13/08/2026
— Ku dhawaad 4 saacadood oo koronto la’aan ah ayaa Xalay ka Jirtay magaalada Laascaanood,.
Shacabka magaalada ayaa muddooyinkii dambe cabasho ka muujinayay koronto go’go’ badan iyo qiimaha korontada oo ay ku tilmaamayaan mid sareeya.
SOOL POWER ayaa sidoo kale wajahaysa dhaliilo la xiriira adeegga korontada, iyadoo suuqa aysan ka jirin tartan muuqda oo shacabka siin kara fursado kale.
Shacabka Laascaanood waxay xaq u leeyihiin koronto joogto ah, adeeg tayo leh iyo qiime macquul ah.