XogBaar

XogBaar XogBaar Waa Bog Warbaahineed Oo U Adeegaya Bulshada Soomaaliyeed Warar Sax Ah, Dhexdhexaadna Ah �

25/02/2026

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cali Kaariye, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay deegaannada Galmudug.

25/02/2026

Daruur lagu qabowsaday ayaa ku hoortay deegaanka Kolbiyow degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.

24/02/2026

khadija Abdullahi Daleys AUN || Yaabay Wadano Qisiyo Yaabay Wadano 🤔

24/02/2026

Wasiir Al-Cadaala “Dadka Soomaaliyeed maanta waxaa loo sheegayaa in laga shaqeynayo dan qaran, iyadoo qarankii la kala goynayo aan hal maalin laga hadlin.”

24/02/2026

Somaliland oo Eedayn Culus U Jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh

Maamulka Somaliland ayaa eedayn culus u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud , iyagoo ku dhaliilay arrimo la xiriira siyaasadda iyo mowqifyo ay sheegeen in ay saameyn ku leeyihiin xaaladda guud ee dalka.

24/02/2026

Maareeye Daarood oo Looga Yeedhay Xarunta CID Kadib Markuu Shalay Warbaahinta Lahadlay.

Maareeyaha ayaa wareysigiisa kaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mowqifkiisa ku aaddan citiraadka Somaliland iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

22/02/2026

Rabow Colaad Sokeeye,
Cadaab Lagu Mutaysti
Malaha Caafimaade,
Dagaal Hub Loo Cabaystay
Rabow Bakhtii Colkiisa."

22/02/2026

Villa Soomaaliya: Shirka Wadatashiga Qaran oo Furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku soo...
19/02/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku soo dhoweeyay xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ka jawaabay gogosha wadatashiga ee ay fidisay Dowladda Federaalka.

Kaddib soo dhoweynta, waxaa qabsoomay kulan labo-geesood ah oo u dhexeeya dowladda iyo xubnaha golaha, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka, xoojinta midnimada, gurmadka abaaraha.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo dhinacyada mucaaradka.

19/02/2026

Madaxda Madasha Mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta gaaray xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo lagu wado in uu ka furmo shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo madasha mucaaradka.

Shirka ayaa imanaya xilli ay jireen khilaafaad siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta maanta gudaha u galay Villa Soomaaliya, kadib muddo ay ka maqnaayeen wada-hadallada heer federaal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaas ku soo dhoweeyay masuuliyiinta, iyadoo la filayo in kulankan uu furo bog cusub oo wada-xaajood siyaasadeed ah.

18/02/2026

Gudoomiye Aadan Madoobe

Dooda Dastuurka ee aan ku jirno waa cibaado.”

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when XogBaar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share