Isha News

Isha News waxbin xaqiiqo ah

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay shacabka...
22/03/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay shacabka Soomaaliyeed ugu wargelinayso in dalku uu si rasmi ah u galay marxalad doorasho.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dalku u jiheystay doorasho daahfuran, loo dhan yahay, isla markaana ku salaysan shuruucda iyo dastuurka dalka.

Dowladda ayaa ballan-qaadday in geeddi-socodka doorashadu uu noqon doono mid toos ah, xor iyo xalaal ah (Free and Fair), iyadoo lagu dhisayo mabaadi'da dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Waa Sida Warqada Ku Qoran.

Isha News

DEGDEG :- Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa looga yeeray Gudaha Madaxtooyada.xogta aan helayno ayaa sheegaysa in Madaxweyna...
08/03/2026

DEGDEG :- Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa looga yeeray Gudaha Madaxtooyada.
xogta aan helayno ayaa sheegaysa in Madaxweynaha oo ay wehliyaan Gudoonka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Ansixi doonaan Dastuurka dooda adag ay ka taagantahay ee Dhawaan ay meel mariyeen Xildhibaano katirsan labada Gole.

Hogaamiyaha Cusub ee iran.Waxaa si toos ah talada dalka iran iyo hogaaminta guud oo ah booskii Aayatullah Cali khumeyni ...
01/03/2026

Hogaamiyaha Cusub ee iran.

Waxaa si toos ah talada dalka iran iyo hogaaminta guud oo ah booskii Aayatullah Cali khumeyni la wareegay wiilka khumeyni oo lagu magacaaba mojtaba khumeyni oo la aaminsan yahay inuu umayal adag yahay sida aabihiis.

Aayatullah Cali khumeyni ayaa horay udiyaariyay cidii xukunka ka dhaxli lahayd.
Aayatullah Cali khumeyni ayaa ku geeriyooday da'da 86 sanno jir kaas oo 37 sanno soo hogaaminayay dalka iran.

Taariikh Kooban oo ku saabsan Ayaataullaahi Ali Khamenei Ali Khamenei wuxuu ku dhashay 19-kii Abriil 1939 magaalada Mash...
01/03/2026

Taariikh Kooban oo ku saabsan Ayaataullaahi Ali Khamenei

Ali Khamenei wuxuu ku dhashay 19-kii Abriil 1939 magaalada Mashhad ee dalka Iran, wuxuuna ku soo barbaaray qoys diimeed ku caan baxay cilmiga Islaamka. Dhallinyaranimadiisii wuxuu u hibeeyay barashada shareecada iyo culuumta diinta, isaga oo si tartiib ah ugu biiray dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday xukunkii Shah Mohammad Reza Pahlavi. Mowqifkiisaas adag awgiis, dhowr jeer ayaa la xiray lana cadaadiyay, balse taasi ma wiiqin himiladiisa siyaasadeed iyo aragtidiisa isbeddel doonka ah.

Kacaankii Islaamiga ee 1979 kadib, wuxuu qabtay jagooyin kala duwan oo muhiim ah, waxaana 1981 loo doortay Madaxweynaha Iran, isaga oo ka badbaaday isku day dil oo bam lagu qarxiyay goob uu khudbad ka jeedinayay, taasoo sababtay in uu naafo ka noqdo gacanta midig. Waxa uu xil ka Madaxweynenimo hayay illaa 1989, xilli dalku ku jiray dagaalkii dheeraa ee u dhexeeyay Iran iyo Ciraaq, 1980-1988. Hoggaankiisa muddadaas wuxuu door muuqda ka qaatay adkeynta nidaamka cusub iyo dhisidda awoodda milatari ee dalka.

Kaddib geeridii Ruhollah Khomeini sanadkii 1989, Ali Khamenei waxaa loo doortay Hogaamiyaha Sare ee Iran, jagada ugu sarreysa uguna awoodda badan dalka. Tan iyo markaas, wuxuu si toos ah u hagaa siyaasadda guud, ciidamada qalabka sida, iyo goโ€™aamada istaraatiijiga ah ee qaranka. Mudada dheer ee uu xilka hayo ayaa ka dhigtay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu saamaynta weyn uguna muddada dheer Bariga Dhexe.

