Khadar alfalaki

Khadar alfalaki description description

10/10/2025
10/10/2025
10/10/2025

Waxkabaro cilmiga falaga dhanka burjiyada si aad isku garato ama aad u barato xaaskaaga iyo caruurtaada oo aad u fahanto qaabka aad Kula macaamilayso eed ula dhaqmayso.

Kani waa astaanta burjiga 3aad EE layidhaa joozaaga EE xidigiisuna yahey cadaariga .

10/10/2025

Maanta waxaynu Ka hadlaynaa burjiga Dibiga EE xidigiisu yahey suhrada waxaynu soo sheegney qaybtii raga .
Maanta waxaynu Ka hadlaynaa qaybta dumarka .sifoiyinkooda u gaarka a.

Gabadha dhalata burjiga 2aad EE dibigu waa gabadh awoodeedu cajiibtahey
Waa gabadh xidig aad moodo oo Samir iyo dulqaadba lagu manaystey .
Waa gabadh dagan oo qabow.
Waa gabadh Ku fiican dhanka agaasinka xafladaha .

Gabadhan Markey baahi timaado masuul Ka noqon karta reerkeeda iyo caruurteedaba
Waa gabadh ayku badantahey dhidignimadu oo ubaahan nin adag oo si xeel dheer u hogaamiya.
Waa gabadh toosan oo runta sheegta Una baahan in la ilaaliyo oo ladhiiri galiyo .oo la jaheeyo.

Waa gabadh dadka Ku miisaanta Laba Shay runta iyo deeqsinimada .qofka shuruuda kasoo bixi waaya way Ka aamustaa .SE maaha aamuskaasi xasad iyo karaahiyo.

Gabadhani dhanka hinaasaha way qarsataa marka h**e SE marka ninku xuduudka Ka baxo waxay isku badashaa halis.
Waa gabadh maskaxfiican awoodna ule inay siyaasada gasho SE ma xiisayso siyaasada .

Gabadhani waxay xiisaysaa beeraha Markey murugto waxayna Ka heshaa farxad iyo qosol .
Gabadhani waxay aad u xiisaysaa cadarada aadka u udgoon.gadhmuunkuna wuu dhibaa .

Gabadhani way cunto macaantahey ragana waxay Ku soo jiidataa cuntada macaan EE Ragu xiiseeyo .
Gabadhani waxay jeceshahay fanka heesaha iyo miisiga .

Dhanka hooyo nimada waa hooyo dhamaystiran oo caruurteeda jacaylka hooyo nimo u muujisa .
Haday caruurtu wax Ka diidaan Kuma ciqaabto SE k**a tanaasusho oo way Ku ciqaabtaa dhanka nidaaminta iyo nadaafada.

Gabadhani ma tiqaano yuuska cabashada
Marka dhaqaalaha qoysku hoos u dhaco iyadaa shaqaysa waana howlkar karti badan.

Waa gabadh qalbi balaadhan oo soo dhawaysa asxaabteeda jaarka iyo qaraabada Markey u baahdaan gurigeega .
Waa gabadh dhan walba Ka dhisan.oo isku filan.
Lasoco qaybta labaad EE Ku saabsan gabadhan calaamada heega iyo siday u eegtahey .
Wabilaahi towfiiq.

Waxkabaro cilmiga falaga dhanka burjiyada si aad isku barato.adigu marka h**e .Waxaynu Ku dhexjirnaa burjigii 2aad EE Di...
09/10/2025

Waxkabaro cilmiga falaga dhanka burjiyada si aad isku barato.adigu marka h**e .
Waxaynu Ku dhexjirnaa burjigii 2aad EE Dibiga qaybtiisii dumarka .maanta waa calaamadaha dumarka dhasha burjiga labaad EE Dibiga.
Calaamada lagu garanayo gabadha burjiga labaad EE Dibiga EE turaabiga a ama ciida .

