Mohamed Qanyare

  • Home
  • Mohamed Qanyare

Mohamed Qanyare Halkaan kala soco siyaasada dalka oo dhan.

03/01/2026

Amaanta Allah 😭

WAR DAG DAG :  Omar Abdulkadir Cartan ayaa hada loo doortay garsoorahii ugu fiicnaa qaaradda Afrika sanadka 2025 🙏🏽👏 🇸🇴 ...
19/11/2025

WAR DAG DAG : Omar Abdulkadir Cartan ayaa hada loo doortay garsoorahii ugu fiicnaa qaaradda Afrika sanadka 2025 🙏🏽👏 🇸🇴

Guul weyn ayaa Soomaaliya u soo hoyatay,waaaw Cumar Cartan HAMBALYO ismuujiya caawa kale

17/11/2025

Dhibaatada qaadka 😂

Madaxweynihii h**e ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka ka soo d...
13/11/2025

Madaxweynihii h**e ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka ka soo degey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Soodhaweynta Farmaajo ee Magaalada Muqdisho ayaa guud ahaanba hoos loo dhigay kadib markii Madaxtooyada Somalia amar ku bixisay inaan wax soo dhaweyn ah laga samayn karin caasimadda sababo dhanka ammaanka la xiriira.

Farmaajo ayaa lafilayaa inuu Muqdisho kaga qayb galo kulamo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo intaas kadib Kismaayo kaga qaybgeli doona shirka siyaasiyiinta Mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland & Jubbaland.

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEER SHAQO KU TAGAY SAFAARADDEENA KU TAALA ALJEERIYAMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal...
13/11/2025

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEER SHAQO KU TAGAY SAFAARADDEENA KU TAALA ALJEERIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kormeeray Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya.

Madaxweynaha ayaa xogwareystay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda oo uu hoggaaminayo Danjire Yuusuf Axmed Xasan, iyadoo ay soo bandhigeen guulaha dublumaasiyadeed iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal oo ay xaqiijisay Safaaraddu markii dib loo furay bilowgii sannadkan 2025.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Safiirka iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Aljeeriya waxa uu ku adkeeyey in ay labo jibbaaraan shaqooyinka baaxada leh ee ay Safaaraddu u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna doorkooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiisyada iskaashi ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Aljeeriya.

DHAMMAAD

Taliyaha Booliska Asad Diyaano iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa tagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ay ...
11/11/2025

Taliyaha Booliska Asad Diyaano iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa tagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ay la kulmeen shaqaalihii Shirkadda Favori dhibaateysay oo maanta shaqada joojiyey.

Qof shaqada laga Eryi karo majiro, shaqaalihii h**e ayaa shaqaynaya iyo in guddi baaritaanno sameeya la dhisay ayaa lagu heshiiyey.

Dhibaatada ugu weyn hadda waxay ka taagan tahay dhanka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Nuux oo $30,000 dollar bishii ka qaata Favori, waxaana uu maanta dacweeyey Booliska iyo NISA ee garoonka diyaaradaha ammaankiisa gacanta ku haya.

Wasiirka oo difaacanaya $30,000 Favori siiso ayaa RW Xamse inta wacay ku yiri "Favori waa laga qaldan yahay" Wasiir Soomaaliyeed inuu xaquuqdooda duudsiiyo muwaadiniin Soomaaliyeed, waa inuu ku mutaa xil ka qaadis degdeg ah, waa haddii Caddaaladi jirto.

Ali Adan Mumin,

Waxaa Maanta Magaalada Narobia kulan kula qaatay Walaalkayga Gudoomiye Maxamed Mursal oo aan ka heshiinay kala aragti du...
10/11/2025

Waxaa Maanta Magaalada Narobia kulan kula qaatay Walaalkayga Gudoomiye Maxamed Mursal oo aan ka heshiinay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed anagoo isku raacnay midnimada, Wadajirka iyo Hormarka Koonfur Galbeed iyo Guud ahaan Soomaaliya inaan ka shaqayno.

Waxaa Sidaasi lagu Soo qorey barta Facebook uu kuleeyahay MD abdiasis laftagareen.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa garoonka diyaaradaha Port Sudan oo ah saldhiga milatariga Suudaan waxaan waxaa ka dagay ...
09/11/2025

Saacadihii la soo dhaafay waxaa garoonka diyaaradaha Port Sudan oo ah saldhiga milatariga Suudaan waxaan waxaa ka dagay diyaaro milatari oo ay leeyihiin Turkey, Qatar, Masar, Iran iyo Ruushka.

Sidoo kale diyaaradaha milatariga Suudaan ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Eritrea iyagoo dib ugu laabtay Port Sudan. Milatari Suudaan ayaa sidoo kale bilaabau guluf cusub oo dagaal.

HARGEYSA: Afar carruur ah [3 wiil & gabadh] oo da'doodu ka yar tahay 10 jir ayaa ku dhintay dab uu guriga ku qabadsiiyey...
09/11/2025

HARGEYSA: Afar carruur ah [3 wiil & gabadh] oo da'doodu ka yar tahay 10 jir ayaa ku dhintay dab uu guriga ku qabadsiiyey aabbohood, sida ay sheegeen Ciidanka Dabdemiska Somaliland oo intaasi ku daray in arrintan ay salka ku hayso khilaaf soo kala dhex galay aabbaha & hooyada oo maxkamad iskula jira.

Marka laga yimaaddo afarta dhintay waxa qoyska u badbaaday gabadh-yar oo hooyadu xambaarsanayd.

09/11/2025

WANLAWEYN: Hooyo & carruurteed ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dab la qabadsiiyey guryo ka mid ah deegaanka Dudumay oo uu ka socdo dagaal-beeleed, ka dib markii shalay lagu gubey nin dhimirka ka xanuunsan halkaasi.

Wiilka Muammar Gaddafi ee Hannibal Gaddafi ayaa laga sii daayay xabsi uu ku xirnaa dalka Lubnaan, kadib markii dammaanad...
07/11/2025

Wiilka Muammar Gaddafi ee Hannibal Gaddafi ayaa laga sii daayay xabsi uu ku xirnaa dalka Lubnaan, kadib markii dammaanaddii $11 milyan ahayd la baabi’iyay (la kansalay).

Hannibal wuxuu xabsi ku jiray muddo toban sano, waxaana lagu eedeeyay inuu hayay macluumaad ku saabsan maqnaanshaha Imaam Muusa al-Sadr, oo ahaa wadaad Shiico ah oo la waayay sanadkii 1978 intii uu booqasho ku joogay Liibiya.

Walaalkiis Saadi Gaddafi ayaa bartiisa X (Twitter h**e) uga mahadceliyay dowladda Lubnaan iyo Ra’iisul Wasaaraha Liibiya, Cabdulxamiid Dbeibeh, isagoo sheegay inuu bogaadinayo sii deyntaas.

Address

Hoosh Street

252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Qanyare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Qanyare:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share