Bashiir Cabdirisaaq Axmed

Bashiir Cabdirisaaq Axmed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Bashiir Cabdirisaaq Axmed, Media/News Company, Buuhoodle, Togdheer.

🫡
15/04/2025

🫡

11/02/2025

Hormar bqy ku talaabsatay laascaanood

08/11/2024

Update

05/11/2024

Fadlan page follow gareeyaâś…

05/11/2024

ssc force💙🤍🩵

Xafiiska Bisha Cas ee Gobolka  Sool waxa u sagootin iyo maamusid u sameeyey madaxa laanqayrta cas ee Somaliya( ICRC Head...
04/11/2024

Xafiiska Bisha Cas ee Gobolka Sool waxa u sagootin iyo maamusid u sameeyey madaxa laanqayrta cas ee Somaliya( ICRC Head of Sub-delegation) Merick Freedy oo mudo xileeedkisi shaqo ee Somalia soo gabo gaboobay.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Qaahira ee ...
04/11/2024

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Dalka Masar iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira Danjire Cali Cabdi Awaare.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee XFS socdaalka uu ku tagay Masar waxaa ku wehliya Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Cilmi Maxamuud Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale).

Wafdigaan ka socda Soomaaliya ayaa qayb galaya Madasha Duni Magaalaynta 12 aad (World Urban Forum 12) oo sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA AHNA GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY ERGAYGA GAARKA EE QARAM...
03/11/2024

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA AHNA GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY ERGAYGA GAARKA EE QARAMADA MIDOOBAY.

Muqdosho-Soomaaliya November, 03, 2024: Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ergayga ayaa ugu horeyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo muddo bil ah u qabatay eedeysane Feysal wehliye Cumar oo ku eedeysan Turuufo iyo in muwaa...
03/11/2024

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo muddo bil ah u qabatay eedeysane Feysal wehliye Cumar oo ku eedeysan Turuufo iyo in muwaadiniin Soomaaliyeed uu usoo saaray Visooyin been abuur ah.

03/11/2024

Wasiirka warfaafinta ssc khaatumo najiib Barkhadle warsame

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Slovenia Muqdisho, Axad 3 Nofeembar, 2024: —Ra’iisul Was...
03/11/2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Slovenia

Muqdisho, Axad 3 Nofeembar, 2024: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon, oo booqasho ku timid Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Slovenia isaga kaashan lahaayeen danaha guud ee labada dal gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, daryeelka bulshada, amniga iyo xuquuqda aadanaha, maadaama ay Soomaaliya ka mid noqoneyso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Slovenia ay xubin ka tahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah, howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha la taaban karo ee dowladdu ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo Mrs Fajon ku ammaantay Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay.

Wasiiru-dowlihii Qorsheynta Soomaaliya, Cabdirashiid Jire oo is casiley: "Markaan arkay in aan loo joojinayn Puntland, J...
03/11/2024

Wasiiru-dowlihii Qorsheynta Soomaaliya, Cabdirashiid Jire oo is casiley: "Markaan arkay in aan loo joojinayn Puntland, Jubbland iyo Khaatumo, waxa aan go'aan saday in aan isaga tago nidaamka Damul-jadiil."

Address

Buuhoodle
Togdheer

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bashiir Cabdirisaaq Axmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share