19/11/2025
WAR-SAXAFADEED
Kasoo baxay Odayaasha Dhaqanka Beesha Ciise
Goobta: Ayshaca
Taariikh: 19-11-2025
Odayaasha dhaqanka ee Gandaha ee Beesha Ciise oo u hogaaminayo Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays islamarkaana ka kala yimid dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland ayaa laba maalmood shir ballaadhan ku yeeshay magaalada Ayshaca.
Shirka waxa diiradda lagu saaray masiirka beesha Ciise, midnimada bulshada, iyo diyaar-garowga munaasabadda Xeerka Ciisaha ee lagu qabanayo magaalada Saylac 05-12-2025.
Odayaasha dhaqanku waxay shirka ku adkeeyeen qiimaha iyo sharafta Xeerka Ciisaha, oo ah mid ka mid ah xeerarka ugu fac weyn uguna qiimaha badan ee dhaqanka Soomaaliyeed, oo ah dhaqan boqollaal sano jiray oo beesha ku hagto arrimaha maamulkeeda bulshada iyo wada noolaanshaha.
kaas oo lagu xalliyo khilaafaadka, lagu ilaaliyo nabadda, laguna hubiyo
caddaaladda iyo guud ahaan bulshada, Ahna Tiir mideeya beesha Ciise, kana mid ah astaamaha ay dadka Ciise ku faanaan. Islamarkaana ay Hay’adda UNESCO aqoonsatay, taas oo muujinaysa qiimaha uu leeyahay bulshada iyo dhaxalka dhaqanka Soomaaliyeed ee aan la taaban karin.
Intii uu shirka socday, waxa sidoo kale lagu gorfeeyay diyaar-garowga munaasabadda Xeerka Ciisaha ee sanadkan lagu qabanayo magaalada Saylac, Iyaada oo saddexda dal ee ay beesha Ciise degto. Labo ka mid ah munaasabadahaasi h**e loogu soo qabtay ay ka mid yihiin Diridhaba iyo Jabuuti, halka munaasabadda ugu dambaysa lagu qaban doono Saylac 05-12-2025, oo ah maalinta rasmiga ah ee lagu dhawaaqay xeerka.
Munaasabadda Xeerka Ciisaha ee lagu qabanayo Saylac waxay leedahay muhiimad gaar ah, sababtoo ah waxay dib u xasuusinaysaa bulshada meelihii uu dhaqanku ka unkamay, islamarkaana lagu soo qabtay 19 Ugaas ee beesha Ciise, waxayna xoojinaysaa in Saylac weli tahay ilayska dhaqanka Ciisaha iyo hoyga dhaxalka soo jireenka ah ee lagu faano.
Saylac, oo ka tirsan gobolka Salal, waa magaalo taariikhi ah oo si gaar ah ugu xirdhan dhaqanka iyo dhaxalka Beesha Ciise. Taariikh ahaan, Saylac waxay ahayd mid ka mid ah meelihii ugu horreeyay ee ay Odayaasha Beesha Ciise u fadhaysteen Xeerka halkaas oo ay ka dhiseen una aas-aaseen Xeerka Ciisaha ee maanta u taagan nabadda, caddaaladda iyo wada noolaanshaha bulshada
Shirka oo maanta si nabad galayo ah kusoo dhamaaday ayaay Odayaasha dhaqanka kasoo saare Qodobo muhiim ah waxaana ka mid ah.
1. In munaasabadda Xeerka Ciisaha lagu qaban doono maalinta rasmiga ah ee 05-12-2025, iyadoo wax isbeddel ah lagu samayn ballantii Odayaasha gandaha ee beesha iyo Xukuumadda Somaliland ay ku heshiyeen.
2- waxa la faraaya dhamaan guddiyada Somaliland ee u xilsarnaa qaban-qaabada xuska sanad-guurada koowaad ay tagan magaalada sayla, isla markaana diyaariyaan goobaha ay munaasabadu lagu qaban lahaa.
3- In munaasabadda ay si nabad ah, ammaan iyo xasillooni leh u dhici doonto, islamarkaana bulshada looga baahan yahay ka qaybqaadasho iyo ilaalinta nabadda.
5- Waxaan baaq u diraynaa dhammaan Ugaasyada, Salaadiinta, Garaadada iyo madax-dhaqameedyada kale ee Soomaaliyeed in ay ka soo qayb galaan munaasabaddan si loo muujiyo midnimo iyo qadarin dhaxalka dhaqanka.
5- Waxaan Madaxweyne Somaliland Cabdiraxmaan iyo maamulkiisa ugu baaqaynaa in ay nabadgalyada iyo xasilloonida Gobolka Salal kala shaqeeyaan guddiyada dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolka, isla markaana martida imanaysa munaasabaddaasi siiyaan daryeel gaar ah.”
6. Shirku wuxuu digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay caqabadayso ama khalkhal galiso amniga munaasabadda, iyadoo la caddeeyay in aan la aqbali doonin wax kasta oo fawdo ama amni-darro abuuri kara.
DHAMMAAD.
ODAYAASHA GANDAHA EE BEESHA CIISE
ALLE AYAA MAHADLEH.