Sheikh Network Tv

Sheikh Network Tv Warbaahin madax bannaan oo diiradda saarta dhacdooyinka Saaxil & Somaliland. Sheikh Network TV – Hal-abuur & xaqiiqo isku dhafan.

Waxaan sida ugu adag u canbareynayaa dilka foosha xun— Argagixisada ah ee lagu toogtay labada marxuun!!Ha'yadaha Amaanka...
20/07/2025

Waxaan sida ugu adag u canbareynayaa dilka foosha xun— Argagixisada ah ee lagu toogtay labada marxuun!!
Ha'yadaha Amaanka iyo Dawlada— Somaliland Waxaan ugu baaqayaa inay soo cadeeyaan cidii falkaa fulisey!!!?.

FG; wax la aqbali karo maaha dilbaa dhacay, cidii gaysateyna ma hayno dawladeey!! falkaan meel kusheega.....!!!
Sultan Ayaanle Sultan Mohamed

20/07/2025

Ugaas Cali Axmed Aadan- "Geesiga dhabta ahi waa ninka Nabadda taageera.."

Suldaanka Guud Ee Warsangeli Oo Isugu Yeedhay Madaxdhaqameedka Beeshiisa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa Hadhimo...
20/07/2025

Suldaanka Guud Ee Warsangeli Oo Isugu Yeedhay Madaxdhaqameedka Beeshiisa

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa Hadhimo Sharafeed u sameeyey Isimada iyo odayaasha dhaqanka ku sugan Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Sanaag.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐮𝐮 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚Madaxweynaha Jamhuuriyadda Som...
20/07/2025

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐮𝐮 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika (Supreme Council for Arab-African Economy) oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga oo ka koobnaa 9 xubnood, waxa hoggaaminayey Madaxweynaha Golaha Mudane Dr. Haani Hassan Abu Zayid.

Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika ayaa ah urur ama madal ay ku bahoobeen Maal-qabeeno Caalami ah, Ganacsato waaweyn iyo Maalgashadayaal culus oo ka socda dalal kala duwan. Golahan waxa lagu aasaasay dalka Faransiiska, waxana uu ka diwaan gashan yahay UN-ka, fadhigiisuna waa dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay arrimo muhiim u ah labada dhinac, oo ay ka mid yihiin fursadaha Maalgashiga ee yaalla Somaliland, ballaadhinta ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, iyo ka wada shaqaynta iskaashiga gobolka.

Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Saciid Maxamed Buraale oo weftigan ku soo dhaweeyey dalka, kulanna kula yeeshay Wasaaradda (shalay)
ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedada booqashada weftiga Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika, isaga oo sheegay:

1. In weftigu ay Indho indheeyaan fursadaha Maalgashiga iyo kuwa Ganacsi ee yaalla dalka Somaliland

2. In weftigu ay kulamo la yeelan doonaan Hay’adaha Dawladda JSL ee ka mas'uulka ah khayraadka dihin ee ay Somaliland hodanka ku tahay, gaar ahaan Macdanta, Xoolaha nool, Kalluumaysiga iyo Beeraha

3. In Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika ay xarun ka furanayaan dalka Somaliland,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu uga xog-warramay buqcadda istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo, amniga iyo xasiloonida ka jirta dalka, dawladnimada la isku hallayn karo iyo hannaanka dimoqraadiga ah ee ka hirgalay Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu weftiga u soo jeediyey in ay sahamiyaan meelaha la iska kaashan karo, gaar ahaan dhinacyada khayraadka dabiiciga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo ganacsiga.

Weftigu waxa ay bogaadiyeen horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay, waxana ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada Maalgashiga, Ganacsiga, horumarka iyo in si wadajir ah looga faa’idaysto fursadaha horumarka ee yaalla Somaliland.

Gababadii, kulankan ayaa ku soo dhamaaday is af-garad iyo in Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika ay booqdaan, kulamo la yeeshaan Hay’adaha Dawladda ee ka mas'uulka ah
meelaha ay danaynayaan.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

TACSI TIIRAANYO LEHSuldaan Ayaanle Suldaan Mohamedإِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَكل نفس ذائقة الموتSuldaan Ay...
18/07/2025

TACSI TIIRAANYO LEH
Suldaan Ayaanle Suldaan Mohamed

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
كل نفس ذائقة الموت

Suldaan Ayaanle Suldaan Mohamed wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo ehelka ay ka baxday YAASMIIN GAARUF oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa — Alle ha u naxariisto, qabrigeeda ha u nuuro, Jannada Firdowsana haka waraabiyo.

Suldaanku wuxuu si gaar ah uga tacsiyadeynayaa reer Cabsiiye iyo reer Gaaruuf, isagoo la qaybsanaya murugada iyo xanuunka ay geeridan naxdinta leh reebtay.

Waxaan leenahay:
Samir iyo iimaan saadiq ah ha idinka siiyo Rabbigeen, naxariistii Janno ha ka waraabiyo marxuumadda.

