07/05/2026
Waxa badhtamaha suuqa Hargaysa iga afduubay ciidan boolis ah oo aan wadan waaran. Anniga oo la cawaynayna asxaabta oo fadhiya maqaaxida bunka ee Legend Cafe, ayaa waxaan marqudha ku war helay ciidan aad moodo inay xidhayaan argagixiso ama sidii qof wax diley. Kadib waxa ay ii kaxeeyeen saldhiga dhexe ee Hargaysa abaaro 7:30 habeenimo oo ay igu xidheen. Xadhigayga waxa ka dambeeyay rag xukuumada ku jira oo ka dida ka qayb qaadashada arrimaha bulshada, ay gubayso taloxumo la eeday oo mar kale haddii kalidood loo gacan baneeyo horseedi kara xasillooni darro iyo dhibaato galaafata nafo.
Waxaan ahay qof aragtidiisa xor u cabira (qawl iyo qoraal) oo aan habrashada aqoon, isla markaana cabudhin, xadhig iyo hanjabaad u dhul dhigi karin afkaar, abaabul iyo damaca aan waddo laakiin waxa ay dhibtay garab rartadaa ka hinaasaysa abaabulka iyo dhaqdhaqaaqyada lagu binaynayo danta guud ee lagaga hortagayo dib u dhaa kuwaa oo miciin biday xadhig aan hubo inuuna waxba iga dhimayn.
Waxaan u mahadcelinayaa cid kastoo xadhigayga sharci darrada ah ka xumaatay, ka damqatay, kana hadashay iyo dadkii badnaa ee saldhiga igu soo booqday. Si gaara waxaan ugu mahadnaqayaa, dhalinyaradda caasimadda, Xisbiga Kaah, Xaaji Guuleed iyo Xil. Maxamed Abiib oo siideyntayda sabab u ahaa.
WQ Bashir Mohamed