Waa gabadh makriga tiqaana .oo dabno adag sanwayn oo gaaban Markuu dibigu eegayo .
Markuu suhruhu eegayana waxay noqotaa gabadh dheer oo qoor dheer oo san gaaban oo dabno jilicsan . calaamad ayay Ku leedahey wajiga casaan iyo cadaan isku jira.oo indha fiican Timo wanaagsan ilka cad guur fiican ninka helaa majeclaado cid kale

Waxay jeceshahay shaaha iyo durbaanka wayna is cajabisaa.se waxa looga baqayaa gabadh maariina oo dheer oo usocota inay gurigeega kharaabiso .waxa laga yaabaa inay bir xadiida Ku dhufato ama dab inay Ku gubto

Waa gabadh madaxa taagta caruurteeda inta badana waa hablo caruurteedana iyadaa korsata .
Ragana howlo badan ayaa kasoo mara waxayna qani Ku noqotaa caruurteeda darteed
Waxay gaadhaa dhib dabadeed maal badan.
Ragbadana way jeclaadaan
Waxaana looga baqayaa in sixir loosameeyo oo loogu aaso xabaalo laga tagey ama biyo socda .
Dharka casna waa lagu ileeyaa ama lagu xaasidaayoo Uma fiicna .
Waxaana looga baqayaa nin oo qolof wayn oo daga oo maalkeeda cuna .
Waa gabadh u Sama fasha qofkey garanayso iyo ay ayna garanayn .
Shirkad inay gashaa Uma fiicna .dhanka ayaamaha waxa u fiican jimcaha iyo habeenka salaasada .

Gabadha calaamadahan lihi waxay u qaybsantaa sadex waji ama sadex nooc
Wajiga kowaad waa marka burjiga dibigu xidigiisu noqdo cadaarik .
Wajiga labaadna waa Markuu burjiga dibiga xidigiisu noqdo dayaxa .
Wajiga sadexaad na waa Markuu dibiga xidigiisu noqdo SAXAL.
Lasoco sadexdaa waji ama nooc oo faahfaahsan qaybta dambe.
Wabilaahi towfiiq.

Wali waxaynu Ku dhexjirnaa burjigii Dibiga EE 2aad .Maanta waxaynu Ka hadlaynaa sifooyinka burjiga labaad EE dibigu leey...
07/10/2025

Wali waxaynu Ku dhexjirnaa burjigii Dibiga EE 2aad .
Maanta waxaynu Ka hadlaynaa sifooyinka burjiga labaad EE dibigu leeyahey .
Horta waa burji turaabiya oo Ku Jira burjiyada fiican .
Markaa waxaynu sheegaynaa sifooyinka u leeyahey qofka dhasha burjigan labaad EE Ka dhexeeya raga iyo dumarka dhasha burjiga labaad EE Dibiga .

Qofka burjigan dhashaa waa qof Kali socoda oo dabeecadiisa Ku hogaamiya asluubta wanaagsan.
Arimihiisana qorshaysta oo wakhtigiisa inta badan guriga Ku qaata.

Waa qof waxkasta oo lasoo darsa Ka fakara .
Waa qof maskaxdiisu u shaqayso dagdag marka dadka u la joogo .
Qofkan dhanka noloshiisu waa mid saraysa oo dagan .
Hadafyadiisa waxa Ka mida guri wuu Ku raaxaysto .

Qofkani wuxu Ku ad adag yahey caadooyinka iyo dhaqankiisa .oo aan labadali Karin.
Waa qof dhanka caafimaadkiisu aad u sareeyo
Qofkani marka noloshu Ku adkaato wuxu Ku nafisaa oo u raaxo iyo daganaan Ka helaa jawiga dagan sida beeraha iyo dooga .

Waa qof aad ugu dhaga nugul talooyinka dhakhaatiirta taasina waxay Ka dhigtaa qof caafimaadkiisu sareeyo.
Qofkani wuxu aad ujecelyahey qaraabadiisa iyo ehelkiisaba .

Qofkan dhanka dhaqaalaha markaynu Ka eegno maalka iyo qofka burjiganii waa mataano .
Burjigani waa burjiga maal qabeenada maalka ururiya .SE ceebtiisana maaha bakhaylnimadu inay wax kabaxaan aadbey ugu adagtahey .

Burjigani waa burji wayn marka la eego caqligiisa qalbigiisa gabaygiisa.
Waxaana ceebtiisa a canaadnimo dadku Ku xantaan iyo gacan adayg maalka jecel iyo cuntada iyo sharaabka

Markaynu eegno dhanka guurka burjiga u fiicani waa burjiga 8aadEE loo yiqaano caqrabka ama hangara laha EE xidigiisu yahey mariikha. .

Burjigani haduu hello burjigiisa Ku haboon guurkiisa waa hubaal inuu guulaysanayo .

Lasoco qaybta burjigan labaad EE Dibiga EE Ku saabsan sifooyinka iyo calaamadaha dumarka
Burjiganii gaarka uleeyihiin.
Wabilaahi towfiiq.

