06/09/2025
EEX QARSOON IYO QABYAALAD FURAN: SU’AALO LOOGA FADHIYO MAREEYAHA HAAMAHA IYO KAN DEKEDDA BERBERA
Waxaa runtii la yaab iyo niyad-jab ku noqotay dadkii la socday xaaladda waxbarasho ee gobolka Saaxil, gaar ahaan degmada Sheekh, markii ay banaanka timid arrin muujinaysa kala eexasho muuqata oo ay ku kaceen laba mas’uul oo xilal culus u haya qaranka, gaar ahaan gobolka Saaxil – kuwaas oo kala ah Maxamed Sidiiq Dhame, Mareeyaha Haamaha Shidaalka Qaranka, iyo Cali Diiriye, Mareeyaha Dekedda Berbera.
Labada masuul waxay si badheedh ah ugu kala eexdeen ardayda dhigata labo dugsi oo mataano ah, kuwaasoo labaduba laga dhisay deegaanka Ciise Muuse intii u dhaxaysay 2010–2013, waana Dugsiyada Sare ee Dabaylwayne iyo Dubur. Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee jaamacadaha gudaha dalka waxaa si buuxda loogu hibiyey ardayda Dugsiga Dabaylwayne halka ardayda dhigata Dubur – oo iyaguna deegaankaas ah – aan xitaa mid keliya laga xusin ama laga xulan barnaamijyadaas waxbarasho.
Maxaa Dhacay?
Markii si rasmi ah loo shaaciyey in 20 arday oo kaliya laga siiyey deeqaha waxbarasho Dugsiga Dabaylwayne, halka waxba aan la siin Dugsiga Dubur – dad badan baa arrintaasi u arkay mid ka turjumaysa qabyaalad hoose, maangabnimo siyaasadeed, iyo eex si xun u qariisan oo hor leh oo aan h**e uga dhicin Saaxil.
Waxaa la filayay in mas’uuliyiinta sare ee gobolka, gaar ahaan kuwa xilalka qaranka haya, ay u sinaadaan bulshada oo dhan, ayna furo u noqdaan fursado siman – balse nasiib darro, waxaa muuqata in masuuliyadda laga dhigay mid deegaan gaar ah u xiran, lagana dhigay albaab eexda iyo xulafaysiga hoose lagu galo.
Su’aalaha La Isweydiinayo:
Miyay labada masuul u hayaan xilka Saaxil oo dhan mise keliya beelaha ay kasoo jeedaan?
Maxaa sababay in laba dugsi oo mataano ah oo si isku mid ah u shaqeynayay loo kala eego si caddaalad ka fog?
Miyay ardayda Dugsiga Dubur dembi u galeen in deeq waxbarasho laga eego?
Xagee buu ka marayaa doorkii wasiirrada gobolka iyo xildhibaanadii deegaanka?
Doorka Ay Ka Gaabiyeen Mas’uuliyiinta Kale:
Wasiir Cumar Shuceyb, oo xubin ka ah xukuumadda, si cad uma muujin dareen dhab ah oo uu uga falceliyo eexdan muuqata. Sidoo kale Guddoomiyihii Xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi, inkastoo uu deeqo ballaaran ka bixiyay munaasabaddaas, ma sheegin sababta iskuullada loogu kala eexday – taas oo su’aal gelinaysa dareenka masuuliyiinta ee sinnaanta bulshada deegaanka.
Tusaalaha Fiican Ee Cabdishakuur Cidin:
Waxaa mudan in halkan lagu xuso Maayarka Magaalada Berbera, Cabdishakuur Cidin, oo sanad walba bixiya deeq waxbarasho oo gaaraysa 300 arday – isagoo aan eegayn deegaanka, beesha ama asal-kooda. Waa tusaale ay tahay in laga barto – mas’uul laga filan karo in uu hoggaan u noqdo midnimo iyo cadaalad.
Talo Iyo Tusaale:
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Ciro, waxaan ugu baaqaynaa in uu dib u qiimeeyo magacaabista masuuliyiinta heer qaran ee ka howl-gala gobolka Saaxil, si looga hortago eex iyo qabyaalad dumin karta rajada dhalinyarada.
Wasaaradda Waxbarashada waa in si degdeg ah u faragelisaa arrintan oo hubisaa in la siiyo fursado siman ardayda dhammaan dugsiyada deegaanka, gaar ahaan kuwa aan cod laheyn ama aan mas’uul ka muuqda u oolin.
Dugsiga Sare ee Dubur, waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah loo siiyo deeqo waxbarasho oo lamid ah kuwii la siiyay Dabaylwayne – haddii kale waxay dhaawacaysaa kalsoonida dadweynaha ku qabeen nidaamka waxbarasho ee dalka.
Ugu danbayn:
Reer Saaxil, gaar ahaan dadka degmada Sheekh, waa in aanay u dulqaadan cadaalad-darro muuqata iyo kala eexasho aan geed loogu soo gaban. Haddii la eexdo maanta, berri waa la takoori doonaa, waxaana la lumin doonaa rajadii dhalinyarada ku haysteen in ay wax ku bartaan si xor ah, sinnaan ah, iyo xaq ah
Qore Ahmed Abdirahman