Yufle media

Yufle media Weriye kashaqeeya Arimaha Bulshada

Iskuulkii Dayaxa Muxuu Isbedel Aqooneed ku soo kordhiyey Bulshada reer Sanaag????Iskuulka faca-weyn ee hoyga ah ee dayax...
01/09/2025

Iskuulkii Dayaxa Muxuu Isbedel Aqooneed ku soo kordhiyey Bulshada reer Sanaag????
Iskuulka faca-weyn ee hoyga ah ee dayaxa waxa la dhisay waqtigii gumaystaha 1957, wuxuuna ka mid ahaa seddexdii iskuul ee waqtigii gumaystaha Somaliland laga
hirgeliyey oo kala ahaa; Shiikh, Camuud iyo Dayaxa. Iskuuladani waxay waqtigaas
doorweyn ka ciyaareen hanaqaadkii aqooneed ee reer Somaliland waxana ka soo baxay
dad badan oo qiimoweyn dad iyo dalka ba ku leh oo ah dadka weli hogaamiya reer
Somaliland, dhamaan lixda madaxweyne ee Somaliland soo maray waxay ka soo
aflexeen iskuuladan, iyaga iyo aqoonyahan kala oo aan la soo koobi karin. Waqtigii burburkii dagaaladii dalka dib loogu xoraynayey dhamaan iskuuladani way
xidhmeen. Ka dib markii Somaliland xoriyadeedii dib ula soo noqotay waxa dib loo furay
Iskuulkii Camuud oo loo bedeley Jaamacada Camuud 1998, Jaamacadda Camuud
waxay waxweyn ka bedeshey heerkii aqooneed ee Somaliland iyada oo daraf ka daraf
gaadhey aqoontii ay bixinasey, siweyna u anfacday Somaliland oo dhan, waxay kor u
qaaday tayadii waxbarashada. Waxa ku xigey iskuulka hoyga ah ee Shiikh oo dib loo hawl-geliyey sanadii 2002, isaga
oo noqday Iskuul heer caalami ah oo buuxiyey dhamaan shuruudaha halbeega
waxbarasho ee caalamiga ah (Internationally Recognized Academic Standards), wuxuuna noqday xarunta lagu galo imtixaanka caalamiga ha ee IGCSE, iyo meel looga
kala yimaado dhamaan gobolada Somaliland wuxuu iskuulka Shiikh ka soo dhalaalay
ujeedadii loo dhisay ee ahayd kor u qaadista tayada aqoonta iyo inuu soo saaro jiil la
jaan qaadikara caalamka, sababaha guusha iskuulka Shiikh waxaa loo sibir saaraa
dhinaca maamulka iskuulka oo mar walba lagu eegayey il aqooneed,(merit based
selection), laakiin aan shuruud looga dhigin arimo degaan iyo mid reereed toona. Iskuulka hoyga ah ee Dayaxa oo in dib loo dhisaa waqti dheer qaadatay, waxa dib loo
hawl-geliyey 2016, ka dib markii Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland
Development Fund) laga maal geliyey, dadka reer Sanaag ayaa siweyn u saadaalinayey, iyaga oo filayey inuu ka haqabtiridoono tayada aqooneed ee ay muddada dheer
goboladda dhigooda ah uga martida ahaayeen, ugu danbayn reer Sanaag waxay heleen
dhisme qurux badan iyo deegaan kii Dayaxa oo loo diyaarshey goob waxbarasho oo
heer sare ah, waxana soo dhowaatey filashadii rajadaweyn xambaarsanayd ee ahayd in
Sanaag hesho Iskuul la tartama; Abaarso, Burco Academy iyo Shiikh. Maanta oo
Iskuulkii hoyga Dayaxa furan yahay ku dhowaad 10 sano, filashadii reer Sanaag maxaa
ka qabsoomay, maxaa ka qabyoobey, maxaase qorshe ah?
Khayraad kasta oo aad heshaa haddii anaad sifiican u maamulan lagama gurto midhihii
laga filayey, waxaa maanta cad in aanu iskuulkii Dayaxa buuxin kaalintii laga filayey, taas oo loo nisbaynayo, maamul xumo ku dhisan qabyaalad aan laga fekerayn midhaha
iskuulku soo saarayo lakiin laysku haysto manfaca laga helayo, inay iskuulka
maamulayaan dad aan ka fekerayn in iskuulka Dayaxa yeesho magacii iyo tayadi waxbarasho ee lagu yaqaaney iyo isla xisaabtan la aan dhinaca wasaaradda

waxbarashada. Isla bilawgiiba iskuulka Dayaxa wuxuu ka leexday tubtii aqoonta kadib markii si

reernimo ah oday loogu cimaamaday maamulaha iskuulka halkii ay ahayd in

maamulaha iskuulka lagu soo xulo hab ku dhisan tartar daah furan, taas oo aynu

maanta midheheedii guranayno, wax kasta oo bilawga qaloocda way adagtahay sida loo

toosiyaa, maanta iskuulkii Dayaxa oo dawladdu miisaaniyad badan ku bixisaa ma jirto

