
21/02/2025
Waxaa sidaa bartiisa Facebook ku daabacay janaraal siciid Maxamed Xirsi .
Waxaan hambalyo iyo boggaadiin u dirayaa ciidanka geesiyaasha ee Dowladda Puntland oo gutey waajibaadka ka saaran dalka, diinta iyo dadka, oo cashar lama ilaawan ah u dhigay shir-wadayaasha Argagaxisada ISIS, sidoo kale
waxaan dhiiragalinaya shacabka reer Puntland oo u midoobey cadowga kusoo duuley Puntland, bulshada reer Puntland waxay ku suntanyihiin geesinimo, dal jacayl, garab istaaga Dowladooda iyo ciidankooda, gaar ahaan haweenka reer
Puntland oo si wanaagsan uga dhexmuuqda bulshada, udub dhexaadna u ah jiritaanka midnimada Dowladnimada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed,
Waxaan leeyahay reer Puntland-now waad guulaysateen, waana ka adkaateen kuwii dhagarta wadey, waxaad wax ku tihiin wada jirka iyo midnimada shacabka iyo Dowladda guul iyo gobanimo.
✍️Siciid Maxamed Xirsi
💪👋🙏.