Xulka TV

Xulka TV ku sow dhawaw xulka Tv
welocome xulka Tv

30/10/2025

Kooxda RSF ayaa soo bandhigtay iyagoo xabsiga dhigaya Faatix Cabdalle Idris (Abu Lulu) oo ka mid ah saraakiishooda , kaasoo horey uga soo muuqday isagoo dil u geysanaya kumannaan rayid ah, iyadoo wargeyska New York Times uu baahiyay Abu Lulu inuu ka dambeeyo dilka saddex kun oo rayid ah 48 saac gudahood ah oo ka dhacay Al-Faashir.

Fiiro gaar ah;

Xariggan waa wax ay RSF iskudayayso inay isku muujiso kuwa xakameyn kara dagaalyahannadooda, laakin ficillada dagaalyahannada ayaa argagax ka dhaliyo dunidda, kuwaasoo iyagu baahinaya dilalka arxan darrada ah ee ay geysanayaan. Waxayna hadda keydiiyeen wax ku filan in lagu ciqaabo.

30/10/2025

Ciidanka RSF ee Suudaan ayaa soo bandhigay muuqaallo ay ku muujinayaan meydad badan oo waddooyinka daadsan iyo tobannaan gaari oo ay ku gubeen magaalada Al-Fashir , iyadoo muuqaalkan uu ka marqaati ka cayo codod murugo leh oo laga soo gudbiyay dadkii ka soo baxsaday Al-Fashir oo sheegay inuu xasuuq ka socdo magaalada oo waddooyinka ay buuxiyeen meydadka qof kastana la tooganayo.

30/10/2025

Kumannaan qof ayaa maanta xoog ku galay garoonka diyaaradaha magaalada Dar es Salaam ee dalka Tansaaniya, iyagoo isku dayaya inay ka hortagaan saraakiisha dawladda iyo siyaasiyiinta inay ka baxaan dalka, xilli ay socdaan mudaaharaadyo waaweyn oo daba socda doorashadii buuqa dhalisay. Waa maalintii labaad oo mudaharaadyada ay ka socda Tansaaniya, kadib markii madaxweynaha xilka haysa haweenayda, Samia Suluhu Hassan ay ka reebtay doorashada labada musharrax ee ugu sarreeyay mucaaradka, taasoo si dhab ah u micnaheedu yahay inay is-siisay muddo xileed kale.

Dibadbaxayaasha ayaa gubay xafiisyo dawladeed, waxayna isku dhaceen booliska rabshadaha ka hortagga, iyadoo dawladdu xirtay internet-ka guud ee dalka. Hadda, mudaharaadayaashu waxay xannibeen garoonka diyaaradaha, si ay u hubiyaan in kuwa mas’uulka ka ah qalalaasahan inaysan ka baxsan dalka oo dhinac ka gubanayo.

29/10/2025

Bisinka ! Askarigan Haraanti ayuu beerka ka geliyay hooyo miskiin ah halka kuwa kale ay iyaguna ul & feer iskugu darayaan ninka dhalinyarada ah ee xooga ay ku wataan.

Halkan waa Warshadaha , Jaamacada Simad Horteeda dhul laga barakiciyay shacab.

Wixii warar dheeraad ah kala soco halkan
Kala soco warar sugan 👉 Xulka Tv

NAGU SOO BIIR OO NOQO BAHDA NAGU XIRAN

Address


Telephone

+252614910583

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xulka TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share