
15/08/2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, waxa uu dadaal ku dhisan hufnaan dadaal iyo diblomaasiyada sare uga hawl galay sidii loo suurto galin lahaa aqoonsi caalamiga ah ee Somaliland, kaas oo aynu baadi-goobkiisa ku jirnay muddo 34 sano ah.
Waxaana tusaale kuugu filan kulankii uu la yeeshay senator Ted Cruz iyo jawaabta Senator-ka oo noqotay tii ugu saamaynta badnayd ee warbaahinta caalamku qaadaa dhigto.
Taageerada shacabka Somaliland ee garab istaaga wasiirku waa lagama maarmaan.