Waxkabaro cilmiga falaga dhanka burjiyada Burjigaaga inaad barataa oo aduu aad is barataa oo aad caruurtaada iyo xaaskaa...
05/10/2025

Waxkabaro cilmiga falaga dhanka burjiyada
Burjigaaga inaad barataa oo aduu aad is barataa oo aad caruurtaada iyo xaaskaaga barataa waxay muhiim u tahey noloshaada iyo mustaqbalkaaga.
Hadaad rabto inaad burjigaaga barato waxaad messengerka kusoo qoraysaa magacaaga iyo magaca hooyada .

Waa qaybtii 2aad EE ninka dhasha burjiga dibiga.
Ninkani wuxu u qaybsamaa sadex nooc ama sadex waji .
Wajiga koobaad waa marka dibigu noqdo xidiga cadaarik loo yiqaano wuxu u eekaadaa sidan.

Waa nin waji wayn oo maariina oo gash wayn waji wareegsan indha kuulan hadal macaan.
Wuxu calaamad Ku leeyahey Isha

Wajiga 2aad waa marka burjiga dibigu la jooga dayaxa markaana wuxu noqdaa sidan.

Waa nin cad gash yar oo casaan Ku jiro .oo qorqoran.Oo waji wanaagsan .wuxu calaamad Ku leeyahey wajiga
Joogiisuna waa nin dheer .

Wajiga sadexaad EE u noqnayo ninka burjigiisu yahey burjiga Dibiga waa Markuu burjiga dibigu noqdo ama lajoogo xidiga loo yiqaano saxalka .
Wuxu noqdaa sidan.

Waa nin maariina oo joogdheer gadhwayn indha madow caloosha barkule maalka ururiya bixinta maalkana neceb.

Lasoco qaybta dambe Ku saabsan burjiga Dibiga
Wabilaahi towfiiq.

Waxkabaro cilmiga falaga dhanka burjiyadaBurjigaaga matiqaanaa iyo burjiga xaaska kuu fiican inaad laguri gasho.Maanta w...
04/10/2025

Waxkabaro cilmiga falaga dhanka burjiyada
Burjigaaga matiqaanaa iyo burjiga xaaska kuu fiican inaad laguri gasho.
Maanta waxaynu Ka warami doonaa burjiga 2aad EE loo yiqaano Dibiga
Burjiga dibigu waa burji turaabiya marka h**e waa burji fiican oo zuhra a

Waxaynu Ku baabaynaa raga dhasha burjiga Dibiga calaamad hooga iyo sifoiyinkooda .
Ninka dhasha burjiga dibigu.
Waa nin buuran oo xooga ama jimidhyar .
Waa nin Ku fiican dhanka jacaylka oo markasta laxidhiidha jacaylkiisa hadey isu adkayso waa nin aan Ka daalin ilaa wuu hantiyayo .
Marmarka wuu u heesaa oo wuxuu udiraa ubaxyo turjumaya jacaylkiisa .

Waa nin maalka urururintiisa jecel oo wax kaydsada oo aan si hawlyar ubixin maalka
Gabadha hantidaana waxay Ku noolaataa nolol raaxa le .

Waa nin qabow oo dabacsan wuxuuna jecelyahey inuu daawado qisaska iyo dhacdooyinka guulaystey iyo geesinimadooda

Waa nin caruurtiisa u fiican waana nin sabir badan oo caruurtiisa u gacan furan oo akhlaaq fiican oo shaqa wanaagsan.wuxu u baahdaa in lanasiyo si uu u nasto marka shaqada .

Ninkani waa nin madaxwayne oo waji wayn ama jimidh yar oo qorqoran.
Waa nin indha madow oo jecel quruxda iyo cuntada cabitaanka .
Ninkani malaha saaxiibo fiican isagu wuxuu larabaa asxaabtiisa khayr iyaguna waxay larabaan shar .SE niyadiisa oo fiican awgeed ayuu Ka badbaadayaa sharkooda.

Ninkani dhabarka calaamad ayuu Ku leeyahey calooshana bar ayuu Ku leeyahey .waa nin dadku jecelyahey oo aan laga xiisa goyn.
Dadka baahidooda ayuu xaliyaa .baahidiisana wuu Ka caajisaa .marmarka qaar sirta wuu qariyaa .waana nin ladiifa dabacsan.

Ninkan burjiga Dibiga dhashaa wuxuu u qaybsamaa sadex nooc .
EE lasoco qaybihiisa dambe
Wabilaahi towfiiq

Address

Gebiley
SAKADACEELBARDAALE

Telephone

+252654483694

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khadar alfalaki posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share