12/07/2025
: Bosaaso, 12-July-2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejisay Guddoomiyihii h**e ee Degmada Bosaaso, Mudane Cabdifataax Cismaan Shanle, iyo Guddoomiyaha cusub, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali Jinac.
Xafladda xil-wareejinta ayaa ka dhacday Hoolka Dawladda Hoose Degmada Bosaaso waxaana ka soo qayb galay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri), Gudoomiyaha ku xigeenka 1-aad Ee Barlamaanka Jubaland mas'uuliyiin sare oo ka kala socday labada Gole ee Dowladda, Taliska qaybta Gobolka Bari, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso, ururka haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Guddoomiyaha cusub, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali (Jinac) ayaa lagu soo dhaweeyey jawi diirran waxaana loo rajeeyey inuu xilkaas culus ee loo idmaday ku gudan doono daacadnimo, hufnaan, iyo horumarin baahsan oo ku wajahan degmada Bosaaso.
Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland iyo Dhamaan Mas’uuliyiintii ka qayb gashay xaflada ayaa si weyn u bogaadiyey Guddoomiyihii h**e, Mudane Cabdifataax Cismaan Shanle, iyagoo uga mahadceliyey dadaalkii iyo adeegii uu bulshada u qabtay muddadii uu xilka hayey, una rajeeyey mustaqbal ifaya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland ayaa mar walba garab taagan dawladaha hoose, iyadoo ka go’an tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo taageerada hay’adaha heer degmo, si loo gaaro horumar waara iyo adeeg bulsho oo hufan.