Guray Media Production

Guray Media Production Guray Production Is An Indepident Video Production Company

𝗚𝗨𝗨𝗦𝗛𝗔 𝗗𝗘𝗬𝗡 𝗖𝗔𝗙𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗠𝗜𝗗𝗢𝗪𝗚𝗔 𝗕𝗢𝗢𝗦𝗧𝗔𝗗𝗔 𝗔𝗗𝗗𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔 (𝗨𝗣𝗨) 𝗜𝗬𝗢 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗛𝗢𝗪𝗟-𝗪𝗔𝗗𝗘𝗘𝗡𝗔𝗗𝗔 𝗪𝗔𝗔𝗫𝗗𝗔 𝗕𝗢𝗢𝗦𝗧𝗔𝗗𝗔.Xarunta Wasaaradda ...
08/06/2024

𝗚𝗨𝗨𝗦𝗛𝗔 𝗗𝗘𝗬𝗡 𝗖𝗔𝗙𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗠𝗜𝗗𝗢𝗪𝗚𝗔 𝗕𝗢𝗢𝗦𝗧𝗔𝗗𝗔 𝗔𝗗𝗗𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔 (𝗨𝗣𝗨) 𝗜𝗬𝗢 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗛𝗢𝗪𝗟-𝗪𝗔𝗗𝗘𝗘𝗡𝗔𝗗𝗔 𝗪𝗔𝗔𝗫𝗗𝗔 𝗕𝗢𝗢𝗦𝗧𝗔𝗗𝗔.

Xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa maanta lagu qabtay Xafladda soo dhaweynta Guusha deyn cafinta Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyo Dhiirigalinta howl-wadeennada Waaxda Boostada, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Hey'adda Seybarka, Maareeyey ku-xigeenka Hey'adda Dhowrista Xogta, iyo howl-wadeennada Waaxda Boostada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq ayaa sheegay in deyn cafintaan ay tahay guul muhiim ah oo la gaaray, lana si wadi doono horumarinta Boostada Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye oo ka hadlay Xafladda Guusha deyn cafinta ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeyo loogudbi doono sidii loo tayen lahaa adeegga boostada Soomaaliya si shacabka ay ugu faa'iideystaan howlaha muhiim ah ee ugu xiran Boostada.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyey dhameyntirka deyn cafinta xilligaana wixii ka danbeeyey loo gudbi doono howlaha kale ee derista Boostada "Xafladdaan muhiimadda ugu weyn ee loo qabtay waxa ay tahay in la dhiirigaliyo Howlwadeenada waaxda Boostada Wasaaradda, shaqadii ay soo qabteen waxa ay ku muteesteen in la siiyo Shahaado Sharaf, waana waajib in loo mahadceliyey waax walbo oo la timaado shaqo wanaag iyo guul tan oo kale".....ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.

Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa dadaal badan ku bixineyso hirgalinta Adeega Qaran ee Ciwaanada Boostada, (National Post Addressee) waxa uuna fududeen doonaa Ganacsiga iyo adeegyo badan oo bulshada u baahanyihiin.

05/04/2024
23/11/2023

Khasaarihii Buq dharkayn ee maleeshiyada SNM Somaliland

Address

Mugadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guray Media Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Guray Media Production:

Share