Bile Tv 2026

Bile Tv 2026 Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Bile Tv 2026, News & Media Website, .

Bile Tv Waxaad Ka helay san warar Xaqiidad Taabanaya Kuna Salaysan Dhacdooyin Biyo KamA Dhibcaan Ah Iyo Waqtiga aydhacayaan Iyo Goorta Aydhacayaan Iyo Halka Ay Ka Dhacayaan Ku Xidg Naw Bile Tv

Khilaaf hadheeyey Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer iyo Kaydka dawooyinka xanaanada dhexe oo la jabsaday.Xogo rasmi...
22/03/2026

Khilaaf hadheeyey Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer iyo Kaydka dawooyinka xanaanada dhexe oo la jabsaday.

Xogo rasmi ah oo aan helayno ayaa tibaaxaya in maalmihii u danbeeyey uu khilaaf xoogan ka taagan yahay maamulka Kaydka daawoyinka ee xanaanada dhexe ee Burco khilaafkan oo salka ku haya awooda maamulka dawooyinka ee Wasaarada taas oo la sheegay in isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer iyo maamulka kaydka daawooyinka ee heer gobolka Cabdikariin isku maan-dhaafeen faragelin dhanka awoodaha maamulka kaydka Daawooyinka ah.

Arrintan oo dhalisay in tiraba dhawr jeer dhinacyada is hayaa sameeyeen kala maroorsiga Kaydka Daawooyinka falal jabin ahna lagu sameeyey al-baabka xarunta Daawooyinka ayaa waxa ay hadda gaadhay dacwado dhanka sharciga ah , waxaana xalinta khilaafkaa hada gacanta ku haya Badhasaabka ku xigeenka Gobolka Togdheer Siciid Raage.

Wasaarada Caafimaadka Gobolka Togdheer ayaa noqotay meel markasta u taagan khilaaf awoodeed oo si sharci darro ah loogu sameeyo adeega Bulshada laguna hakad geliyo shaqadii Wasaaraddu ay u haysay Gobolka Togdheer.

Sucuudiga ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay in ay berri oo Arbaca ah ay tahay Ramadaan.
17/02/2026

Sucuudiga ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay in ay berri oo Arbaca ah ay tahay Ramadaan.

Madaxweyne Cirro ayaa baahiyay labadan sawir maanta oo ah arbaca, diyaaradaha iyo goobta uu taagan yahayba waxa ay muuji...
21/01/2026

Madaxweyne Cirro ayaa baahiyay labadan sawir maanta oo ah arbaca, diyaaradaha iyo goobta uu taagan yahayba waxa ay muujinayaan in uu ku sugan yahay waddanka Switzerland.

Switzerland waxa ka socda shirka dhaqaalaha adduunka oo uu ka qayb-galayo madax uu ku jiro Trump.

15/01/2026
Shirkadda DP World ayaa u sheegtay Reuters, inay howlaheeda dekedda Berbera ay weli socdaan oo ay ku shaqeynayaan heshii...
13/01/2026

Shirkadda DP World ayaa u sheegtay Reuters, inay howlaheeda dekedda Berbera ay weli socdaan oo ay ku shaqeynayaan heshiisyadii h**e , iyadoo shirkaddu xaqiijisay goโ€™aammada siyaasadeed, wada-hadallada dowladaha, ama mowqifyada diblomaasiyadeed lagu wargeliyo hayโ€™adaha ay khusayso, kaddib goโ€™aankii shalay ka soo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya oo lagu baabiโ€™iyay heshiisyada iyo wada shaqeyntii Imaaraadka Carabta.

13/01/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐ข๐ข ๐ก๐จ๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข...
13/01/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐ข๐ข ๐ก๐จ๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah, taariikhi ah, isla markaana astaan u ah bisaylka siyaasadeed iyo wadajirka Qaranka JSL la yeeshay Wasiirradii h**e ee Arrimaha Dibedda ee h**e u soo hoggaamiyay Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo hannaanka Diblomaasiyadda Qaranka muddadaa ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo 7 Wasiir oo ka mid ahaa Wasiiraddii h**e ee Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku sifeeyey in ay ahaayeen Mujaahidiintii Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo ilayskii hadh iyo habeenba baadi-goobka ugu jiray Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in qof kasta oo kulanka ka soo qayb galay, kuwa maqan iyo kuwii dhintayba (AHUN) ay juhdi iyo dedaal badan galiyeen qaddiyadda ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu mid mid u akhriyey magacyada iyo taariikhda ay ay xilka hayeen 15-ka Wasiir Arrimo Dibadeed (kuwa nool, maqan ama geeriyooday), oo uu ku jiro Wasiirka haatan xilka haya ee Qaranka u soo shaqeeyey muddadii ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid ku salaysan talo-wadaag Qaran, waayo-aragnimo-wadaag iyo wadatashi la xidhiidha Arrimaha Masiiriga ah ee Qaranka JSL, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si qoto dheer ugu faahfaahiyey marxaladda cusub ee diblomaasiyadeed, tan siyaasadeed iyo ta amni ee uu dalku galay, isaga oo is-dul-taagay in marxaladdan xasaasiga ahi ay u baahan tahay midnimo buuxda, wadajir Qaran iyo in mudnaanta koowaad la siiyo danta guud ee dalka iyo dadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh u qiray doorka weyn ee ay Wasiiraddii h**e ee Arrimaha Dibaddu ay ku lahaayeen hana-qaadka Siyaasadda Arrimaha Dibedda JSL, waxana uu yidhi:

