
16/07/2025
Dalka Suuriya ayaa galay wejigii afraad ee colaaddiisa, iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan koonfurta dalka, gaar ahaan gobolka Suwaydaa. Dagaalka cusub wuxuu u dhexeeyaa beesha Duruuska oo xiriir la leh Israa’iil, iyo qabiilooyinka Carbeed ee Bedouin. In ka badan 200 qof ayaa dhintay, halka boqollaal kalena ay dhaawacmeen. Isla markaana, Israa’iil ayaa duqeymo ka fulisay goobaha laga saaray Duruuska.
Israa’iil waxay si toos ah uga qeyb qaadatay dagaalka, halka ciidamada Suuriya ay isku dayeen in ay la wareegaan goobaha dagaalku ka dhacay. Laakiin iyaguna waxay la kulmeen duqeymo Israa’iil ka timid. Mareykanka ayaa si cad uga digay Israa’iil in ay joojiso weerarrada ay ku hayso ciidamada Suuriya.
Maxaa salka ku haya dagaalkan?
Dagaalkan ma aha mid la mid ah kuwii h**e ee Suuriya, balse waa wejiyo cusub oo leh xeerar iyo nidaamyo hoos loogu heshiiyay:
Ciidamo shisheeye si toos ah uma lug laha, balse waxay u dhex mushaaxayaan xeelado iyo heshiisyo qarsoon. Dhinacyada dagaalka waxaa loo oggol yahay hub isku heer ah, si uu dagaalku u noqdo mid "caddaalad ah". Haddii dhinac adeegsado hub culus, waddanka taageersan kooxda kale ayaa si toos ah u faragelinaya si loo joojiyo xadgudubka. Tusaale ahaan, hubkii culus ayaa laga qaaday labada dhinac ee dagaalka Suwaydaa si ay u wada simmaan.
Maxay yihiin xeerarka cusub?
Waxaa la dejiyay qaab dagaal cusub oo lagu kala adkaanayo, waxaana guusha lagu xukumi doonaa cidda gacanta ku dhigta dhulka. Waa dagaal la xakameeyay oo la maamulayo, inkastoo dhiiggu sii qubanayo.
Qorshahan cusub wuxuu u muuqdaa mid xakameynaya faragelinta dibadda, balse ma joojinayo colaadda.
Suuriya maanta k**a jirto xabbad-joojin rasmi ah, nabadna lagama filayo. Dagaalku waa mid xeeladeysan, leh xeerar qarsoon, hub la siman, iyo quwado shisheeye oo si dadban u garsooraya. Colaadda way socon doontaa, balse si "qarsoon oo nidaamsan" ayey u sii fidi doontaa.