soomaaliya ku leeyahay fagaaraha caalamiga ah.

Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay garsoorka Soomaaliyeed, waxayna astaan u tahay dadaalka iyo xirfadda ay muujiyeen garsoorayaashu.

Muqdishu 28, March 2026:--Maxk**adda Sare ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si k**a danbays ah u ansixisay do...
28/03/2026

Muqdishu 28, March 2026:--Maxk**adda Sare ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si k**a danbays ah u ansixisay doorashoyinka golayaasha deeggaanka gobalka Banaadir oo si ku meel gaadha natiijadda h**e ugu dhawaaqeen gudigga doorashoyinka qaranku.

Deg-Deg:-Xildhibaan Odawaa oo iska Casilay Xisbiga JSP.!Odawaa ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay eedo waaweyn oo uu uje...
25/03/2026

Deg-Deg:-Xildhibaan Odawaa oo iska Casilay Xisbiga JSP.!

Odawaa ayaa is casilaadiisa ku sababeeyay eedo waaweyn oo uu ujeediyay Madaxweyne Xasan Sida,In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda

2. ⁠Wax-ka-beddelka dastuurka dalka: waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo.

3. ⁠Hannaanka doorashada: waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda.

4. Burburinta dowlad goboleedyada: waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

5. Xannibaadda xildhibaannada: waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey.

Qodobbadaas, iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin oo aan ku kala aragti duwanaanay, ayaan maanta go’aansaday inaan siyaasadda ku kala baxno aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan siyaasad wadaag soo aheyn muddo dheer.

Hadaba, maanta wixii ka dambeeya, waxaan abbaari doonaa jiho siyaadadeed oo ka duwan tii aan muddada dheer ku soo jiray, aniga oo guntiga u xiran doona inaan bahwadaag noqonno cid kasta oo aan ka midoobi karno mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaan u rajeynayaa mustaqbal ummadeed oo ifaya.

Salma Saalax waxay gabar ka dhalatay qoys ka kooban 7 gabdhood iyo hal wiil. Nasiibxumo, halkii wiil wuxuu saxaraha Liib...
25/03/2026

Salma Saalax waxay gabar ka dhalatay qoys ka kooban 7 gabdhood iyo hal wiil. Nasiibxumo, halkii wiil wuxuu saxaraha Liibiya ugu xiran yahay Magefe oo uu kala kulmo jirdil joogto ah, wuxuuna uga baahan yahay lacag madaxfurasho ah.

Si ay u badbaadiso nolosha walaalkeed ayay Sumaya ka qeybgashay tartanka Daaci ee ka socda Nasiye App, si ay ugu guuleysato $20,000 oo lagu abaalmarinayo qofkii gala kaalinta koowaad. Tartanka waxaa ka qeybgalay 120 ruux, Salmana waxay ka mid tahay 4 qof oo u soo gudubtay wareegga ugu dambeeya.

Dhibcaha ugu badan ee tartanka waxaa lagu helayaa codeynta dadweynaha oo ku eg caawa 11:59 PM. Fadlan Salma ku caawi rumeynta riyadeeda oo uga codeey Nasiye App, si ay ugu abaalmarinta ugu guuleysato, walaalkeedna ay Magefe uga badbaadiso.

Lafta-gareen ayaa Kaamiramankiisii u magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Koonfur galbeed.
23/03/2026

Lafta-gareen ayaa Kaamiramankiisii u magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Koonfur galbeed.

Xil-Haynta Xilalka Maamulada Heer Gobol lyo Heer Degmo ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed SoomaaliyaWasiirka Arrimaha ...
22/03/2026

Xil-Haynta Xilalka Maamulada Heer Gobol lyo Heer Degmo ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Markuu arkay: Qodobka 43aad ee Sharciga Lr. 116 ee soo baxay 06/08/2013.

Markuu tigeliyey: Xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Markuu garwaaqsaday: In ay muhiim tahay in laga hortago firaaq maamul oo ku iman kara heer gobol iyo heer degmo, iyo sidoo kale in la ilaaliyo xasilloonida iyo sii wadidda adeegyada maamul iyo kuwa bulshada.

Markuu hubsaday: In madada sare ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku jiraan muddo dhaaf xileed, una baahan yihiin xal waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada.

Wuxuu caddaynayaa:

1. In dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin, ilaa laga soo dooranayo goleyaal cusub oo beddela si waafaqsan sharciga.

2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka lyo Dibuheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la tashanaysa odoyaasha dhaqanka
Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si gaar ah ugu xilsaaran yihiin ilaalinta maamullada dhisan, iyo sidoo kale buuxinta xilalka ka bannaanaada maamulladaas.

Ugu dambeyntii, dhammaan xafiisyada ay khusayso warqaddan oo ay ka mid yihiin Hay'adaha Amniga waxaa la farayaa dhaqangelinta wareegtadan, isla markaana ay ka qataan kaalintooda ku aadan sugidda xasilloonida maamulka iyo hirgelinta nidaamka dowladnimada.

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa sheegtay  in dalku uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, saldhigeedun...
22/03/2026

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa sheegtay in dalku uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, saldhigeeduna yahay shuruucda dalka.

Waxaan guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Cidul-fidriga.Munaasabadd...
19/03/2026

Waxaan guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Cidul-fidriga.

Munaasabadda farxadda Ciida awgeed, waxaan ku boorrinayaa bulshada Soomaaliyeed & ganacsatada in la kaalmeeyo dadka danyarta ah iyo kuwa ay abaartu saameysay.

Address

Yaaqshiid
Mogadishu
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cadale TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category