Geerida Waa xaq, Alle ha inaga wada siiyo adkeysi iyo rajo wanaagsan.
Sultan Ayaanle Sultan Mohamed

Sawir ka jimcaha Halyeyada Horumarka Degmada SheikhMayar Ismaaciil Xuseen Cali iyo Mayar ku xigeenka Maxamed Faarax Axme...
18/07/2025

Sawir ka jimcaha

Halyeyada Horumarka Degmada Sheikh

Mayar Ismaaciil Xuseen Cali iyo Mayar ku xigeenka Maxamed Faarax Axmed waa laba masuul oo si wadajir ah uga shaqeeya horumarinta degmada Sheikh, gaar ahaan dhanka adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana taariikhdu xusi doontaa dadaalkooda.

Agaasimaha Cisbitaalka Sheikh, Hamse Maxamed Diriye, waa shaqsi daacad ah oo si hagar la’aan ah ugu adeega bulshada, inkastoo ay jiraan duruufo adag. Wuxuu si joogto ah ugu heelan yahay baahinta adeegyada caafimaad ee degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada.

Ugu danbayn: Saddexdan halyey waxa ay tusaale u yihiin masuuliyad, daacadnimo, iyo u adeegidda bulshada. Waana haldoorkii hormuudka ka noqday horumarka Sheikh.

Mayor Ismail Hussein
Mohamed Farah Ahmed
Hamse Mohamed Dirie

Suldaan Ayaanle Suldaan Mohamed
18/07/2025

Suldaan Ayaanle Suldaan Mohamed

16/07/2025

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta beeraha Mudane Mohamed Ahmed caynaashe ayaa uga mahadnaqay wasiirka beeraha sida quruxda badan ee uu ga soojawabey dalbakiisii.

Wasiir maxamud cige yusuf waxan balan ugu qaaday inuu gaadhiisii idamka ilaahay isaago kaasii wacnaada mooyane aanu daayacmin oo u noqon doonana gaadhiga ugu wanagsan dhamana gobolada dalka ka wasaradan ahan.

Waxan halakan marlabad uga mahadnaqayaa wasiirkayaga wasarada horumarinta beeraha JSL waasir Maxamud Cige Yusuf sida kartiida iyo hawlkarnimada leh ee uu uga soo jawabay dalabkayagii kowaad kaa gobol ahaan.

Maktabada akhriska ee Degmada Sheekh waxa ay kugu marti qaadaysaa muxaadiro (Public Lecture) ciwaankeedu yahay “Sidee ba...
15/07/2025

Maktabada akhriska ee Degmada Sheekh waxa ay kugu marti qaadaysaa muxaadiro (Public Lecture) ciwaankeedu yahay “Sidee bay bulshadu uga qayb qaadan kartaa horumar waara oo qaranku gaadho” (How Local Communities Drive Sustainable National Development). Muxaadirada waxa inoo soo jeedin doona Mubarak Cabdillaahi Ibrahim (Daljir) oo ku takhasusay culuumta horumarinta dhaqaalaha (Development Economist), ahna bare sare (senior lecturer) oo jamaacadaha dalka ka ka dhiga culuumta dhaqaalaha.

Aqoonyahanka, dhallinyarada iyo dadweynaha Degmada Sheekh waxa lagu marti qaadayaa inay kasoo qayb galaan kulankan muhiimka ah ee aqoon korodhsiga ah.

Goobta: maktabada akhriska ee Sheekh (Sheikh Public Library)
Goorta: khamiis 17 July, 2025
Wakhtiga: 7:30 pm

Ka qayb galkaagu waa noo mihiim.

Waxa qoraalka bartiisa Facebook ku soo baahiyay Aqoonyahan Abdul Jabaar Muhamed QamariyeWaa nin hankiisu yahay dal iyo d...
15/07/2025

Waxa qoraalka bartiisa Facebook ku soo baahiyay Aqoonyahan Abdul Jabaar Muhamed Qamariye

Waa nin hankiisu yahay dal iyo dad hogaamin,aan markhaati gashto dhawr qodob.
1.Shirkii dhaqan ee beeshiisu ku qabsatay magaalada sheekh ee lagaga arinsanayay doorashada golayaasha(2012) ayuu cabdirashiid kala kulmay garab isaga lid ku ah,waxaana halkaas lagu garbo duubay damaciisii balse waxuu gaashaanka u daruuray yoolkiisii.Waxa xusid mudan inuu noqday xildhibaan muga codka beeshiisa iyo dhaqaale buuran toona ku tartamin balse guulaystay.
2.Tartankii golaha hada jooga waxuu cabdirashiid waajahay awoodo faro badan oo markale codka deegaankiisa ku cidhiidhyay,taas bedelkeeda waxuu siyaasad qaangaadhay ku helay codad labada degmo doorashaba ka soo jeeda.
3.Waa maskaxdii dihatay duufaantii HIIL DEEGAAN ee xisbiga kulmiye ku halakaysay tartankii doorasho ee wadani ku guulaystay.
4.Gudida dan iyo duco waxay maayarnimada berbera la rabtay cabdirashiid,halka cidin ay gudidu u sheegtay inay ku qanceen dhukur balse haduu kuu tanaasulo anagu raali baanu ka nahay,sidaasna cabdirashiid uu u tanaasulay saaxiibkii cidin oo isna balan qaaday inuu doorka danbe dhiso mase dhicin ee tartan xanaf leh ayay iswaajaheen.

