12/02/2026
🕊️ ALLAHA U NAXARIISTO 🕊️
DEEQ AXMED XEEDAR RAGE (CIGALLE AFRAX)
LIIBAAN AXMED XEEDAR RAGE (CIGALLE AFRAX)
Maanta waxaa la aasay labada marxuum ee walaalaha ahaa, isla dhashay, kuwaas oo si arxan-darro ah loogu dilay deegaanka Calsha Biyaha , waxaana lagu aasay Qabuuraha H**e ee Calamada – Albarkad.
Waxaan mar kale tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Qaranka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii iyo dhammaan bulshada ay ka baxeen marxuumintu, gaar ahaan qoyska ay ka tageen, annagoo la qeybsanayna murugada iyo xanuunka dhacdadan.
Waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha garsoorka qaranka in si dhab ah loo baaro falka lagu dilay marxuuminta, lana horkeeno cadaaladda cid kasta oo ku lug lahayd, si ay u helaan caddaalad buuxda.
🕊️ Allaha u naxariisto marxuuminta, ehelkoodana ha ka siiyo samir, iimaan iyo qalbi deggen.
Aamiin 🤲