Geeridiisa kaddib ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ท Iran ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroordiiq Qaran ah oo xaalad deg deg ah dalka la galinayo.
Xigasho Cabdinasir Iidle

  maxay warka? (Kooban):Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed soo saartay 3 Febraayo 2026.Waxay ku sheegta...
03/02/2026

maxay warka? (Kooban):
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed soo saartay 3 Febraayo 2026.
Waxay ku sheegtay in ay fulisay shuruudii koowaad ee la xiriirta hanaanka wada-tashiga siyaasadeed.
Dowladda waxay โ€œnasiib darroโ€ ku tilmaantay dhacdooyinkii Isniintii 1-da Febraayo 2026, kuwaas oo la xiriira habka uu u dhacay shirkii Golaha Mustaqbalka.
Waxaa lagu adkeeyay in goโ€™aamada masiiriga ah lagu gaaro wadatashi, wadajir, ixtiraam, iyo sharciyad.
Dowladda waxay sheegtay in shirku dib u furmi doono marka wufuudda Golaha Mustaqbalka ay si buuxda uga qaybgalaan.
Waxaa sidoo kale la xusay in Dowladda Federaalka ay ka goโ€™an tahay midnimo qaran, wadajir, iyo mustaqbal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Dhammaadka, Dowladda waxay ku caddeysay in ay ka rajaynayso dhammaan dhinacyada in ay masโ€™uuliyad muujiyaan.

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo saakay ku sugan Xarunta Hayโ€™adda NISA โ€“ Maxaa ka socda gudaha?Madaxweynaha Jamhuuriyadda...
03/02/2026

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo saakay ku sugan Xarunta Hayโ€™adda NISA โ€“ Maxaa ka socda gudaha?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saakay ilaa hadda ku sugan Xarunta Dhexe ee Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), halkaas oo uu ka socdo kulan gaar ah oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo saraakiisha ugu sarreysa Hayโ€™adda.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulankan uu diiradda saarayo arrimaha amniga guud ee dalka, gaar ahaan xaaladaha amni ee ka jira Magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar, sidoo kale qiimeyn lagu sameynayo howlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha amni-darrada ka shaqeeya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu warbixinno toos ah ka dhageysanayo Taliyaha NISA iyo saraakiil kale, kuwaas oo la xiriira:
Khataraha amni ee jira
Howlgallada la fuliyay iyo kuwa socda
Qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga caasimadda
Ilaa hadda war rasmi ah k**a soo bixin Madaxtooyada ama Hayโ€™adda NISA oo faahfaahin ka bixinaya nuxurka rasmiga ah ee kulanka,

Garoonka diyaaradaha ee Khartoum ayaa helay duullimaadkii ugu horreeyay tan iyo markii uu dagaalku ka bilowday ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฉ. Wuxuu...
03/02/2026

Garoonka diyaaradaha ee Khartoum ayaa helay duullimaadkii ugu horreeyay tan iyo markii uu dagaalku ka bilowday ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฉ. Wuxuu garoonku helay duullimaad ganacsi oo si rasmi ah loo qorsheeyey kadib in ka badan laba sano oo hakad ah, taasoo muujinaysa in xaaladdu aysan haatan wali caadi ku noqon laakiin ay jiraan tallaabooyin dib loogu soo celinayo adeegyadii caadiga ahaa.

โœˆ๏ธ Duullimaadka waxaa fuliyey Sudan Airways isagoo ka soo ambabaxay Port Sudan kuna soo dagay Khartoum, waxaana rakaabku kusoo sugnaayeen afar sano kadib markii dagaalku jebiyey isku xirnaanta duulimaadyada gudaha dalka.

๐Ÿ˜Š Dadka goobta joogay ayaa muujiyey farxad iyo raynrayn markii diyaaradda soo degtay, taasoo tilmaamaysa in dadku ay rajeynayaan in garoonku mar kale bilaabi doono duulimaadyo badan oo maalinle ah oo gudaha iyo dibadda ka baxa.