wuxuu ku dhaamo iskuullada dawladda ee Cergaabo dhexdeeda ku yaala, kuwa gaar ka

loo leeyahayna tayo ahaan wuuba ka hooseeyaa, wuxuu noqday iskuulkii meel

qabyaadada lagu falkiyo, oo ay isku haystaan maamulkiisa reeraha wadadega Dayaxa. Iskuulka Dayaxa wuxuu ka sii dhacayaa haadaan, waxaa sii lumaysa sumcaddii, tayadii

iyo kalsoonidii dadka reer sanaag ku qabeen. Muranka soo noqnoqda ee dugsiga qaybta

ugu wayn waxa ka qaatay isuduwaha wasaarada waxbarashada ee gobolka Sanaag

Axmed Hurun Kaar oo si badheedh ah ula soo safta reerkooda . Xukuumada waxa la gudboon inay qaado talaabooyinkan

A. In qiimayn lagu sameeyo iskuulka hoyga Dayaxa tayadiisa waxbarasho iyo hab

Maamulkiisa

b. In la xayaysiiyo, si daahfurana loogu tartamo maamulaha iyo maamule ku

xigeenka iskuulka

c. In iskuulka lala mataaneeyo iskuulada digiisa ee Abaarso, Burco Academy iyo

Shiikh. Tani waa sida keliya ee lagu badbaadin karo iskuulka kharashka badani galay, baahida

Weyna bulshadu u qabto ee maamul xumo darteed fadhiidka u noqday. Hal qof oo hodma bulshada oo aqoonta laga haqabtiraa dhaanta.

01/09/2025

Ceerigaabo iyo jewi Rooban ❤️⛈️

Xisbiga Kulmiye oo ku qanci waayey raalli gelintii madaxweyne Cirro uu ka bixiyey hadalkii uu shalay ka sheegay xafladdi...
01/09/2025

Xisbiga Kulmiye oo ku qanci waayey raalli gelintii madaxweyne Cirro uu ka bixiyey hadalkii uu shalay ka sheegay xafladdii Wadaag Banka kaas oo ahaa in uu saami ku yeelanayo, iyaga oo dalbaday in Goleyaasha sharci dejintu talllaabo ka qaadaan.

01/09/2025

Waxaa Lasoo Sheegay Inay Dhiig Baxayaan Asxaabti La Socotey Alle Haunaxariiste Safwaan Halac Waana Ladiide In Ladaweeyo Waxaan Dawlada Somaliland Ka Codsanaya In Ladaweeyo Dadka Aniga Ayaa Damaanad Qaadaya Masuuliyadoda Fanaan Qamar Suugaani

  Alla ha unaxriistee Waxaa Hada Shil Gaadhi Ku  Geeriyooday Mid kamid ah Fananta Ugu Caansan Dhalyarada Fanka Danbe Ee ...
01/09/2025

Alla ha unaxriistee Waxaa Hada Shil Gaadhi Ku Geeriyooday Mid kamid ah Fananta Ugu Caansan Dhalyarada Fanka Danbe Ee Casriga ah Ee Safwaan Halac Kaasi oo Mudooyinkii Udanbeeyay Ku sugnaa Magalada Hargaysa Ee Caasimada Somaliland..

01/09/2025

Haddii ALLE Salaada Subax ku Waafajiyey Cafimaadna Ku Soo Kacday
Ku Shugri Allahii Ku Abuuray oo
Dheh
ALXAMDULILAAH

31/08/2025

Waan Ku Dagaalamaya waan Ku Dhimaya Waan Ku Difaacaya…” Waa Kalmado Kaso Yeeshay Qaar Kamida Xoogaga Ciidanka Qaranka Soomalilnd

83, daqiiqo gool Dominik Szoboszlai Liverpool 1-0 Arsenal
31/08/2025

83, daqiiqo gool Dominik Szoboszlai

Liverpool 1-0 Arsenal

31/08/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Hadlay Dad Kasoo Jeeda Qoomiyada Oromada Oo Hargeysa Lagu Laayey..

31/08/2025

"Ceerigaabo difaaceda waan ku filanahay , Firdhiyena casharo wanaagsan ayaanu siinaynaa" Badhasaabka Sanaag oo si adag ula hadlay Badhasabka bariga gobolka Sool.

31/08/2025

Khudbada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka Jeediyey Furitaanka BANGIGA WADAAG oo maanta Hargeysa laga Daah-furay

  Buuni Oo Kuso Kala Qabtay Madaxweyne Ciro Qodobka 85aad ee dastuurka JSL Waxyaabaha ka reeban Madaxweynaha iyo Madaxwe...
31/08/2025

Buuni Oo Kuso Kala Qabtay Madaxweyne Ciro
Qodobka 85aad ee dastuurka JSL

Waxyaabaha ka reeban Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada somaliland

1 Uma bannaana Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka iyo Marwooyinkoodu in ay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan.

Address

Sool

Telephone

+252672027697

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yufle media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share