Budbud journalist

Budbud journalist Asxabta qaliga ah Fallow dhaha Pogan

Duqa dagmada Afarwaaqo mudane Ahmed Foojaa  iyo wafti uu hogaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaar...
21/11/2023

Duqa dagmada Afarwaaqo mudane Ahmed Foojaa iyo wafti uu hogaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha dagmada Galkacyo ee xaruunta gobolka mudug

Socdaalka waftigaan ayaa ku wajahan dagmada Afarwaaqo

Rer Afarwaaqo waa cusub ayaa u baryay waxaana hor taala fursad weyn oo ay ku noqon karaan dagmo sidaan ka qurux badan

Waxaa Maalintii shale eheed Magaaladda Muqdisho lagu qabtay shirweyne uu Casumaadiisa lahaa Suldaan Xasan macalin siciid...
11/11/2023

Waxaa Maalintii shale eheed Magaaladda Muqdisho lagu qabtay shirweyne uu Casumaadiisa lahaa Suldaan Xasan macalin siciid shirkaas ayaa waxaa ka soo qeebgalay Wasiiro, Agaasimayaal, Ganacsato, Culimo, Haween, Waxgaradka cidda iyo Dhalinyarada kunool Gobalka Banadir ee Barwaqo community.

Kulankaan ayaa intuu socdey lagu soo bandhigay waxqabadka iyo horumarka lataaban karo aygaareen dhalinyarada beesha Reer Nimcaale ee Barwaqo community iyo marxaladihii kala duwanaa aysoo mareen mudadii uu dhisnaa ururka.

Dhalinyarada Reer Nimcaale ee kunool Gobalka Banadir ayaa ubalanqaadey Mayor ka cusub ee Dagmada Afbarwaaqo inee si dhaw ugala shaqeen donaan arimaha Hormarinta, Waxbarashada iyo Bilicsoocelinta Deegaanada iyo Dagmooyinka beeshu ay dagto.

Ugu dambeyntii Suldaan Xasan Macalin Siciid iyo Masuulyiintii mesha ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada adag ay hayaan dhalinyarada kunool gobalka Banadir ee Barwaqo Community ayagoona ubalanqaadey inee wax waliba oo horumar ah laga wada shaqeen doono, ayagoona kuwada dardaarmay in la xoojiyo midnimada iyo isku duubnida cidda.
Gacmo wada jir bay wax ku goyn karaan
Mahadsanid Suldaan Xasan Macalin siciid

Garoonka diyaaradaha degmada Afbarwaaqo oo wajiga kowaad ee dhismaheeda la soo dhameeyaay ayaa saake waxa ka soo degtay ...
05/09/2023

Garoonka diyaaradaha degmada Afbarwaaqo oo wajiga kowaad ee dhismaheeda la soo dhameeyaay ayaa saake waxa ka soo degtay diyaaradii ugu h**eysay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsanaa Ciidanka GorGorM...
01/08/2023

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsanaa Ciidanka GorGor

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta Galmudug ayaa shalay galinkii danbe u fariisatay dhageysiga Dacwad loo heeysto eedeeysanayaal ka tirsanaa Ciidanka Gor gor ee xooga dalka soomaaliyeed kuwaas oo kala ahaa Dable xoogga iidle cumar idiris kana mid ahaa guutada 18 aad ee ururka 6aad ee ciidanka Gor Gor kaas oo xafiiska xeer ilaalintu kusoo eedeeyay inuu dil bareer ah u geystay Allaha u naxariistee Marxuumad Bilan Xaashi Salaad oo uu ku dilay Dagmada Xarardheere taariiqdu markeey aheyd 29/06/2023 iyo Dable Qaasim Ciise Maxamed oo ku eedeysnaa in uu ku caawiyay dilka Bilan Xaashi salaad oo u dhiibay Qoriga dilka lagu geystay

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdullaahi Abuukar xasan (Cabdullaahi Dheere). ayaana ugu h**eeyn u akhriyay labada eedeeysane Dacwadda uu kasoo gudbiyay xafiiska xeer ilaalintu

Intaas kadib waxaa maxkamada la horkeenay Marqaatiyaashii goob jooga ahaa markii uu dhacayay falka dilka ah

Kormeere koowaad Xamdi Maxamuud Maxamed oo aheyd baarihii kiiska ayaa ka warbixisay baritaankii ay sameeyeen iyo natiijadii kasoo baxday

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug G/sare Cabdulaahi Maxamed Muuse keyse ayaa ka codsaday Garsoorka Maxkamada in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Falka ay geeysteen

Qareenkii u doodayay eedeeysanayaasha ayaa isna maxkamada ka codsaday in fursad loo siiyo eedeeysanaha koowaad oo ah iidle Cumar Idiris in ay ka wada hadlaan eheladiisa iyo tan marxuumada geeriyootay isagoo dhanka kalana difaacay eedeeysanaha labaad oo ah Qaasim Ciise Maxamuud

