11/01/2025
"Caawa waxaan gabaygan Muj,Hadraawi usoo qaatay Kuna Dhiiri gelinayaa Halyeey kasta oo u taagan inuu la dagaalamo dulmi faleyaasha iyo kuwa is biday."
"Nimanyahow gantaalaha subkee, gamaska dhiigeeyay,
Nimanyahow galkiyo seefta yidhi, gees u kala leexda,
Nimanyahow sidii awr gurgura, caynku gubi waayay,
Nimanyahow garbaha buuxsadee, raray gardaadkooda,
Nimanyahow gadoodiga bartiyo, galow la soojeedka,
Nimanyahow habeenkii gudee, guura-bahaleeyay,
Nimanyahow gadiidkii socdee, meel hadh gali waayay,
Nimanyahow sariir lagu gam’iyo, gogol ka dheeraaday,
Nimanyahow guryaha diiday iyo, gaari lala seexdo,
Nimanyahow gasiinkii ka tagey, gaws wax lagu qaato,
Gudcur dama cirkoo gibil xidhoo, dhibic is gaadhsiiyay,
Nimanyahow gudgude soo curtiyo, guuxu kari waayey;
Gabadannada nimanyow dugsaday, gooro laga hoyday,
Nimanyahow gabboodkiyo dugsiga, gellina hayn waayay,
Gudguduudka waagiyo saqdhexe, maalin kala guurtay,
Mugdi gaba' cadceed gaasabaxa, waaga galacdiisa,
Nimanyahow gumeystaha ku jaray, gaadmo iyo weerar;
Miinada gumaadkiyo xeryaha, gaadhka lagu meershay,
Nimanyahow sidii aarka guda, guudka kaga booday,
Nimanyahow guddoonsaday inaan, godobtu duugoobin,
Nimanyahow ma guurtada xuska leh, galiyay taariikhda;
Haddaydaan adduunyada gilgilin, xil i ma guuleene,
Laabtayda k**a soo go’een, tix iyo geeraar e,
Gocashada dareenkiyo murtida, ama se guurowga,
Waxaad geysateen buu ku yimid, gabaygan joogaa."
Muj Hadraawi AHN
~ GALANGAL | 1970 | Dagaalkii Maraykanka iyo Fiitnaam.
Cabdullaahi Ismaaciil