14/04/2025
Awoodihii dhaxlay gumeysigii h**e oo uu hada horboodaayo sheydanka ween, hadafkooda ugu ween waa iney masiirka ummadaha mandiqadeena ey gacantooda ku heeyaan, dhan walba, siyaasad ha ahaato, dhaqaale iyo xitaa dhaqdhaqaaqooda iyo dadka ey saxib ka dhiganaayaan iyo dadka ey la coloobaayaan.
Awoodahaan si ummadaha ey gacanta ugu dhigaan, waxa ey ka xayuubiyaan wax walba oo la xetiirta isku filnaasho heer ey xitaa ummadaha ka qaataan in ey ku fikiraan in ey isku filnaadaan, iyaga oo umaraaya farsamada ah in ummadahaan ey ku mashquuliyaan kaalmo boojo ah, oo hadafka ugu ween ey tahay in marna ummadaha eysan ku baraarugin muhiimada ey leedahay in iyaga gacmahooda ey wax ku qabsadaan oo ey raadiyaan xurriyada dhaqaale iyo xurriyada wax soo saar iyo xurriyad siyaaasad curin.
Qofka iyo dowladii larabaato ummadooda in ey si dhab ah u xuroobaan, waxa ey u jeestaan raadinta sidii ummadahooda ey ugu abuuri lahaayeen fursado ey ku gaari karaan isku filnaasho iyo wax soo saarasho ka madax banaan kaalmada iyo ku tiirsanaanta awoodahaas asalkooda gumeysi doonku yahay.