๐Ÿ›ซ Dowladda Sudan ayaa sheegtay in hadda garoonku uu diyaar u yahay inuu qaabilo ilaa afar duullimaad maalintii, taasoo qeyb ka ah dadaallada ay ku doonayaan in dib loogu soo celiyo xiriirkii caadiga ahaa ee ka jiray dalkii ka hor dagaalka.

โš”๏ธ Dagaalka Sudan wuxuu bilaabmay April 2023, markii ay xoogagga dowladda iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF) ku dagaallameen awoodda dalka, taasoo burbur darteed albaabada u xirtay adeegyadii duulimaadyada ee garoonka Khartoum.
Isha News

โ€œโ€œHa moogaanin wararka dhabta ah.Raac boggan si aad ula socoto xog sugan oo la hubiyay.Isha News.โ€
03/02/2026

โ€œโ€œHa moogaanin wararka dhabta ah.
Raac boggan si aad ula socoto xog sugan oo la hubiyay.
Isha News.โ€

Jubbaland:- booliska Degmada Dhooblay ayaa Qabtay koox u gaadhsato ah halkaas oo ay ku soo ban-dhigeen hilibka ugaadha (...
03/02/2026

Jubbaland:- booliska Degmada Dhooblay ayaa Qabtay koox u gaadhsato ah halkaas oo ay ku soo ban-dhigeen hilibka ugaadha (Gariga)
Isha News

03/02/2026

Diyaarada F16 ee dhowaan Turkigu keenay oo saakay iyagoo jawi hoose ku duulaya lagu arkay hawada Muqdisho.

๐Œ๐š๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ซ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐š ๐ฐ๐š๐๐š๐ฑ๐š๐š๐ฃ๐จ๐จ๐๐ค๐š ๐ฅ๐š ๐Ÿ๐ข๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐ž๐ž ๐ฎ ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ฆ๐š๐ซ๐จ  ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š, ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จ๐จ๐›๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐š๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐จ?โ€ Mas'uul ka t...
03/02/2026

๐Œ๐š๐ค๐š ๐ฐ๐š๐ซ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐š ๐ฐ๐š๐๐š๐ฑ๐š๐š๐ฃ๐จ๐จ๐๐ค๐š ๐ฅ๐š ๐Ÿ๐ข๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐ž๐ž ๐ฎ ๐๐ก๐ž๐ฑ๐ฆ๐š๐ซ๐จ ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š, ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จ๐จ๐›๐ญ๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐š๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐จ?โ€

Mas'uul ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Steve Wittkopf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ay qorsheynayaan inay ku kulmaan Jimcaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si ay uga wada hadlaan "heshiis nukliyeer oo suurtagal ah iyo arrimo kale," sida ay sheegeen Reuters iyo Axios.
Mas'uulkaasi wuxuu intaa ku daray: "Madaxweynaha Maraykanku wuxuu ku baaqayaa in heshiis la gaaro, kulankanna waxaa loogu talagalay in la dhageysto waxa ay hayaan inay sheegaan."
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa codsaday in la bilaabo wadahadallo u dhexeeya Maraykanka iyo dalkiisa oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyadoo ay jiraan xiisado kala dhexeeya Washington, taas oo aan meesha ka saarin suurtagalnimada in ay adeegsato awood militari.
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay ilo ka tirsan dowladda oo sheegay in "madaxweynuhu amray in la bilaabo wadahadallo lala yeesho Maraykanka," iyagoo intaa ku daray in "Iiraan iyo Maraykanku ay yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan arrinta nukliyeerka," balse aan la cayimin taariikhda
Isha News

Maxk**ad ku taala dalka Bangladesh ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay raysulwasaarihii h**e ee dalka Bangladesh...
02/02/2026

Maxk**ad ku taala dalka Bangladesh ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay raysulwasaarihii h**e ee dalka Bangladesh oo hada dibad joog ah.

Sheikh Hasina ayaa lagu eedeeyay masuqmaasuq iyo dhul b**b, Bishii November 17, 2025 tii ayaa sidoo kale maxkamdi ku xukuntay xabsi daaโ€™in ka dib banaanbaxyadii ka dhacay dalkaasi Bangladesh ee ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo ruux.

Address

Mogadishu-Somalia
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Isha News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share