25/06/2025
Maxaad kala socotaa doorashada Duqa magaalada New York ee carriga Mareykanka oo nin Muslim ah qarka u saaranyahay in uu ku guulaysto?
Magaalada New York oo ah magaalada ugu weyn Mareykanka, ahna salka dhaqaalaha Mareykanka, ayna ku noolyihiin tirada ugu badan ee dadka Yhda ee ku nool meel ka baxsan Israa'iil, waxaa ka socda doorasho tii ugu xamaasad badneyn Mareykanka.
Mareykanka oo ay ka jiraan laba xisbi oo kala ah Xisbiga Dimoqraadiga iyo kan Jamhuuriga, magaalada New York waxaa haysta Xisbiga Dimoqraadiga, maadaama ay tahay magaalo ay ku badanyihiin dadka Yhduna waxaa markasta Duqa Magaalada ku guulaysan jiray qofkii ay taageeraan ama ay wataan. Taariikhdaas waxay u egtahay in ay isbadalayso, isbaddalka ka dhacay Bariga Dhexe darti.
Haddaba yaa shalay wareegii Dimoqraadiga ku tartamay, yaa se ku guulaystay?
Maadaama New York ay tahay magaalo Dimoqraad, qofka ku guulaysta wareegga Dimoqraadiga baa badi noqda Duqa Degmada. Wareegaan shalay dhacay waxaa isku arkay Guddoomiyihii h**e (governor) ee gobolka New York Andrew Cuomo oo ka soo jeeda famil siyaasadda New York waqti badan hagi jiray iyo Zohran Mamdani oo ah nin Muslim, kana mid ah Golaha Deegaanka NewYork.
Sidii caadada siyaasadda New York ahaan jirtay Cuomo wuxuu garabistaagay Israa'iil wuxuuna taageeray waxa ka socda Qasa, meesha Zohran uu garabistaagay Falastiin, cambaareyn kululna u soo jeediyey waxa ka socda Qasa. Zohran waxaa kale oo uu taageeraa in la cunoqabateeyo Israal. Taariikhda Mareykanka k**a dhicin qof rumeysan mawqifka Zohran iska daa in uu noqdo Duqa New York e, xataa xafiis hoose kuma guulaysto. Aan ka ahayn shalay markii Zohran uu hilfaha u qaaday Cuomo, si darana uga guulaystay famil asaga oo aan dhalan hagi jiray siyaasadda New York.
Duqa New York ee hadda waa nin madow magaciisana la yiraahdo Eric Adams oo isla xisbiga Dimoqraadiga ahaan jiray, laakiin markii Zohran guulaystay ka baxay xisbiga, sheegayna in uu si madaxbannaan (Independent candidate) ugu ordayo Duqa New York. Waxaa kale oo uu Adams sheegay in mawqifka uu ka duulayo uu yahay sidii uu uga hortagi lahaa takoorka lagu hayo dadka Yhda iyo kor-u-qaadista xiriirka Isral.
Yaa u malaynaysaa in uu guulaysan doono, ma Zohran Mamdani iyo kacdoonka cusub ee Ameerika ka curtay, mise Eric Adams iyo dadka haga siyaasadda Mareykanka?