Beelwaynta ciise muuse maanta waa siyaasiga iyo xisbiyahanka ugu xilka sareeya markay joogto hogaanka saraakiisha xisbiyada dalka,sidaas darteed xisbiga wadani iyo beesha ciise muuse waa hogaamiye iyo fursad siyaasadeed oo ay haystaan cabdirashiid dhukur.

Qoraalkan Waxa bartiisa Facebook ku soo qoray Ahmed Abdirahman Wadaadyare QORAAL MUHIIM AH OO KU SAABSAN MATALAADDA BEES...
15/07/2025

Qoraalkan Waxa bartiisa Facebook ku soo qoray Ahmed Abdirahman Wadaadyare

QORAAL MUHIIM AH OO KU SAABSAN MATALAADDA BEESHA CIISE MUUSE.

● Matalaad Dhab ah oo Salka Ku Haysa Aqoon, Khibrad iyo Kalsooni Bulsho
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga WADDANI, Mudane Abdirashiid Maxamed X. Yuusuf, waa siyaasi si buuxda u metela beesha Ciise Muuse. Waa shaqsi la yaqaan, sumcad leh, khibrad fog u leh siyaasadda dalka, kana war haya xaaladda dhabta ah ee deegaanada uu metelo.

● Khibrad Dheer iyo Ka Talo-gal Siyaasadeed
Abdirashiid waa shaqsi muddo dheer kasoo dhex muuqday arrimaha siyaasadda, horumarka deegaanka, iyo dhismaha xisbiyada qaranka. Waxqabadkiisa iyo doorkiisa firfircoon ee xisbiga WADDANI ayaa si cad u muujinaya sida uu uga go’an yahay horumarka bulshada uu matalo.

● Ka Warhaynta Dhabta ah ee Deegaanka iyo Dadka
Waa siyaasi si dhab ah ugu dhashay, ugu koray, uguna shaqeeyey gudaha dalka. Waxaa uu si qoto dheer u yaqaannaa deegaanka beesha Ciise Muuse, baahiyahooda, dareenkooda, iyo hiigsigooda. Taasina waxay u suurtagelisay inuu noqdo codkooda iyo matalaadooda saxda ah.

●. Lama Barbardhigi Karo Qurbejoog aan Waqti la Qaadan Dadka
Matalaadda beesha Ciise Muuse looma hibeeyo shaqsi aan dalkaba aqoon, aan deegaanka dhex galin, oo aan wax taariikh ah ku lahayn bulshada dhexdeeda. Si kasta ha u hadlo ama ha u hadal wanaagsanaado, k**a dhaxli karo dad aan weligii la noolaan, waxna la qaban.

● U Qalmidda Joogitaanka Meesha Uu Joogo
Guddoomiye Ku-xigeen Abdirashiid Maxamed X. Yuusuf waxa uu kursiga uu joogo ku kasbaday aqoon, karti, iyo kalsooni dadweyne, mana aha mid si fudud loogu beddeli karo shaqsi aan lahayn halbeegyadaas muhiimka ah.

● Xisbiga WADDANI iyo Qadarinta Beelaha Qaran
Xisbiga WADDANI waa xisbi qaran oo dhowra miisaanka iyo matalaadda beelaha. Sidaas darteed, matalaadda beesha Ciise Muuse waxaa lagu ixtiraamaa si waafaqsan doorkooda siyaasadeed, dhaqan ahaan iyo deegaanka ay ku leeyihiin qaranka.

● Ugu danbayn:
Beesha Ciise Muuse waxay leedahay matalaad sharaf leh, kana muuqata dadkii u qalmi lahaa. Mudane Abdirashiid Maxamed X. Yuusuf waa mid kamid ah tiirarka matalaaddaas, waxaana la gudboon dhammaan beesha iyo xisbiga in la ixtiraamo xaqa uu u leeyahay matalaadda, lagana hortago in lagu beddelo shaqsi aan lahayn xidhiidh muuqda oo la taaban karo oo bulshadaas dhexdeeda ah.

Maanta waxaan ka qayb-galay kulan muhiim ah oo Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi kulan kula yeesha...
15/07/2025

Maanta waxaan ka qayb-galay kulan muhiim ah oo Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee kala ah Xisbiga WADDANI, Xisbiga KAAH iyo Xisbiga KULMIYE.

Kulanka Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta midnimada iyo wada-jirka Qaranka, ilaalinta xasilloonida Siyaasadeed ee dalka, iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa arrimaha masiiriga ah ee Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland taabanaya.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga muxaafidka ah ee waddani md Abdirashiid Mohamed X.yuusuf.

Address

Sheikh

Telephone

+252634895082

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sheikh Network Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sheikh Network Tv:

Share