
20/08/2025
Waa bishii September ee sannadkii 1982. Goobtu waa dhulka u dhexeeya degmooyinka qadiimiga ah ee Balanballe iyo Galdogob oo ay xasuuq ba'an ka geysanayee amxaaro iyo Jabhaddii SSDF.
Waa Taangi ay leeyihiin ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed ee geed qurac ah uga hoos jira diyaaradaha xabashida.
Taangiga waxaa saaran halyeeyadii xoogga dalka iyo taliyihoodii ugu sarreeyay Aaggaas sarreeye guuto Maxamed Farah Xasan (Jen. Caydiid) oo ahaa sarkaalkii dowladdu u xulatay difaaca Balanballe iyo Galdogob.
Dowladda soomaaliyeed ayaa aaggaas u dirtay ciidan xooggan oo xabashida iyo mahbarka oo xasuuq ummuli-doox ah ku sameeynayay shacabkii Aaggaas daganaa oo badnaa beelaha Mareexaan iyo Leelakase ka difaaca.
Dhanka Mahbarka ee SSDF waxaa hoggaaminayay saaxiibkii koowaad ee Jen Caydiid oo ahaa AUN. Col. Abdullahi Yusuf Ahmed.
Balanbale iyo Galdogob waa labo degmo u ku suntan taariikh halgan iyo difaaca heybadda soomaaliyeed.
Waxaa igu maqaalo ah in illaa iyo hadda ay dadka iyo xoolaha deegaannadaas ay la kacaan miinooyinkii ay xilligaas amxaarada iyo jabhaddu ku aaseen dhulkaas.