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdullaahi Abuukar xasan ayaa soo xiray shalay fadhigii koowaad Maxkamada shalay

Dhinaca kale Maxkamada oo maanta u fariisatay fadhigii labaad ee eedeeysanayaasha ka tirsan Ciidanka Gor Gor ee XDS ayaa ku dhawaaqday Xukunka

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdullaahi Abuukar xasan (Cabdullaahi Dheere) ayaana ku dhawaaqay xukunka isagoona sheegay in eedeeysanaha koowaad oo ah Dable Xoogga
iidle cumar idiris Barrow ay Maxkamadu ku xuntay dil toogasha ah Halka eedeeysanaha labaad ee ah Qaasim Ciise Maxamed lagu Xukumay Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah ayna u furan tahay racfaan mudada sharcigu qabo

Maanta oo kale Waxaa dhintay 1da August 1996-dii  Gen. Maxamed Faarax Caydiid.General Caydiid wuxuu ahaa geesi Qaaradda ...
01/08/2023

Maanta oo kale Waxaa dhintay 1da August 1996-dii Gen. Maxamed Faarax Caydiid.

General Caydiid wuxuu ahaa geesi Qaaradda Africa usoobaxay wuxuuna noqday nin Dunida hadal hayn badan kadhaliyey kadib markii laga guulaysan waayey si kasta oo layskugu dayey.

Allaha unaxariisto.๐Ÿคฒ

Waxaa Maanta soo dhaweyntii Ugu sareyse Loogu Sameeyay Wafti Uu Hogaaminayo suldaan Xasan Macalin siciid Caasimadda Galm...
18/07/2023

Waxaa Maanta soo dhaweyntii Ugu sareyse Loogu Sameeyay Wafti Uu Hogaaminayo suldaan Xasan Macalin siciid Caasimadda Galmudug Dhusamareb.

Wasiiro, Xilibaano, Masuuliyiin, Haween, iyo Waxgarad Caasimada oo ugu hortagay suldanka iyo wafdigiisa Banaanka Casimadda sidee ugu soo dhaweyaan magaalka, suldaanka ayaa ka bacdina loo galbiyey Hoyga uu ka dagan yahy magaaladda.

Ugu dambeyntiu suldaan Xasan Macalin siciid ayaa Ka Mahad Celiyay Soo dhawynta Loo sameeyay.

16/07/2023

Shaqada Dhismaha afbarwaaqo international Airport oo si habsami leh usocota

Dhismaha Airport ka degmada Afbarwaaqo wuxuu qayb muhiim ah ka qaadanayaa guud ahaan horumar ka Bulshada gobolka Mudug

Budbud journalist

Gudoomiyihii ugu wax qabadka badnaa ee soo Mara Degmada Bitaale Mudane Cabdi Aadan Cabdule oo mudo 2sano ah xilka hayay ...
08/07/2023

Gudoomiyihii ugu wax qabadka badnaa ee soo Mara Degmada Bitaale Mudane Cabdi Aadan Cabdule oo mudo 2sano ah xilka hayay

Gudoomiyaha dagmada bitaale ayaa la filaya in dhawan uu xaflad ku qabto dagmada bitaale Xafladdaas oo kasoo Qeybgali doonaan Odayaasha dhaqanka, Dhalinyarada, culumada io Haweenka

Gudoomiye cabdi aadan ayaa dhawan soo bandhigi doona mudadii 2sano wixii uqabsoomay

Hambalyo Degmooyinka ๐—”๐—ณ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—พ๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ oo kamid noqday Degmooyinka Rasmiga ah ee Dawlada Galmudug kadib markuu An...
21/06/2023

Hambalyo Degmooyinka ๐—”๐—ณ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—พ๐—ผ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—–๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฎ oo kamid noqday Degmooyinka Rasmiga ah ee Dawlada Galmudug kadib markuu Ansixiyey Baarlamaanka Galmudug

08/06/2023

Daawo Gudoomiyaha Dagmada bud bud Maxamad Xirsi bare oo ka War bax shay Xaalada Dagmada bud bud,

๐ŸŽฅNTN Somali TV.

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, wax...
17/05/2023

๐…๐€๐€โ€™๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐๐Š๐€ ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ ๐„๐„ ๐ˆ๐ƒ๐€๐‡๐€

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:

1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.

Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.

๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐จ ๐ข๐ง ๐’๐ฎ๐›๐š๐ ๐š ๐ˆ๐๐š๐ก๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐š๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐š๐๐š๐š๐ฌ ๐ค๐จ๐ซ ๐š๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒ?

Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,

waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,

Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.

Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:

1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.

2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".

Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.

Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.

Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.

Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.

Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.

Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.

Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.

Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.

Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.

Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.

๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc

16/04/2023

Xeebaha Iidaan iyo Afweyn ee hoostagta degmada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

๐Ÿ“ธ

Address

Budbud
Mudug

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Budbud journalist posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Budbud journalist:

Share