"Waxa aad isaga soo kala dambayseen shaqo fiican oo sees u noqotay dhismaha Xidhiidhada Arrimaha Dibedda ee Somaliland, waana ta noo fududaysay in aannu sii dhammaystirno oo maanta uu Allah innagu guuleeyey aqoonsigii koowaad, kuwo kalana aynu filayno, waana sababta aan idiinku yeedhay Kulankan-kan mahadnaqa iyo xog-iswareysigaba leh."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ay aqoonsiga u soo mareen jid dheer oo adag iyo dedaal wadareed bulsho, waxana uu yidhi:

"Aqoonsiga Somaliland waa mid ka dhashay dedaallo is-biirsaday oo intiina madashan fadhida uu mid kastaa wax ku darsaday. Taasi ayaannu ku sii kordhinnay dadaalkayaga iyo istaraatjiyaddii diblumaasiyadeed ee sii dhammaystiri lahayd. Alle mahaddiina, way midho dhashay."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u qeexay in Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ay ku dhisan tahay iskaashi, is-tixgelin, iyo dano wadaag. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn dal go'doon ka ah dunida kale, albaabadeeduna u furan yihiin, isla markaana ay soo dhaweynaysa cid kasta oo la macaamilaysa, cid kasta oo rabta in aanu wax wada qabsan karno, iyo cid kasta oo Somaliland niyad samaan kula shaqaysa.

Dhankooda, Wasiirradii h**e ee Arrimaha Dibedda JSL ee kulanka ka soo qayb galay ayaa si qoto dheer ugu mahad naqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kulanka wada-tashiga iyo xog-warranka Qaran ah ee uu ugu yeedhay. Waxa ay tilmaameen in tallaabadani aanay h**e caado u ahaan jirin, balse ay caddayn u tahay Hoggaaminta Quman ee Madaxweynaha, bisaylka siyaasadeed iyo jihada saxda ah ee dalku u socdo.

Waxa ay sheegeen in arrintani ay kor u qaadayso midnimada Qaranka, kalsoonida shacabka iyo rejada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, waxana ay si wadajir ah u muujiyeen garab istaag iyo taageero buuxda oo ay u hayaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

Wasiirradii h**e ee Arrimaha Dibeddu waxa ay soo jeediyeen talooyin cad iyo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah oo lagama maarmaan u ah hawlaha diblomaasiyadeed ee xilligan iyo marxaladda cusub ee uu dalku galay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Shacabka qiimaha leh ee Somaliland kula dardaarmay in ay ilaashadaan amnigooda, wadajirkooda, cadowgana ay meel uga soo wada jeestaan, isaga oo sheegay in midnimada Qaranku ay tahay hubka ugu culus ee ay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ku difaaci karto jiritaankeeda kuna gaadhi karto himilooyinkeeda Qaran.

Kulankan taariikhiga ah ayaa waxa uu ahaa mid farriin cad u diraya shacabka Somaliland gudaha iyo dibaddaba, taasi oo ah in Hoggaanka Qaranka JSL ay ka goโ€™an tahay isu keenidda waayo-aragga, aqoonta iyo garaadka ummadda, mideynta aragtiyaha siyaasiga ah ee marxaladda cusub, iyo xoojinta rajada iyo yididiillada mustaqbalka dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacyada Wasiirradii h**e ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalmiga ah ee ka soo qayb galay kulanka iyo Wasiirka haatan xilka haya:

1. Gud Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur),
2. Gud Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon),
3. Dr. Adna Aadan Ismaaciil,
4. Maxamed Biixi Yoonis,
5. Cabdillaahi Maxamed Ducaale,
6. Dr. Sacad Cali Shire,
7. Dr. Ciise Kayd Maxamuud,
8. Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

LONDON GUDAHEEDA:Jaaliyadda Somaliland oo beri banaanabx ka hor samee ayaa Aqalka 10 DOWNING STREET ee looga galiyo UK โ€ฆ...
13/01/2026

LONDON GUDAHEEDA:Jaaliyadda Somaliland oo beri banaanabx ka hor samee ayaa Aqalka 10 DOWNING STREET ee looga galiyo UK โ€ฆ Waxay leeyahiin Ingiriskow ku dhawaaq aqoonsiga

Wasiirka Madaxtooyada Soomaliland in aan Xasan Sheekh Matali Soomaaliya"Marka la eego hadalada Puntland iyo Jubaland ee ...
13/01/2026

Wasiirka Madaxtooyada Soomaliland in aan Xasan Sheekh Matali Soomaaliya
"Marka la eego hadalada Puntland iyo Jubaland ee ay ku diideen goโ€™aamadii aan caqli galka ahayn ee maamulka taagta daran ee Muqdisho, waxaa cad in HSM sharci ahaan iyo xaqiiqo ahaan matalin Soomaaliya. Ma ogolaanayno ajandihiisa uu colaada ka dhex abuuroyo Somaliland iyo Somalia. Waxaan ugu baaqaynaa Soomaalida in ay diidaan qorshaha amni-darrada ee HSM ka dib markii ay ku guul-darreystay in uu xitaa sugo amniga aasaasiga ah ee u dhexeeya Xalane iyo Villa Somalia, iska daa Muqdisho oo dhan. Waxaan u taagannahay nabadda, saaxiibtinimada, ixtiraamka, iyo iskaashiga dadka Soomaaliyeed"

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bile Tv 2026 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bile Tv 2026:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share